Sheekh Shariif iyo Yuusuf Indha-Cadde oo kulan ka fool ka fool ah
yeeshay
Waayadan waxaa la hadal hayay in ay kulmi doonaan Madaxweyne Sheekh
Shariif Sheekh iyo Yuusuf Max'ed Siyaad Indh-cadde oo ka mid ah garabka
Xisbul Islaam oo uu hogaamiyo Sheekh Muxiyadiin Xasan Camey, waxa uuna
kulankaasi uu ku yimid markii ay Dowladdu ballanqaaday in ay ku dhaqmi
doonto Shareecadda Islaamka sidii ay markii hore dalbadeen Garabka
Xisbul Islaam ee uu ka tirsan Sheekh Yuusuf Indh-cadde.
Kulankaan oo
ka dhacay xarunta Madaxtoonyada ayaa waxaa ka qaybgalay Ra'isul Wasaare
Cumar C/rashiid Sharmaake, C/raxmaan Janaqow, Shariif Xasan iyo Sheekh
C/qaadir Cali Cumar, waxa uuna ahaa kulan ay albaabadu u xirnaa waxaana
la iskula soo qaaday sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka iyo sidoo
looga hortagi lahaa waxa loogu yeeray dilalka lala beegsanayo bulshada
Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.
Sheekh Yuusuf Indh-cadde oo la hadlayay saxaafadda ayaa waxa uu
sheegay in kulankaasi uu ku dhamaaday jawi isfaham, isagoo sheegay ina y
isku afgarteen iyaga iyo Dowladda in si ficil ah loo fuliyo ku dhaqanka
shareecada Islaamka iyo ciidamada Shisheeye ee ku sugan gudaha dalka
laga saaro dalka sidii ay horey u go'aamiyeen Golaha Culimadda
Soomaaliyeed, waxaa kale uu sheegay Yuusuf Indh-cadde in ay isku
afgarteen dowladda in ay si wadajir ah uga hortagaan dilalka oo uu
sheekh Yuusuf tilmaamay in ay ka dambeyso gacan sedexaad oo dooneysa in
ay iska hor keento Mujaahidiinta Soomaaliyeed, isagoo u soo jeediyey
labada dhinac in si taxadar leh arrintaasi u eegaan, waxaa sidoo kale uu
sheegay in la isku afgarteen in la saaro guddi farsamo oo ka soo
shaqeeya sidii kulamada looga dhigi lahaa kuwo joogto ah.
Sheekh Yuusuf waxa uu sheegay in Dowladda uusan ka rabin wax xil ah
ama lacag ah balse uu doonayo in dalka lagu xukumo shareecadda islaamka,
taas oo uu sheegay in tahay mid bulshada u horseedi karta nabad iyo
baraale dhibaatada ay uga bixi karto.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com