Noocyada Shilalka Gawaarida Muqdisho.
Amiin Yuusuf Khasaaro oo dhaawac
ka soo gaaray mid ka mid ah Noocyada shilalkaas.

Shilalka Gawaarida way noocyo kala duwan yihiin, waagii hore haddaad
maqli jirtay 'labo Gaari ayaa isku dhacday oo ay ku dhinteen dad fara
badan', sidoo kale haddaad maqli jirtay, 'Gaari ordaya ayaa taayirku u
baxay halkaas ayuuna ku rogmaday, waxaana ku geeriyooday dad badan kuwo
kalana way ku dhaawacmeen', Shilalkaas xiligii Dowladda baaritaan ayaa
lagu sameyn jiray ciddii ay waxyeelo ka soo gaartayna waa la daryeeli
jiray, balse 20-kii Sano ee ugu dambeysay ee dalku jiray qalalaasaha iyo
dowlad la'aanta waxaa soo baxay noocyo shilal gawaari oo aad u fara
badan, sidoo kale waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay soo kordhay shilalka
dhasha marka ay Gawaaridu la kulmaan iska hor imaadyada wadooyinka ka
dhaca, waxaana dhacda in dad fara badan inta ay xabadda ka cararayaan uu
soo gaaro shilal aad u daran, waayo qofku markiiba waa uu naxayaa waxa
uuna raadinayaa sidii uu isku badbaadin lahaa, inkastoo ay jiraan
darawalo marka ay maqlaan rasaas si taxadar ah gaariga u wada waxaase
jire noocyo kale oo shilalal ah oo ka dhaca wadooyinka .
Gawaarida noocyada dadweynaha qaada ah ee Soomaalidu u taqaano 'BL' ayaa
markaad ka gashid shirka ayaad waxaad arkeysaa Caag weyn oo 20 liitar
qaad ah oo dhex yaala shirka dhexdiisa, caagaas waxaa ku jira Shidaal
ama ha noqdo ama Baansiin,ama Naafto , caagaasi uu ku jiro shidaalku waa
shidaalkii uu ku socon lahaa gaariga, waayo salbatooyadii gaariga ayuu
bedelay caagaasi, xaqiiqdiina waa hawl fududeyn iyo wahsi ay ka qabaan
in salbatooyada lagu shubo shidaalka , Darawalada qaarkood waxay
yiraahdaan waxaan caagaan ku shubnaa labo Liitar ama hal Liitar, taas oo
ay sheegeen in ujeedkeedu yahay in haddii gaariga la dhaco uusan
shidaalku ku filneyn kooxda burcadda ah si ay
meel
dheer gaariga ula gaarin, kuwo kale ayay waxay ku andacoonayaan in
ujeedka caagaasi loo dhex dhigay shirka ay tahay si Darawalka uu ula
socdo xaalka shidaalka halka uu marayo si uusan daweynaha meel dhexe ula
fariisan Gaariga.
Wax walba waxay leeyihiin dhibaatadeeda, Shidaalkaas Caaga lagu shubay
ee la dhex dhigay Shirka gaariga, waxaa ka dhashay shilal fara badan,
waxaan goob joog u ahaa gaari uu dabqabsaday dadkii saarnaa ay noqdeen
kuwo dhintay iyo kuwo dhaawacmay, markii dabagal lagu sameeyayna waxaa
la ogaaday in shirka uu soo fuulay nin sigaar cabayey sidaas uu dabkii
sigaarka ku gaaray shidaalkii caaga jiray uuna sababay shilkaas. waxaa
kale oo aan goob joog u ahaa gaari ah nooca dadka qaada oo markuu dabku
qabsaday ay dadkii saarnaa ka boodayaan Dariishadaha, nasiib wanaag
gaarigaasi ciddina waxba kuma noqon hase yeeshee halkii ayuu ku
basbeelay, waxaana sabab u ahaa caaga shidaalka oo shirka saarnaa oo uu
dab qabsaday.
Waxaa kale oo jira nooc kale oo isna sababa shilalka gawaarida waxaana
ka mid ah Batariga, waxa uuna nin Odey ah hadda ka hor iiga sheekeeyey
shil gaari oo ka dhashay Batariga Gaariga, ninkaa Odeyga ah ee ii
sheekeynayay Bowda ayuu ka jabay dhaawac culus ayaana soo gaaray, kadib
markii uu damcay in uu ka boodo Gaariga oo uu dab qabsaday, waana ka
rumeysan waayay sheekadaasi, waxaana ku iri "Adeer sidee ayuu Batari dab
uga dhalan karaa", waxa uuna iiga sheekeeyey sida uu Shilku ku dhacay,
inkastoo aysan iga daadegin haddana waan dareesanaa in wax waliba dhici
karaan.
Maalin aan sidaasi u sii fogeyn ayaan gaari ka soo raacay Ex-control
Afgooye, waxa uuna gaarigu ahaa nooca ay soomaalidu taqaano Caasi ama
Hoomeey, waxaana gaariga ka saarnaa Albaabka laga soo galo waxaan
fariistay Kursi lagu fariisto afar qof kaasoo xigey dhanka Albaabka
waxaana hoosteyda ku aadanaa halka uu Batarigu ka galo gaariga, wax aan
socono mar aan soo dhaafnay Daarta Soobe (Km5) ayaa waxaan ka war helay
qofkii dhinaceyga fadhiyay oo ku qaylinaya "Alla Gaariga dab baa ka
kacay", markaan hoosteeda fiiriyeyna waxaa I soo galay olol, waxaan
go'aansaday in aan gaariga ka boodo oo xawli ku socda, waxaana Miyir
iigu dambeysay markii aan gaariga ka sii boodayey, Hal Saac iyo bar
kadib ayaan indhaha kala qaaday, waxaa i suran Faleenbooyin, waxay
indhaheygu qabteen dad dhar cad ku labisan oo igu dul wareegaya, waxaan
arkay jirkeyga oo qaybo ka mid ahi fiiqfiiqan yihiin oo ay Faashado ku
daboolan iyihiin, waxaan ka gartay dadkaas labo qof oo iigu muuqdey
Kalkaaliyaal Caafimaad, waxaana kula dhaqaaqay su'aalo, waxaan ku iri
"Halkaan waa halkee?", mid ka mid ah ayaa inta yaabay waxa uu iigu
jawaabay "Amiinoow waa Isbitaal Madiina", waxaa sii daba dhigay
"walaalow maxaa meeshaan la ii keenay?", waxa uuna iigu jawaabay "shil
ayaad gashay", waxaa sii weydiiyey "Maxay ahayd sababta uu shilku ku
bilowday?", yarkii kalkaaliyaha ahaa waxa uu u cararay Darawalkii
Gaariga waxa uuna weydiiyey su'aasheydii, waxa uuna darawalkii sheegay
in Amiin uu gaariga ka booday markii uu Gaariga Dab ka kacay, intii
markii la ii sheegay ayay xasuusteydii soo noqotay, waxaa lahaa
"haaa...haa...haa.. waa Runtiis gaariga ayaa dab ka kacay", waayo markii
hore waan keeni waayey waxa uu shilku ku bilowday, markaan mudo saacado
ah ku jiray isbitaalkii ayaa la iga soo saaray, waxaa isbitaalka soo
buuxiyey Asxaab fara badan oo ka walwalsanaa sida ay wax ii gaareen,
balse markay arkeen in xaalkeygu fiican yahay ayay yiraahdeen "Allaa
mahad leh, intaan kuugu simay". inkastoo jugtii madaxa iga gaartay aan
weli dareemayo. waxaana garowsaday in sheekadii uu Odeygu iiga
sheekeeyey ay run ahayd, Batariguna uu keeni karo shil gaari. Waxaana
kula talin lahaa ragga Darawlaada ah in ay mas'uuliyad gaar ah iska
saaraan shacabka ay sidaan, kana taxadraan, hagaajiyaana Gawaaridooda
kana fogaadaan in ay caag shidaal ku isticmaalaan, ama ay gaariga ku
wadaan Batari aan daboolneyn ee la dhex dhigey Bulshada dhexdeeda.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com