SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Axmed Walad Cabdalla oo Qoraal Cambaareyn iyo digniin Isagu Jirta u Direy Kooxaha ka Soo Horjeeda Dowlada

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee QM Axmed Walad Cabdalla ayaa qoraal uu kaga hadlayo dagaaladii maalmahaa ka socdey Magaalada Muqdisho, digiino culus oo uu ujeedinaayo kooxaha ka soo horjeeda dowlada KMG iyo dalab adag oo uu kga dalbanayo shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka ka soo saarey magaalada Adis Ababa 12/05/2009-ka

“Dagaalka iyo Qaska socda ee sababey dhimashada iyo barakaca dad fara badan oo shacab ah, waa mid aan gebi ahaanba la ogolaan Karin haba yaraatee, ma jiro wax cudur-daar ah oo loo helayo qaskan socda, kuwa qaadey weerarkana waa iney u diyaar ahaadaan qaadaana mas’uuliyada ka dhalan karta ficilkooda, waxayna ku talo galsan yihiin, iney sii wadaan degenaasho la’aantii iyo is xukun la’aanta dalka ka jirtey 20-kii sano ee la soo dhaafey, arintani waa in ay diidaan dhamaan dadka Soomaaliyeed iyo Bulshada caalamkuba” ayuu ku yiri

Axmed Walad Cabdalla wuxuu keloo qoraalkiisa ku sheegey “Shaqsiyaad kheyrul-Mas’uuliyiin ah, haysatana taagerada dad Ajnabi ah ayaa weeraray Mogadishu ayagoo isku dayaaya inay xoog ku qabsadaan awooda. Waxaa la yaab leh inayna jirin hal Qabiil oo gaar ah oo si cadaan ah u sheegtay mas’uuliyadan qalaanqalka loogu abuuraayo Soomaaliya. Waa in si degdeg ah loo joojiyaa dagaalkani, Waxaa hadda Mogadishu ka jira dawlad cusub oo sharci ah ayna bulshada caalamka aqoonsan tahay waana in la taageeraa dawladaasi”.

Ergayga gaarka ah wuxuu yiri “geedi socodka nabada Jabuuti waa uu socdaa wuxuuna u furan yahay koox kasta oo taageerta Nabada iyo Deganaanshaha, Wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in Ururada Gobolka sida IGAD iyo Ururka Midowga Afrika ay si shaqse leh talaabo u qaadeen una cambaareeyeen fidnada socota, diideena gardaraysiga una diyaarinayaan Talaabo wax lagu qabanaayo, Dadka Soomaaliyeed waxay si cad u muujiyeen inay ka xun yihiin kana daalan yihiin dagaal, haddana mar labaad ayaa dagaal la geliyey kaasoo lagu dilay laguna barakiciyey dad aan waxba galabsanin oo Rag, Haween iyo Caruurba leh. Magaranaayo sababta Soomaali dhexdeeda u dagaalamayso isuna dilayso”.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midooway u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Ahmed Ould-Abdallah ayaa si xoog leh u cambaareeyey is gardaraysiga joogtada ah ee ka socota Mogadishu ee lagu bartilmaameedsanaayo Dawlada Sharciga ah ee Soomaaliyeed.

Inkastoo uu qoraalkan uu soo saarey Axmed Walad Cabdalla hadana kama hadlin faragelinta tooska ah ee ay ku hayso dowlada Itoobiya Usbuucaan aynu ku jirno ugu yaraan 2 jeer dadka iyo dalka Soomaaliyeed, ahaan Gobolka Hiiraan taasoo u muuqata mid sii sahleysa in dalka dib ay ugu soo noqonkarto, jiritaanka dowlada Soomaaliya ay ka dhigeyso mid aan ku socota wadadii TFG-da uu hogaaminayey Madaxweynihii xilka ka degey ee Col/Cabdullaahi Yuusuf.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com

Warsaxaafadeedkii oo dhan hoos ka akhri:


XAFIISKA QARAMADDA MIDOWAY U QAABILSAN SIYAASADA SOMAALIYA (UNPOS) 
 

WAR SAXAAFADEED 016/2009 
 

Wakiilka gaar ah ee Xogahayaha guud ee Qaramadda Midooway oo cambareeyey dagaalka ka socda Magaalada Mogadishu sababayna dhimashada dadka Rayidka ah 

Addis Ababa, 12 Maajo 2009, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midooway u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Ahmed Ould-Abdallah ayaa si xoog leh u cambaareeyey is gardaraysiga joogtada ah ee ka socota  Mogadishu ee lagu bartilmaameedsanaayo Dawlada Sharciga ah ee Soomaaliyeed. Wuxuu yiri  Dagaalka iyo Qaska Socda ee sababay dhimashada iyo barakaca dad fara badan oo shacab ah waa mid aan gebi ahaanba la ogolaan Karin. 

“Waa in si degdeg ah loo joojiyaa dagaalkani” ayuu yiri Ould-Abdallah “ Waxaa hadda Mogadishu  ka jira dawlad cusub oo sharci ah ayna bulshada caalamka aqoonsan tahay waana in la taageeraa dawladaasi.  Shaqsiyaad kheyrul-Mas’uuliyiin ah, haysatana taagerada dad Ajnabi ah ayaa   weeraray  Mogadishu ayagoo isku dayaaya inay  xoog  ku qabsadaan awooda.  Waxaa la yaab leh  inayna jirin hal Qabiil oo gaar ah oo si cadaan ah u sheegtay mas’uuliyadan qalaanqalka loogu abuuraayo Soomaaliya. 

Dadka Soomaaliyeed waxay si cad u muujiyeen inay ka xun yihiin kana daalan yihiin dagaal, haddana mar labaad ayaa dagaal la geliyey kaasoo   lagu dilay laguna barakiciyey dad aan waxba galabsanin oo Rag, Haween iyo Caruurba leh. Magaranaayo sababta Soomaali dhexdeeda u dagaalamayso isuna dilayso”. 

Ergayga gaarka ah wuxuu yiri geedi socodka nabada Jabuuti waa uu socdaa wuxuuna u furan yahay koox kasta oo taageerta Nabada iyo Deganaanshaha. Wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in Ururada Gobolka sida IGAD iyo Ururka Midowga Afrika ay si shaqse leh talaabo u qaadeen una cambaareeyeen fidnada socota, diideena gardaraysiga una diyaarinayaan Talaabo wax lagu qabanaayo. 

Haba yaraatee ma jirto wax cudurdaar ah oo loo helaayo Qaskan socda, kuwa qaaday weerarkana waa inay diyaar u ahaadaan inay qaadaan mas’uuliyada ka dhalan karta ficilkooda.  Waxay ku talagalsan yihiin inay sii wadaan deganaansho la’aantii iyo is xukun la’aantii dalka ka jirtay 20kii sano ee la soo dhaafay, haddaba arintani waa in ay diidaan dhamaan dadka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamkuba” 

Wixii faahfaahin ah, fadlan la xiriir: Susannah Price ama Donna Cusumano Public Information Officers, UN Political Office for Somalia (Nairobi, Kenya) Tel +254 20 762 1192/1625 ama +254 733 902 020/737 400 133 Fadlan Booqo: www.UN-Somalia.org

Waxaa soo tebiyay:
 Donna G. Cusumano
Public Information Officer
United Nations Political Office For Somalia (UNPOS)

Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: