SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
01 May 2009.


Banaanbax Weyn oo jaaliyada Ogadenya ee yurub ay ku horqabteen xarunta baarlamaanka Yurub(Strasbourg) France

Dagaalo lagu jabiyey ciidamada gumaysiga Itoobiya

Waxyeelooyin kala duwan oo loo gaystay shacab rayid ah.

Barnaamijkii banaanbaxa Strasbourg ee wadanka France


======================

Dagaalo lagu jabiyey ciidamada gumaysiga Itoobiya



Ciidamada qalabka sida ee xoreynta Ogadenya ayaa weli si xowli ah uwada hawgaladii ay ka wadeen dhammaan gobolada Ogadenya siiba gobolka Afdheer ee ay ciidaamada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya kaga xoreynayeen guud ahaanba gayiga Ogadenya.


8-4-09 Raqay oo ku taala duleedka magaalada Baabili dagaal ka dhacay oo dhex maray cwxo iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ayaa ciidanka gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 4 askari Waxa kale oo lagaga dhaawacay 3 kale.

14-04-09 Malayko oo ka tirsan degmada Garbo ee gobolka Nogob Waxay ciidamada xoreynta Ogadenya ku gubeen 1 Uraal oo ay saaraayeen ciidanka gumaysiga Itoobiya waxaana halkaas ku basbeelay wixii Saraa oo dhan.



15-04-09 Deegaanka Fashuuq oo ka tirsan gobolka Afdheer fal ay ciidanka xoreynta Ogadenya ka fuliyeen ayay ku qabqabteen 15 Dabqoodhi ah,waano iyo wax u sheegid kadibna waa la siidaayey.

16-04-09 Deegaanka Horo-hawd oo ka tirsan gobolka Jigjiga Waxay ciidanka xoeynta Ogadenya ku dileen 5 Woyaane waxaa kale oo ay ku dhaawaceen 4 kale.

16-04-09 Tuulada Dalaad ee gobolka Qorahay waxay ciidanka geesiyiinta ah ee Ogadenya mireen Ciidan Woyaanaha oo meeshaas joogay ilaa haddana Khasaaraha dhabta ah ee soo gaadhay faahfaahin rasmi ah lagama hayo.

18-04-09 Meesha la yidhaahdo Dhuurrel oo ka tirsan gobolka Baali waxay ciidamada qalabka sida ee Xoreynta Ogadenya ku gubeen 2 Uraal oo ay ka buuxeen ciidamo wayaane ah waxaana halkaas ku basbeelay baabuurkii iyo ciidankii Wayaanaha ahaa oo dhan Waxaana la Sheegayaa Ciidanku in uu Ka badnaa 100 askari.

22-04-09 Tuulada Masalle oo ka tirsan degmada Ceel-karri ee gobolka Afdheer isku dhac ku dhex maray cwxo iyo kuwa gumaysiga Itoobiya waxaa gumaysiga lagaga dilay 3 askari waxaana lagaga dhaawacay 2 kale.

22-04-09 Deegaanka Mara-Maydh ee gobolka Nogob weerar gaadmo ah ay cwxo ku fuliyeen ciidan wayaane oo halkaas ku sugnaa ayay kaga dileen 4 wayaane ah waxaa kale oo ay kaga dhaawaceen 2 kale.

Waxyeelayn kala duwan oo gumaysigu u gaystay dad rayid ah.


Ciidamada gumaysiga Itoobiya ee cabudhiska iyo cadaadiska loo keenay Ogadenya ayaa weli wada dhibaatooyinkii kala duwanaa ee ay u gaysanayeen dad rayidka ah.

10-04-09 Iimayda-Bari waxay ciidamada naflacaariga ahi ee gumaysiga Itoobiya xidh-dil iyo xidhay isugu dareen dad badan oo ay kamid yihiin.

1- Faadumo Muxumed wali oo ah 80 Jira
2- Macalin Garaad Carab
3- Cismaan Waal Diriye
4- Jinni Amardiid oo 100 Sano jira waxaana loo jidhdilay Si Xun Amardiid Cabdi
Shugri Fooley Macalin Ibrahim Qoorsheel .

Jidh-dilka dadkaas shacabka ahi loo gaystay ayaa lagu soo waramayaa inay qaarkood halis yihiin loona diiday in la geeyo isbitaal iyo meelo lagu dhayo.

14-04-09 Dun-dumo-cadka oo ka tirsan gobolka Nogob Waxaa lagu xidhay Faarax Muxumed Cadde


16-04-09 Ciidamada gumaysiga Itoobiya ee cabudhinta loo keenay Ogadenya ayaa dad fara badan ku xidhxidhay magaalada Dhagaxbuur oo uu kamid yahay Cali Axmed Aw-Yusuf .

Isla 16-04-09 Tuulada Ceelxaar ee gobolka Jarar waxay ciidamada nacabka ahi ku xidheen Shiine C/llaahi Biinle .


20-04-09 Deegaanka Biyo-khadhaadhe oo ka tirsan degmada Dhagaxmadow ee gobolka Jarar waxay ciidamada gumaysigu ku xidheen: Nimco Axmed .

Banaanbax Weyn oo jaaliyada Ogadenya ee yurub ay ku horqabteen xarunta baarlamaanka Yurub(Strasbourg) France


Waxaa Shalay 30 April 2009 magaalada Strasbourg ee waddanka France ka dhacay banaanbixi ay ku ballansanaayeen jaaliyadaha Ogadenya ee Europe.

Mudaharaadki wuxuu u dhacay sidii loogu talo galay qiiro badan iyo go'aan adagna uu ka muuqday dadka wajiyadooda.Waxaa muddo Shan saacadood ah la hortaagnaa Xarunta baarlamaanka Europe ee Strasbourg,waxaa meesha sawaxanka banaanbaxayaasha laga maqlay hal hayso caan u noqday qaddiyadeena sida:- What we want ? Freeeedom !!; When we want it ?? Now,
Free free free Ogadenia !!!, Meles down iwm, waxaa weliba maanta weheliyey maadaama aan joognay carro Faransiis LIBEREZ OGADEN oo macnaheedu yahay FREE OGADEN.

Banaanbaxan oo lagu beegay fadhi ay lahaayeen baarlamaanka yurub ayaa lagu qaybiyey waraaqo badan oo ka hadlayay tacadiga ay gumaysatada itoobiya ku hayso shacabka Ogadenya,waxay sidoo kale banaanbaxayaashu codsadeen in laga joojiyo itoobiya lacagaha iyo deeqaha sida indho la,aanta ah loo siinayo ee ay u adeegsanayso gumaadka shacabka Ogadenya. Jaaliyadihii kasoo qayb galay banaanbaxa waxay kala ahaayeen:

Jaaliyada Ogadenya ee United Kingdom
Jaaliyadda Ogadenya ee Denmark
Jaaliyadda Ogadenya ee Germany
Jaaliyadda Ogadenya ee Holland
Jaaliyadda Ogadenya ee Austria
Jaaliyadda Ogadenya ee Swiserland
Jaaliyadda Ogadenya ee Norway
Jaaliyadda Ogadenya ee Italy

Waxaan waxaa banaanbaxan la odhan karnaa jaaliyadaha Ogadenya ee Europe talaabo kale ayay horay u qaadeen.


01 May 2009

Cabdinuur Sh. Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 31 MB iyo 41 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga
 

Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: