SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shareecada Islaamka hoobiye nalagu abaal mariyo, intii aan sugeynay hadiyad?, Baarlamaanka wuxuu in badan ka meermeeray…”

Sawirada Halkan ka daawo....

Guddoomiye K/Xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa maanta khudbad oo dhinacyo badan waxa uu kaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, doorka dowladda KMG ah iyo Baarlamaanka KMG ah.

Sidoo kale Prof. Dalxa ayaa maanta khudbadiisa waxa uu ku soo qaatay arrimo isaga uu aad ula yaabay, waxaana mar uu is barbar dhigayay waxa Soomaaliya ka dhacaya iyo adduunka sida uu uga hormaray dhinacyada bani’aadaminimada, waxa uu sheegay in isagoo maraya waddo ku taala Mareykanka waxa uu arkay goob lagu shamuugsan yahay.

“Markii aan weydiiyay waxa meesha ka dhacay waxaa la igu yiri nin baa dacwad loo heystaa oo Mukulaal baabuur jiirsiiyay, taasina waxaa meesha ka cad in gaaladii maanta ay ka gudbeen xuquuqda aadanaha una gudbeen xuquuqda xayawaanka” ayuu yiri Prof. Dalxa.

Ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka soomaaliya prof.maxamed cumar dalxa ayaa sheegay inay dowlada FKMG ahi ay weli diyaar u tahay in dib u heshiisiin la gasho kooxaha kasoo horjeeda.

Prof.dalxa ayaa intaasi ku daray inay jirto dhibaatooyin amaan darro oo ay abuurayaan kooxaha dowlada kazoo jeeda islamrkaana ay dhibaato weyn ku tahay shacabka iyo masuuliyiintaba, iyadoo uu Tusaale usoo qaatay hoobiyeshii lagu soo tuuray xaraunta baarlamaanka dhowaan oo gaystay xasuuqa oo ay dad badan oo rayid ahi waxyeeloobeen.

Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka barlamaanka Prof.dalxa ayaa intaasi raaciyey in ka baarlmaan ahaan umada soomaaliyeed usoo bandhigayaan inay nabada jecel yihiin islamrkaana waxii ka qaldama ay shacabku saxi karaan isagoo sheegay inaysan shacabkooda ka weyneyn waa siduu hadalka u dhigaye .

‘’Anagu hadan nahay baalamaanka waxaan shacabka soomaaliyeed u sheegaynaa in aan doonayno inaan dhibaatada la qaybsano shacabka dhibaatasyan, islamrkaana ka xun nahay in anagoo dadaalayna in hoobiyeyaal nalagu weeraro meeshaan ka sugaynay in naloo hambalyeeyo oo ku dhaqanka shareecada islaamka nalagu taageero ‘’ ayuu yiri dalxa

Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka ayaa intaasi raaciyey in waxa ka dhacaya dalka soomaaliya gaar ahaan magaalada casimada ah ee muqdisho ay tahay mid ay ka dambeeyaan dano gaar ah oo lagu diidan yahay in qayraadka dalkooda ay usoo jeestaan islamrkana amaan darro iyo khal khal lagu abuurayo iyadoo laga dilayo hadba ninkooda qiimaha badan.

Si kastaba ha ahaatee gudoomiye ku xigeenka kowaad ee baarlamaanka soomaaliyeed Prof.maxamed Cumar dalxa oo hadal dheer ka jeediyey munaasabada 1-da may ee maalinta shaqaalaha aduunka ayaa tilmaamay amaan darida baahsan ee ka jirta dalka soomaaliya gaar ahaan caasimada muqdisho isagoo tusaale usoo qaatay dhowr xildhibaan oo la diley xili ay qaarkood kasoo baxayaan masiijidyo


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: