Cabdi Nuur Cismaan"Hayad OSPAD waa sii wadi doontaa Siminaarada ku saabsan ka
hortaga Cudurka AIDS-ka "
Sawirada Halkan ka daawo....
Hayadda OSPAD oo ka mid ah Hayadaha ka dhisan dalka inta badana Bulshada ka
wacigelisa khatarta cudurka AIDS-ka ayaa siminaar ku saabsan Cudurkaas ku qabtey
Magaalada Muqdisho waxaana siminaarkaas ka qayb galey ilaa boqol xubnood oo
isugu jirey dhalinyaro , haween iyo dad ka socdey Xeryaha ay ku jiraan dadka
barakacay waxaana iska kaashadey Hayadaha Global Fun , UNICEF waxaana
hirgalinayey Hayadda OSPAD

Sawirada Halkan ka daawo....
Mudadadii uu socdey siminaarkaas ayaa ka qaybgalayaasha waxay si aad ah ugu
doodeen khatarta Cudurka AIDS-ka oo marba marka ka dambeysa xaddigiisa uu sii
kordhayo
Siminaarkaan oo ay casharo ka bixineysey Ustaad Basro Xuseen Daa’uud oo iyadu si
aad ah ugu dheeraatey waxyaabaha keena Cudurka iyo siyaabaha looga hortagi karo
, waxay tilmaantey Macalimad Basro in kororka cudurka AIDS-ka ee soomaaliya ay
ugu wacan tahay iyadoo aysan jirin Dowlad Kontoroosha Xuduudaha soomaaliya
maadaama dalalka Deriska la ah soomaaliya uu si daran u asiibey Cudurkaas ,mar
ay ka hadleysey siyaabaha looga hortagi karo cudurkaas in ay tahay in la joojiyo
galmada xaaraanta ah , in la iska baaro dhiiga inta aan qofka lagu shubin , in
la jeermis dilo qalabka wax lagu Qalo ama wax lagu dhaliyo , waxay kaloo
sheegtey Macalimad Basro in cudurka looga hortagi karo iyadoo wacyigelin badan
la sameeyo gaar ahaan warbaahinta oo ay sheegtey in ka qaybqaadan karaan ka
hortaga cudurkaas
Canab Xasan oo ka mid ahayd dadkii ka qaybgaley siminaarkaas isla markaasna
fursada u heley ayaa iyana sheegtey in loo baahan yahay in dhaliyarada ay ka
qayb qaataan sidii looga hortagi lahaa cudurkaas maadaama ay yihiin kuwa ugu
nugul cudurkaas waxayna u soo jeedisey Dhaliyarada in marka ay is guursanayaan
labada lamaane ay iska baaraan cudurkaas si halkaas uga soo baxdo qoys ka fiyow
cudurkaas
Siminaarkaas waxaaa soo gabagabeeyey Cabdulaahi Xaashi Xasan oo ka socdey
Hayadda SCAC wuxuuna kula dardaaarmey xubnihii ka qaybgaley siminaarkaas in ay
bulshada ku wacyigeliyaan siyaabaha looga hortago cudurkaas iyo waxyaabaha keena
cudurkaas isagoo sheegay in loo baahan yahay baraarujin dheeraad ah maadaama
cudurka uu khatar ku yahay bulshada soomaaliyeed
Cabdi Nuur Cismaan Wehliye oo ah gudoomiyaha Hayadda OSPAD ayaan wax ka
weydiiney Muddadii ay wadeen Banaamijkan ku saabsan wacyigelinta Cudurka AIDS-ka
wuxuu sheegay in Muddo 4 sanno ku dhawaad ay wadeen siminaarada Noocan ah wuxuu
sheegay in dad markii hore aan fahamsaneyn Cudurkaan ay maanta si weyn u garteen
Khatarta Cudurkaas wuxuu sheegay in ay sii wadi doonaan siminaarada tan iyo inta
ay si wanaagsan uga fahmayaan waxyeelada Cudarkaas iyo sida looga horagi karo
intii uu socdey siminaarkaas waxaaa ka qaybgalayaasha loo qaybiyey Wargeys ay
soo saarto hayada OSPAD loogu magacdarey BULSHO DHOWR PRESS iyo halku dhigyo
kale oo ka hadlaya Cudurka AIDS-ka
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E_Mail amiinkhasaaro@hotmail.com