Labo Nin Oo Dhaliyaro Ah Oo Mid Kamid ahi Yahay
Ganacsade Oo Khamiistii Lagu Diley Gudaha Suuqa
Bakaaraha
Dilal kala gooni gooni ah ayaa Khamiistii ka dhacay
gudaha suuqa bakaaraha kuwaasoo ay gaysteen dabley
hubaysan oo aan haybtooda la garan islamrkaana ka dhacay
labo goobood oo ka tirsan suuqa bakaaraha .
Dilalkan oo loo gaystay labo nin oo dhalin yaro ah ayaa
mid kamid ah waxaa lagu diley agagaarka qaybta suuqa
timirta ee gudaha bakaaraha iyadoo ay goob joogayaal
xiliga dilku dhacayeyna ka ag dhowaa halkaasi ay
saxaafada u xaqiijiyeen in dhowr nin oo madaxa soo
duubtay ay rasaas kala beegsadeen madaxa islamrkaana ay
ka baxsadeen halkaasi iyadoon la ogayn halka ay aadeen .
Sidoo kale marxuumka kale ayaa waxaa isna lagu diley
agagaarka suuqa khudaarta taasoo sida la sheegay ay
dileen sadex nin oo ku hubaysanaa baastoolado oo madaxa
rasaas kala beegsaday iyadoo kadibna ay halkaasi ka
baxsadeen ,mana cada inay dilalka maanta ka dhacay
gudaha suuqa bakaaraha ay wada xidhiidhaan iyo in kale
waloow warar hoosaadyo laga heleyo dad magacooda qariyey
ay sheegayaan inay labada nin ee la diley ay ka
tirsanaayeen ururka al-shabaab .
Dhinaca kale ma jiraan cid ka hadashay dilalkan
qorsheysan ee ka dhacay maanta magaalada muqdisho gaar
ahaan suuqa bakaaraha mana cada ilaa iyo iminka sababta
dhabta ah ee ka dambaysa dilalkan lagu diley wiilasha
dhalinyarada ah oo la sheegay inuu mid kamid ahaa
ganacsade ka meherado ku leh suuqa bakaaraha .
yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com
Muqdisho