w w w . S o m a l i T a l k . c o
m
|
SOMALITALK - WARAR
|
Wasiirka Howlaha guud oo ugu mahadceliyay Wasiirka isboortiga iyo
Dhalinyarada dib u soo noolaynta Naadiga Jeenyo.
Nairobi 29.04.2009. Wasiirka
Howlaha guud iyo Guriyaynta Mudane Maxamed Cabdi Yusuf ayaa uga mahadceliyay
Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada Mudane Saleebaan Colaad Rooble dadaalka iyo
isku daba ridka uu ugu jiro sidii uu u soo celin lahaa Isboortiga Soomaaliyeed
qaybihiisa kale duwan.
Waxaa sharaf weyn noo ah anigoo ku hadlaya magaca wasaarada Howlaha guud iyo
guriyaynta in maanta aragno Kooxdii Jeenyo oo dib loo furey isla markaana si
rasmi ah uga bilaawday diyaar garoow ay ka qayb galayaan tartamada Isboortiga
noocyadiisa kale duwan ee ka jira dalka gudahiisa ayuu yiri Wasiirka Maxamed
Cabdi Yusuf.
Wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad Rooble
ayaa warbixin ka siiyay qaabka Wasaaradiisa uga howl biloowday sidii loo soo
celin lahaa kooxihii dalka ka jiri jirey, isla markaana dhawaan si rasmi ah u
furmi doonaan 15 May tartamadii Degmooyinka gobalka Banaadir, waxaan kale oo
samaynay xarunta cilmi barista ciyaartooydii hore.
Waxaana rajaynayaa in wasaaradaha kale ay ku daydaan talaabada ay ku fureen
Naadigii kooxda Jeenyo LLPP ayuu yiri Wasiirka Isboortiga mudane Saleebaan
Colaad Rooble.
Wasiiradaas ayaa si wada jir mahadcelin u soo jeediyay mudane Siciid Qoorsheel
dadaalka u galay sidii naadiga Jeenyo dib ugu howl gali lahayd mar kale, isla
markaana loo baahan yahay dhaqdhaqaaqyada Isboortiga dalka iyo dibada ka jira
loo midayn lahaa, waxaana codsanaynaa in laga gudbo khilaafyada aan micnaha
badan samaynin ee ku kale dhaxjira bahda Isboortiga madaama Isboortigu yahay kan
kaliya ee maanta umadda Soomaaliyeed lagu midayn karo.
Mudane Mohamed Cabdi Yusuf ayaa baaq u direy Masuuliyiintii hore ee Naadiga
Jeenyo, Macalimiintii Hore Jeenyo,ciyaartooydii hore Naadiga Jeenyo iyo
taageerayaashii kooxda Jeenyo inay taageero weyn ka gaystaan sidii kooxda Jeenyo
mar kale ay uga dhax muuqan lahaayeen garoomada dalka iyo dibadaba, isla
markaana ay taageeraan Naadiga Jeenyo oo u baahan taageeradooda.
W/D:Yusuf Yusuf
Sports Editor of SSPAMEDIA
Nairobi Kenya
mrsomalia@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2009 |
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
©
www.SomaliTalk.com
La soo xiriir:
|
|
|