SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Garaadka Guud ee Goboladda Sool , Sanaag iyo Cayn oo ku Baaqay in dagaalka Muqdisho la Joojiyo.

Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac oo ah Garaadka uu guud ee Beelaha dega Gobolada Sool , Sanaag iyo Cayn ayaa wuxuu baaq nabadeed u soo jeediyey Dhinacyada ku dagalamaya Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Garaad Jaamac oo maanta warbaahinta kula hadlayey Guriga uu ka degen yahay Magaalada Nairobi ayaa ugu Horaynba wuxuu Tacsi u diray Ehelada iyo qaraabada ay ka nafwaayeen in Allaale intii ku dhimatay Dirirta ka socoda Muqdisho. Wuxuuna inta dhaawacantay Ilaahay Oga Baryey in uu Caafimaad Sadeecana siiyo oo deg deg ah.Garaadka oo Maalmahan hawlo shaqo u jooga Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya . ayaa wuxuu Baaq Nabadeed u dirayaa dhinacyada ku hardamaya Muqdisho. Garaadku wuxuu sheegay in maanta aan loo baahnayn dhiig Soomaaliyeed oo daata mar kale wuxuuna sheegay in aysan wanaagsanyn in 19 sano ka dib Dagaal danbe ka dhaco Muqdisho iyo Guud ahaan dalka Somalia .

Garaadka guud ee Beelaha SSC wuxuu sheegay in loo baahan yahay in lagu Qudirro qaato waxii dalkeena ka dhacayey sanawaadkii u danbeeyey wuxuuna sheegay in maanta ay Nasiib daro tahay dagaal Mar kale Soomaali dhexdeeda ka dhaca. Garaadku wuxuu sheegay in uu ka xanuunsanayo dhibta soo gaadhaysa Shacabka Rayidka ah iyo Wiilasha Soomaaliyeedba. Garaadku wuxuu si weyn oga codsaday labada dhinacba in ay Xabada joojiyaan isla markaana ay wada hadlaan.” Dagaal Wiil ayaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho waxaan ka codsanaya labada dhinacba in ay miiska wad hadalka yimaadaan oo ay jojiyaan xabada.” Ayuu yiri Garaad Jaamac.

Garaadku wuxuu sheegay in ay tahay in loo naxariisto maatada iyo dadka shacabka ah ee aan ayagu dagaalamyn. Wuxuu sheegay in wadada keliya ee maanta dhibaatada laga gudbi karo ay tahay ayadoo laga fogaado dhiig Muslim oo la daadiyo. Loona Hugaansamo sharciga ilaahay iyo Sunnada Nebiga S.C.W.

Ugu danbayntii Garaadku wuxuu ugu baaqay Culumo’awdiinka , Isimada , Cuqaasha , wax garadka iyo qofkasta oo Garaad leh in uu u istaago sidii loo qaboojin lahaa xabadaas isla markaana looga fogaan laha in ay sii socoto dhibaatada Maanta Soomaali halkaas dhigtay.

Garaadku Guud ee Gobolada Sool., Sanaag iyo Cayn.

Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac.

Waxaa soo tebiyey
Suleiman Mohamud Hashi
xaashi2008@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 12, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: