Wasiirka Dhalinyrada iyo Isboorti-ga Suleyman Colaad iyo socdaalkiisa
dalka Kenya . Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboorti-ga ee Dowladda
Midnimada Qaran ee dalka Somalia Mudane Suleeyman Colaad Rooble oo
booqasho ku joogay Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulamo la
yeeshay Bahda Isboortiga, Dhalinyarada, Jaaliyada Somalida eek u
dhaqan dalka Kenya iyo Heyado caalaami ah.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboorti-ga Suleeyman Colaad
Rooble.
Kulmada uu Wasiirka la yeeshay Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa
looga hadlay sidii Isboorti-ga Somalia loo horumarin lahaa, isla
markanaa dib u habeen lagu sameeyo bah weynta guud ee Isboorti-ga
Somalia.
Kulankii Wasiirka Isboortiga Uu La Qaatay Gen Bashir Goobe, Ahmed
Nur.
Wasiirka Sports Dowlada Somalia Suleyman Colaad Rooble ayaa kulan
qado ah wuxuu Hotel-ka 680 ee magaalada Nairobi kula yeeshay Gen Bashir
Mahamed Jamac (Bashiir Goobe) oo ah taliye xigeenka1-aad ee ciidanka
police-ka, marna soo noqday gudoomiyaha xiriirka k/cagta,
garsoorayaashii k/cagta ee somaliyana ka mid ahaan jiray, iyo gudoomiye
ku xigeenka xiriirka k/cagta Ahmed Nur Cabdulle
Wasiirka Isbooriga ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka midyihiin
Dhibaaytooyinka heesata guud ahaan Isboortiga Somalia, isagoo dhanka
kale sheegay in uu kulamo uu la yeeshay xiriirka GOS oo kala kulmay soo
dhaweyn heer sare ah.
Gen.Bashiir Mahamed Jaamac (Bashir Gobe) ayaa lagu soo dhaweeyay
kulanka inuu ka hadlo,wuxuuna si gaar ah diirada u saaray caqabadaha hor
taagan wasiirka sports iyo sidii ug bixi lahaa, isagoo goobta ku soo
bandhigay dhowr talooyin oo si weyn loogu riyaaqay.
Gen. Bashiir Goobe Wuxuu sheegay in kuwa uu hada wax ka sheegayo uu
horey u soo arkay laakiin loo baahan yahay sidii lo tirtiri lahaa,
tilaabooyin wax gal ahna laga qaato fikradaha qaabta daran ee ay
aaminsan yihiin.kuwa islaheysiiyay meesha Ugu danbeyntii Kullanka aya ku
soo dhamaaday jawi wanaagsan.
kulankii wasiirka Isbortiga iyo Jaaliayadda SANA.
Waxaa maalintii Khamiista oo ay taariikhdu ku beegnayd 30/4/2009
kulan balaaran lagu qabtay Safaaradda soomaaliya ay ku leedahay wadanka
kenya, kulankaas oo ay soo qaban qaabasay Jaaliyada SANA oo ay
sameysatay beesha J/weyne magaalada Nayroobi taariikhdu marka ay ahayd
4ta bisha April 2009, shirkaas oo uu ka soo qeyb galay Wasiirka
Isboortiga ee Soomaaliya Suleeymaan Colaad Rooble.
Shirkaasi ayaa lagu gorfeeyay sidii looga diiwaan gelin lahaa
safaaradda iyo dowladda kenyaba Jaaliyadda Bil jirsatay ee dhowaantaan
lagu unkay isla magaalada Nairobi. Waxaa hadal qiiro leh halkaa ka
jeediyay Wasiirka Isboortiga oo uu Jaaliyadda kula taliyay sidii ay
howsha u xoojin lahaayeen howsha ay bilaabeen oo aanay marnaba ka
caajisin, wuxuu kaloo intaa raacsiiyay inay xiriir la sameeyaan
jaaliyadaha kale ee walaalahood ah ee ka jira kudaha wadanka Kenya iyo
dibada intaba.
Kullmadii Wasiirka Isboorti-ga iyo Dhalinyrada iyo Bahda
Isboorti-ga.
May 1, 2009 ayuu Wasiirka Isboorti-ga Kullan la yeeshay Gudiga
Isboor-tiga ee Jaaliyada dalka Kenya iyo ciyaartooydii Hore ee Somalia
kuna sugan dalka Kenya. Kullanka oo jawi wanaagsan ku biloowday ayaa
looga hadlay dhibaatoyinka Isboorti-ga Somalia heesta gaar ahaan
dhibaatooyinka heesta Jaaliyada Somalida ee dalka Kenya.

Suleeyman Colad iyo qaar ka tirsan Gudiga Isboorti-ga ee Jaaliyada
somaliyeed ee dalka Kenya ku nool.
Wasiirka Isboorti-ga ayaa Gudiga Isboorti-ga Jaaliyada Somalida u
balan qaaday in xiriir wanaagsan oo la yeelan doono isla markaana uu
dadaalka ay wadaan uu wax badan kala qaban doono.

Yusu Momed Abdi, Suleyman Colaad iyo mid ka mid ah ciyaartoodii
Qaranka Somalia.
Kullanka ayaa ugu danebyntii ku soo dhamaaday jawi wanaagsan, iyadoo
Wasiirka iyo Jaaliyada intaba ay arrimo muhiim ah ka wada hadleen.
Ururka Dhalinyarada UDHIS iyo Maalinta Shaqaalaha Aduunka.
Xaafada Islii ee magaladatan Nairobi garoonka kubada cagta ee thikiya
agagaarka pangani ayaa xaflad lagu xusayay maalinta shaqaalaha aduunka
lagu soo gabagabeeyay, Xafladan oo ay soo agaasimeen Ururuka Dhalinrada
Isbadalka doonka Somaliyeed ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan
UDHIS, iyadoo xafladan ururuka u dhis ay ku casumeen wasiirka
Isboorti-ga iyo Dhalinyara Somalia Suleeymaan Colaad Rooble.
Ciyaartan oo lagu maamuusayay maalinta shaqaalaha aduunka oo ay
soo qaban qaabiyeen ururka UDHIS ayaa waxaa furitaanka ciyaartaasi ka
hadlay Gudoomiyaha Ururkaasi Mahad Muuse Maxamed waxa uuna sheegay
sababta ku kaliftay arrintan iney tahay muhiimada ay ka leeyihiin
mideynta, isukeenida, wacyigalinta iyo baraarujinta dhalinyarada
soomaaliyeed.

Wasiirka dhalinyarada iyo Isboorti-ga oo gacan qaadaya qaar ka
tirsan iyaartooda kooxda UDHIS.
“Waxaanu horey u qabanay koob la magac baxay Maalinta Dhalinyarada
soomaaliyeed ee 15-ka May, sidoo kalana waxaan dhowr jeer qabanay aqoon
iswaydaarsiyo kala duduwan sida arimaha bulshada, iney dhalinyaradu
aqoonsato doorka ay ku leeyihiin bulshada soomaaliyeed, tahriibka iyo
falalka aanan ku wanaagsanayn dhinaca anshaxa.” Gudoomiye Mahad ayaa
sidaasi ka sheegay xaflada Maalinta Shaqada Aduunka
Gudoomiyaha ururka UDHIS Mahad Muuse ayaa intaa kadib hadalka ku
wareejiyay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Soomaaliya Mudane
Saleebaan Colaad Rooble si uu u furo xafalada ciyaartuna ay u bilaabato,
wasiirka ayaa hadalkiisii bilowgiiba u mahad naqay dhamaan kasoo
qeybgalayaashii xaflada gaar ahaan dhalinyaradii iskood isugu xilqaamay
arrinta wuxuuna bidhaanshay in ciyaarta ay bilaabmi karto.

Gudoomiyaha ururka Isbadalka doonka ee UDHIS Mahad
Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboorti-ga Suleeyman Colaad Rooble ayaa
inta uu joogay Nairobi waxa uu kulamo kalle la yeeshay, Xildhibaanad
Caasha, Heyado caalami ah iyo waliba Qabiirada Isboortiga Somalia.

Wariye Ibraahim iyo Wasiirka Isboorti-ga Suleeymaan Colaad Rooble.
Dhanka kale Suleeyman Colaad ayaa kulan balaaran la yeeshay
dhalinyarada Waayahacusub. Kulankan ayaa ahaa mid Wasiirka Iyo dhalinta
Waayahacusub ay ka wada hadleeyn sidii loo wacyi galin lahaa dhalinta
Somaliyeed iyo in Wasaarada dhalinta iyo Isboorrtiga ay xiriir
wanaagsan u yeelan lahaayeen.
Dhalinta waayahacusub ee ku can baxay heesahah ayaa inta badan
heesahooda kaga hadli jiray difaacida dalka. Ugu dabeyntii kulanka ayaa
ku soo dhamaaday faraxad iyo is faham.

Wasiirka Dhaliyarada iyo Isoorti-ga iyo Gudoomiyaha dhalinta
waayahacusub Shiine.
Tan iyo markii uu Xilka la wareegay Suleymaan Colaad Rooble waxa uu
qabtay howlo fara badan, iyadoo la filayo in Isboorti-ga Somalia uu is
badal badan laga filayo, dhan kalle Suleeyman Colaad Rooble ayaa la
filayaa in uu dhawaan safar ku aado dalka Switzerland
Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman’
Ibraahim@journalist.com
Sayfudiin@hotmail.com
Nairobi-Kenya