SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Odayaasha G/Gedo ayaa Kooxaha ku dagaalamaya Muqdisho ugu baaqay in ay dagaalada Si Deg Deg Ah U Soo Afjaraan
  • Al-shabaab Iyo Xisbul Islaam Oo La Wareegay Fariisimo Cusub Oo ay Markoodii Hore Joogeen Ciidamada Dowlada KMG Ah
  • Wasiirka warfaafinta DFKMG Farxaan Max'ud , oo shirjaraid ku qabtay xafiiskiisa maanta ayaa kaga warbixiyey 48 saacadood dagaal ka socday Magaalada Muqdisho
  • Dagaalo Faraha Lagaga Gubtay Oo Maalintii Sadexaad Ka Soconaya Magaalada Muqdisho

Madfac ay Ku Dhinteen 6 qof oo hal Qoys ah...


Yuusuf Indha Cadde oo Hubkiisii ku Wareejiyay Xisbul Islaam

Sida laga soo xigtay TV-ga Aljazeera, Yuusuf Indhacadde ayaa maanta, Axad May 10, 2009 hubkiisii ku wareejiyey Sheikh Daahir Aways oo ka tirsan hoggaamiyaasha Xisbul Islaam ee magaalada Muqdisho. Waxaa warku tibaaxay in arrintaasi ay timid kaddib markii kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Sheikh Xasan Daahir Aways, Yuusuf Indhacadde iyo Dr. Cumar Iimaan Abuubakar.

Al-shabaab Iyo Xisbul Islaam Oo La Wareegay Fariisimo Cusub Oo ay Markoodii Hore Joogeen Ciidamada Dowlada KMG Ah

Dagaalo faraha laysula tegey oo soconayey in ka badan 24-saac oo xidhiidh ah islamrkaana si weyn usoo labo kacleeyey xalay saqbadhkii gelinka dambe ayaa maanta kusoo gabagaboobay inay kooxaha al-shabaab iyo xisbul islaam ay la wareegaan xarumo dhowr ah oo ay kamid yihiin xarunta stadiyow muqdisho, shiirkole , Ex-wasaaradii hore ee gaashaandhiga ,wershedii hore ee sigaarka iyo taraqa iyo isgoyska Ex-cantarol oo dhamaantood fariisin u ahaa cutubyo ka tirsan ciidamada dowlada KMG ah .

Dagaaladan oo ahaa kuwo aad u kulul oo kafool kafool u badnaa ayaa laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan gaar ahaan lidka diyaaradaha madaafiicda dhulka la jiido iyo weliba kuwa garbaha lagu qaadoba taasoo ka muuqaal duwanayd dagaaladii hore uga dhici jiray magaalada muqdisho tan iyo intii ay muqdisho soo gaadhay dowlada KMG ahi

Sidoo kale, sida ay sheegteen Al-shabaab, waxay la wareegista goobahan oo ahaa saldhigyo waaweyn oo ciidamada dowlada KMG ah ay fariismo ku lahaayeen ayaa wararka laga helayo saraakiisha al-shabaab iyo xisbul islaam ay shaageyaan inay isu soo dhiibeen ciidamo ka tirsanaa kuwa dowlada KMG ah oo ku hubaysnaa gawaarida tiknikada ah oo gaaraya ilaa dhawr-tikniko ah taasoo aan la ogayn sababta dhabta ah ee ay isugu soo dhiibeen balse ay warar dheraad ah sheegayaan inay xidhiidh hoosaadyo lahaayeen .

Si kastaba ha ahaatee dagaalada ka socda magaalada caasimada ah ee muqdisho ayaa sababay barkaca boqolaal qoys oo markoodii hore kusoo laabtay xiligii ay ciidamada Ethiopia ka baxeen dalka taasoo dhimashada iyo dhawacuna ka badan yahay 90-qof isku darkooda .

yassiin maxamed cali ( faytin )
Muqdisho Somalia
yasiin2006@hotmail.com


Wasiirka warfaafinta DFKMG Farxaan Max'ud , oo shirjaraid ku qabtay xafiiskiisa maanta ayaa kaga warbixiyey 48 saacadood dagaal ka socday Magaalada Muqdisho ,


Wasiirka ayaa shirkiisa Jaraid kaga hadlay arimo badan oo quseeyo dalka iyo dadka somaliyeed wuxuuna sheegay in ay horey ugu baaqayeen nabad ,somalinimo, islaamnimo ,iyo in ay soo noolaato dalkii burburey iyo somalinimadii mugdiga gashay.

Farxaan ayaa sheegay in ay dowladu ugu baaqayso in la qaato shareecada islaamka isla markaana nabad lagu wada noolaado cidii wax tabanaysana ay miiska wada hadalka ku soo fadhiisato dushiisa.

Wariirka ayaa hadalkiisu u badnaa si ay ku dheehan tahay islaamnimo iyo somalinimo isaga oo ku soo celcelinayey ereyga nabad ,nabad...

Wasiirka warfaafinta DFKMG ayaa dagaaladaan soo cusboobnaaday ku eedeeyey in ay ka danbeeyaan kooxaha dowlada mucaradka ku ah wuxuuna xusay in ay ku burbrutay in badan oo hanti ah ayna jirto dhimasho iyo dhaawac aan loo baahneyn oo soo gaaray shacabka somaliyeed sidoo kale waxaa jiray barakac baahsan ,qalqal iyo dhib weyn ayaa soo gaaray dadka ku dhaqan Magaalad Muqdisho.

“Run.ahaantii aad iyo aad ayaan uga xunahay waxaana uga tacsiyeyneynaa umadda somaliyeed meel kasta oo ay joogaanba “waxaan rajeynaynaa nabadaas in mar uun nalaka qaato ayuu sii daba dhigay wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:

Dagaalada waxaa nagu soo qaday oo ciidanka dowlada fadhiisimihii ay lahaayeen soo weeraray kooxo uu ku tilmaamay in ay yihiin nabad diid waa sida uu hadalka u dhigaye.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666


Odayaasha G/Gedo ayaa Kooxaha ku dagaalamaya Muqdisho ugu baaqay in ay dagaalada Si Deg Deg Ah U Soo Afjaraan

Inkastoo ay guuldaraysteen dadaaladii dhinaca nabada ee la doonayay in lagu soo gunaanudo xiisadaha ka oogan magaalada Muqdisho ayaa waxaa wali isa soo taraya baaqyada wali ka imaanaya odayaasha iyo waxgaradka Gobolada Kale e Soomaaliya.

Odayaasha iyo waxgaradka G/GEDO ayaa baaq ka soo saaray dagaalo qaraar ee dib uga bilowday magaalada Muqdisho kuna dhex maraya garabyo ka tirsna xoogaga muqaawamada.

Gudoomiyaha odayaasha dhaqanka G/gedo Nabadoon Xuseen Cali Biixi ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Muqdisho inay ogaadaan in dagaal uusan wax faa’iido ah u lahayn shacbiga soomaaliyeed.waxaana uu sheegay in ay si aad ah uga tiiraanyeeysan yihiin dagaalada u dhexeeya dhinacyada muqaawamada isla markaana ay ku baaqayaan in dhiiga daadanaya si la baajiyo.

Sidoo kale nabadoon Xuseen Cali Biixi ayaa xusay in haddii dadka diriraya ay yihiin kuwo dhiigooda uu danqanayo looga fadhiyo inay dib isugu laabtaan oo ay ka fakaraan waxa ay ku dagaalamayaan.

“Aniga oo ku hadlaya Afka wakiilada odayaasha gobolka G/Gedo waa in ay dadkaasi soomaalida ah ay xabada iska jeediyaan,waan ogaanay in dagaal uusan lahayn wax tar balse uu keeni karo oo kaliyah waxa aad indhihiina ku arkaysaan oo ah burbur iyo qasaare nafeed”

Baaqan gudoomiyaha golaha odayaasha dhaqanka gobolka Gedo Nabadoon Biixi ayaa ku soo beegmaya ayaa ku soo aadayaa xili horjoogayaasha Bulshada Soomaaliyeed ay ku baaqayaan in dagaalada ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho si deg deg ah loo joojiyo isla markaana loo turo dad ay diloodeen Abaaraha iyo colaadaha ka jira dalka.

Maxamed Gaarane Aadan
+2525 (0) 996132
+2521 5598706
+254 (0) 722687097
gaarane68@hotmail.com


Dagaalo Faraha Lagaga Gubtay Oo Maalintii Sadexaad Ka Soconaya Magaalada Muqdisho

Dagaalada ka socda magaalada muqdisho ayaa galay maalintii sadexaad kuwaasoo faraha laysula tegey islamrkaana laysu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo ay u dhexeeyaan dagaaladani ciidamada midowga maxaakiimta kuwa dowlada taageera iyo ururka al-shabaab iyo xisbul islaam oo isku dhinac ah .

Dagaaladan oo ay ku barakeceen Boqolaal dad rayid ah ayaa kusii faafay meelo badan oo markoodii hore xasiloonaa balse kadib uu dagaalku saameeyey ,deegaanada degmada wardhiigley ,degmada yaaqshiid iyo weliba qaar ka tirsan degmada howl-wadaag ayaa kamid ah deegaanada ay isku haleeleen kooxaha kala tageersan xisbiyadan islamrkaana dhaliyey qax iyo barakac labaad oo aad u weyn iyadoo rajo xumo ku ridey boqolaal dadweyne ah oo filayey in hadii ciidamadii Ethiopia dalka ka baxaan nabad ayaad heli doontaan oo soo guryo noqday .

Sidoo kale dhimashada dagaalkan ka dhalatay ee dadka rayidka ah ayaa inta la og yahay lagu sheegay in ka badan 20-qof halka dhaawacuna uu sii cagagaynayo 60-qof oo rayid ah .

Dhinaca kale dagaaladan oo ah kuwii ugu saamaynta balaadhnaa tan iyo intii ay dowlada FKMG ahi soo caga dhigatay magaalada caasimada ah ee muqdisho ayaa kusii siqaya xaalad aad u daran islamrkaana kusii xoogaysanaya deegaanada laga barkacay iyadoo lagu arkayo goobaha ay dagaaladu ka socdaan qaarkood gurmad kala taageersan kooxaha dagaalamaya .

Si kastaba ha ahatee dagaaladan oo u muuqda kuwo marba marka kasii dambeeya sii xoogaysanaya ayasan muuqan cid weli ku guulaysatay wax waan ah kadib markii dhegaha laga furaysatay waxgaradka ,odayaasha dhaqanka iyo weliba culimada masaalixada oo dhamantood quus ka istaagay inay dagaalka joojiyaan .

yassiin maxamed cali ( faytin )
Muqdisho Somalia
yasiin2006@hotmail.com
yaasiinfaytin@hotmail.com


Somali Reconstruction And Social Development ry   (SORASOD)    

Finland
www.srasd.net
idirishf@hotmail.com 

Ujeedo:  Cambaarayn dagaalka ka soo cusboonaagat caasimada somaliya ee Muqdisha.

Godoomiyaha ururka SODASOD  Eng Idiris Hassan Farah waxuu sida oogu xun u cambaaraynaynaa dakaalka xasoo cusboonaaday caasimada somaliya ee waxuushnimo ah oo bahalnimo ah isla markaana xaqiiqda ka fog.

sidaa darteed nimanka sheeganayo muqaawamada iyo kuwa sheeganayo dawlada iyo dhamaan waxa ku lugtaleh dagaalkaas waxuushnimada ah waxaan u sheegaynaa inayna qiil u helaynin dhiiga islaamka ee ay banaysanayaan mana laga yeelayo xujo kastaa oo daciif ah oo ay layimaadaan.

Sidoo kale kooxaha ku lugta leh dagaalkaas ka soconayo caasimada somalya  waa kooxo u dhaqmayo habkii lagu yaqaanay dagaal oogayaasha isla markaana ka lumay wadadii hagaagsanayd isla markaana waxay horseedayaan masiibo cusub ayagoo huwan magac islaam halka ay daadinayaan dhiiga islaamka si waliba raqiis ah.

Sidaa darteed  ayaan u cambaaraynaynaa sida oogu xun ee wax loo cam baareeyo bahalnimadooda darteed waxaana muuqato sababta ay u dagaalamayaan inay tahay oo kali ah mansab aduun iyo inay kala sad bursadaan taas oo ah dabeecadihii lagu yaqaanay dagaal oogayaashii bahalaha ahaa .

Sidookale waxaa is waydiin mudan  cida ay u shaqaynayaan nimankaan dagaalka kawado caasimada somaliya ayadoo sida aan ognahay Amxaaro hada baxday lana ogyahay basiibada laga dhax lay dagaalada sokeeye.

Ugu dambayntii waxaan umada soomaaliyeed oogu baaqaynaa meelkastaa oo ay joogaan inay u midoobaan sidi looga hortagi lahaa masiibadaan cusub isla markaana aan dhag jalaq loosiinin  xujooyinka daciifka ah ee ay daliil sanayaa kooxahaan dagaalka u habuun qabo loona arko  niman horor ah oo damiir laawayaal ah.

Helsinki 9.5.2009

Godoomiyaha ururka SODASOD  Eng Idiris Hassan Farah

Faafin: SomaliTalk.com | May 10, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: