SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ku Xigeenka Xoghayaha Warfaafinta Isbahaysiga Dib U Xoreynta Asmara Maxamed Xaashi Ayaa Warsaxaafadeed ka soo saaray Xaalada Dalka Soomaaliya Uu Marayo Maanta

Warsaxaafadeedkaan uu soo saaray Maxamed Xaashi ayuu waxa uu uga hadlay waxyaabo badan isagoo ku bilaabay sidan.

Waxaa Mahad Leh Eebe Nabigeenii Suubanaa Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa Ha Ahaato.

Walaalayaal waxaan dhamaanteen la wada soconaa inuu hogaamiyahii Isbahaysiga Dib U Xoreynta Sheekh Xasan Daahir ku soo laabtay wadanka kaas oo wadanka ka maqnaa mudo ku dhow labo sano oo wadankeena cadow haystay waa ilaahay mahadii mar hadii asoo nabad qaba uu ilaahay soo nabad celiayay .

Ugu horayn ummada soomaaliya waxaan jeclahay inaan u sheego in gudoomiyaha Isbahaysigu uu wado barnaamij siyaasadeed kaas oo ah midka ummada Soomaaliyeed u horseedaya Nabadm,Horumar iyo Cadaalad kaas oo lagu gaarsiinayo ummada ku dhaqanka Shareecada Islaamka oo kala ah.

a-In la mideeyo safuufta Mujaahadiinta

b-In Laga saaro wadanka cadowga kuwa ciidan ahaanta u jooga iyo kuwa siyaasad ahaanta wali faraha kula jira.

c-iyo in markaa ummada Soomaaliyeed loo fidiyo gogol ay aayaheeda uga tashato oo u madax banaan tahay.

Sedexdaa waxyaabood waa waxa aan doonayno inaan xaqiijino hadii alle idmo .

Waxaan jecelnahay inaan u cadeeno ummada Soomaaliyeed haba yaraatee inaan anagu dagaal doonayn balse waxa dagaalka raba ay yihiin dadka Taankiga AMISOM wadankeena ku haya , marka waxa aan halkaan ugu sheegaynaa dhamaan inta samaha jecel oo ay kamid yihiin Odayaasha,Culumada iyo Hooyooyinka iyo dhamaanba inay nimankaa u sheegaan inay wadanka ka saaraan AMISOM nabada wadankeena ilaahay ka sakow in badan bixitaankooda ayay ku xiran tahay.

Waxa aan doonaynaa inaan u cadayna nimankaan inay yihiin kuwii waxyaabo badan faraha ka bixin lahaa sida hada BADA sii socota iyo waliba wada hadalo ay kula jiraan sidii waxyaabo kale oo DHULAL ka mid yihiin ay u bixin lahaayeen.

Waxaan u sheegaynaa dadka soomaaliyeed dhamaan wadankeena inta badan inuu nabad yahay markii magaalada Muqdisho laga reebo sababta kaliya oo dhibka uga sii jirtana ay tahay joogitaanka ciidamada AMISOM.

Waxaan jeclaan lahayn dhamaan ummada Soomaaliyeed inay fahmaan in ciidamadaan AMISOM ujeedada wadankeena loo keenay inay ka fog tahay tay Ethiopia u joogtay balse aysan dadku u qaadan wanaag inay u joogaan iskuna dayaan inay wadanka ka saaraan.

Shareecada Islaamka ay ansixiyeen waxaa la socotaan dhamaanteen inaan nahay dad muslim oo 100% u baahan ku dhaqankeeda waxa la raadinaya oo la doonaya in la xaqiijiyana ay ayada tahay balse ninka labaad oo ugu sareeya nimankaa ayaa waxa uu si cad u sheegay inay ahayn shareecadaan tii Talibaan oo kale oo gacmaha lays goynayay iyo waliba asagoo sheegay in dadka shacabka ku soo jiidanayaan kuna wiiqayaan dadka ka soo horjeeda.

Ugu danbayntii Waxaan ugu bishaaraynaynaa dhamaan ummada Soomaaliyeed in Alle casaa wajale nasiin doona guusha nasrigana dhowyahay una wadno Nabad waxa aan rabnana ay tahay Nabad balse waxaan uga digaynaa dhoolatuska iyo u adeegida gumaysiga ay wadaan Nimankaa u shaqaynaya Gumaysigii Shalay iyo Kan Maanta aysana ku qatalmin dulqaataana insha alaah guusha waa gaaraynaa mar dhow.

Ku Xigeenka Xoghayaha Warfaafinta ARS

Maxamed Xaashi

3/5/09

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: