1-Da May Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo maanta si weyn looga xusay
magaalada Muqdisho
Sawirada
Halkan ka daawo
Xuska Maalinta shaqaalaha aduunka 1-da may oo shir gudoominayey wasiirka shaqada
shaqaalaha Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayuu shaaca ka qaaday inay manta tahay
maalin umada soomaaliyeed ku weyn islamrkaana lagu xasuusan karo maalin
shaqaalihii soomaaliyeed ay si weyn u xusi jireen islamrkaana ku beegan maalin
ay umada Soomaaliyeed soo martay dhibaatooyin amaan xumo iyo kala dambayn la,aan
.
Munasabad lagu maamuusayo maalinta shaqaalaha aduunka ee 1-da may ayaa manta ka
dhacday magaalada muqdisho taasoo ay ka soo qayb galeen masuulyiin isugu jira
labada gole ee dowlada FKMG ah .
Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Mr Maareeye ayaa intaasi raaciyey in
munaasabadan awgeed ay maanta ilaa berri oo sabti ah ay shaqaalaha dowlada FKMG
ah fasax yihiin islamrkaana ugu feestaynayaan qiimaha ay manta leedahay .
‘’Anagoo eegayna sida sharciga ah waxaan maanta oo ah maalin qiimo badan ku leh
umada Soomaaliyeed ku fasaxaynaa shaqaalaha dowlada FKMG ah , qofkii isagu ka
faa,iidaysanaya sida ay marxaladu tahayna oo iskii u shaqaysanayana waa yeelkii
,laakiin anagu waa maalin feesto ah oo shaaalaha dowladu labo maalmood fasax
noqonayaan ‘’ ayuu yiri Maareeye
Sidoo kale waxaa hadalo halkaasi ka jeediyey masuuliyiin isugu jira labada gole
ee dowlada FKMG ah oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Tamarta iyo Shidaalka ahna
Raysal-Wasaare Ku Xigeenka Koowaad C/waaxid Cilmi Goonjeex , ku xigeenka koowaad
ee baarlamaanka Soomaaliyeed Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo wasiirka gaadiidka
cirka iyo dhulka Cali Axmed Jaamac Jengeli .
Munaasabadan oo ahayd munasabadii ugu weynayd tan iyo intii ay soo caga dhigatay
dowlada cusub ee madaxweyne Shariif Sh,Axmed magaalada Muqdisho ayaa lagu
weyneeyey maalinta shaqaalaha Aduunka oo ku beegan 1-da may taasoo ay riwaayado
kusoo ban dhigeen hobolada waaberi oo ka turjumaysa qiimaha ay manta oo kale u
leedahay bulshada caalamka gaar ahaan bulshada soomaaliyeed ,islamrkaana ay ugu
magic dareen Xuska Maajo Waa Nolol.
xuskaan ayaa ahaa mid in badan la sugayey waxayna soo xasuusteen inyar oo ka mid
ahayd dadkii lagu casuumay xiliyadii dowladii dhacday munaasibadihii la qaban
jiray iyada oo aanay jirin cid loo aqoon san yahay xiligaan shaqaale dowladeed
xaruntii xiriirka guud ee ururada shaqaalahana ay dagan yihiin ciidamada Amisom
ee ka howl gala wadada Maka almukarama
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2009