Shirkada Dahabshiil oo Xarmo Cusub ka furtay Magaalooyinka Maroodi Jeex,
Gibiley, iyo Gobolka awdal Magaala Madaxdiisa Boorame…..
(Daawo Sirada)
Xaflado si heer sare ah loo soo agaasimay ayna soo qaban qaabisay Shirkada
Dahabshiil ayaa shalay waxaa lagu kala furay xarumo Dowr ah.
Xafladahani oo ka kala dhacay Magaalooyin kala Duwan ayaa waxaa ka mid ahaa
Maroodi Jeex, Gibiley, iyo Gobolka awdal Magaala Madaxdiisa Boorame.
Waxaa halkaasi ka hadlay Mas’uuliyiinta shirkadani oo ay ka mid ahaayeen
mareeyaha Shirkada Dahabshiil C/rashiid faarax, Gudoomiyaha Gobolka Awdal
Maxamuud Sh. C/llaahi Cige Wakiilka shirkada Dahabshiil Boorame Ismaaciil
Riiraash Salaadiin siyaasiyiin iyo ganacsato.
Waxaana halkaasi ugu horayntii ka soojeediyey hadal uu kaga waramayo waxqabadka
shirkada Dahabshiil Agaasimaha Gobolka Awdal ee shirkadaas Md. Ismaaciil Cabdi
Riiraash oo sheegay 1994kii in ay shirkadu hawsheedii u horaysay ka bilawday
magaalada Boorama markaana Fooniye ay ku bilowday kadibna waxa ay qabatay
shirkadu ayuu yidhi hawlo fara badan oo iyada oo u soo gudubtay heer caalami ah
oo ay adeegsato Technologiyada casriga ah waxaanay qabatay hawlo waaweyn, mana
ah ayuu yidhi Ismaaciil tani xaruntii u horaysay ee aan halkan ka hirgalino ee
dhawaan ayaan xarumo cusub oo kale ka soo furay magaalooyinka Saylac, Lughaya,
Lawyacado iyo Xariirad, waxaana noo qorshaysan in aan meelo kalena dhawaan ka
furno ayuu intaas ku daray Xaaji Ismaaciil.
Waxaa sidoo kale halkaasi Qudbad ka jeediyay iyo amaan Cabdirashiid Faarax Axmed
oo ah agaasimaha guud ee shirkada Dahabshiil, waxaanu aad ugumahadnaqay reer
Boorama oo uu sheegay hadii aanay iyagu nala qaban hawshan in aanay suurta
gasheen in aan gurigaa quruxda badan dhisno hadii aad sidaas noola sii
shaqaysaana waxaan qaban doonaan mashaariic kale oo wax tar u leh bulshada ayuu
yidhi.
Waxaa kale oo uu sheegay Cabdirashiid in shirkadu markii hore Fooniye ku
bilaabantay hadana Fax iyo Telefoon, hadana Computer maanta waxa ay maraysaa
online iyo SMS-ka fariimaha loo yaqaan oo qofka loogu sheego in ay lacagi u
timid kii soo dirayna loogu sheego in qofkii qaatay, waxaa kale oo u dadka ka
codsatay in iyaga oo tixgalin siinaya mahadnaqa hadana ay ka jecel yihiin in
lagu baraarujiyo meesha dhaliishu ka jirto.
Waxa ka hadlay Wakiilka shirkada Dahabshiil ee Degmada Gabiley Farxaan Cismaan
Xaaji Cabdi oo mahadnaq usoo jeediyay dadka kasoo qayb galay xafalada ee
wakhtigooda soo huray warbixin koobana ka bixiyay taariikhdii la aasaasay
shirkada Dahabshiil qaybteeda gabiley iyo sidii ay wakhtigaasi ahaan jirtay iyo
halka ay maanta marayso kuna tilmaamay inay horumar la taaban karo samaysay
taasina ay ku timid adeega degdega ah iyo sida ay ula xidhiidho macaamiisheeda.
Farxaan waxaa kale oo uu sheegay in xafladani tahay mid ku saabsan furitaanka
iyo dib u habaynta laguugu sameeyay adeegyadii ay shirkadu bixin jirtay iyadoo
dhisme casri ah oo fududayn doona adeegyadaa macaamiisha looga sameeyay
caasimada Gobolka. Dhinaca kale farxaan waxaa uu u sheegay kasoo qayb-galayaasha
inaanay shirkada Dahabshiil ahayn mid loo sharaxayo dadka ee tahay shirkad u
faa,idaysa macaamiisheeda kana qaybqaadato horumarka wadanka.
Ugu danbayntii waxaa xadhiga ka jaray dhismahaasi gudoomiye ku xigeenka gobolka
Gabiley C/risaaq Sheekh.
Dhismahan xafiiska cusub ee shirkada Dahabshiil ka hir-galisay Gobolka Gabilay
ayaa ah kii ugu casrisanaa ee noociisa oo kale ah ee ay ka hirgalisay guud ahaan
gobolka gabiley gaar ahaan magaalada gabiley. Shirkadu sidoo kale dhismayaal
casri ah ayay ka hirgalisay guud ahaan gobolada iyo dagmooyinka wadanka.
Waxa ka mid ahaa Saraakiisha Shirkada Dahabshiil ee halkaasi ka Qeyb galay
Madaxa Xiriirka dadweynaha Xasan Xiis iyo Daa’uud abshir Xuseen oo ah Madaxa
laamaha Gudaha ah ee Shirkada Dahabshiil.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Salaadiin iyo siyaasiyiin ku dheeraaday
amaanta Shirkada iyo sida ay wax ugu qabato Bulshada ay baahidooda daboosho.
Xafladahani ayaa waxay ka kala dhaceen Caasimada Hargaysa gaar ahaan Xaafada
Idaacada iyo Gibiley, iyo Gobolka Awdal Magaala Madaxdiisa Boorame
Cabdixakiin Cilmi Xasan: Xafiiska Dahabshiil Hargaysa:
Cabdixakiin44@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 14, 2009
|