Maalinta Madax-Banaanida Saxaafada Caalamka oo Maanta Ku Beegan ayaa
Saxafiyiinta Somaliyeed Hanbalyo Isu direen.
Maanta oo ay Bishu tahay
03--May,2009- ayaa inta badan waxa Caalamka aad looga oogaa Maalinta Badax
Banaanida saxaafada Caalamka, iyada oo Meelo badan Munaasibadaasi laga oogay
ayaa Dalka Somaliya Ururada saxaafada ee ka Jiraa ay si wayn u xuseen, iyaga oo
Munaasibadaasi Awgeed isu diray Hanbalyo iyo Bogaadin.
Ururka Saxafiyiinta
Geeska Afrika ee loo Yaqaan JAR ayaa Masuulka ugu sareeya Haweenaday lagu
magcaabo Muha Daahiir Faarax ayaa dhankeeda sheegtay in Ururka JAR uu dhamaan
Saxafiyiinta Somaaliyeed iyo kuwa Geeska Afrika ay u dirayso dhanbaal Xanbaarsan
Xidhiidh Wanaag iyo inay sii wataan shaqooyinkooda ku aadan Warbaahinta.
Muha
Daahir Faarax oo haatan ku sugan Magaalada Haragaysa ayaa dhanka kale sheegtay
in inta badan Saxafiyiinta Afrika iyo waliba Urur Goboleedyada Saxaafada kula
xidhiidhka Telefoon iyada Ilaahay uga Rajaynaysa inay Sanadka Sanadkiisa Is
Maqlaan.
Mss Muha Daahir Faarax ayaa Dabayaaqadii sanadka 2009- loo doortay
inay Hogaamiso Ururka JAR ka dib Fadhi Balaadhan oo ka dhacay Magaalada
Adis-Ababa e Xarunta Dalka Ethiopia, Kulankaasi ayaa si Aqlabiyad leh loogu
doortay Muha Daahir Faarax.
Muha Daahir Faarax ayaa Ururka ay Madaxda u tahay
inta badan waxa uu il Gooni ah ku eegaa wariyaasha dhibaataysan iyo kuwa La
Kulma Cadaadis dhanka Maamulada iyaga oo siiya Tababaro dheeraad ah, Muha Daahir
ayaa lagu Xasuustaa dadaalkii dheeraa ee ay Kaga qayb Qaadatay sii dayntii
Wariye Jaamac Ayaanle Feyte oo dhawaan Laga sii daayay Xabsi ku Yaala Magaalada
Bosaaso ee Maamul Is Goboleedka Puntland.
Maalinta Xuska Saxaafada ee
03-May.2009- ayaa waxay ku soo aadaysaa iyada oo Saxafiyiinta Somaliya aysan
Haysan Xoriyd Fiican oo ay shaqadooda ku Gutaan, waxa jira wariyaal Badan oo
Somali ah kuwaasi oo ay Jirdil iyo Xadhig u Gaystaan Maamul Goboleedyada ka Jira
Somaliya.
Jaamac Feyte
Feyte37@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May
4, 2009