Golaha sare ee Jabhada Wadaniga Xoraynta
Ogaadeeniya. Ref: JWXO/GS/XM/28/04/09
28/04/2009
Bayaan
Golaha Sare ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaden wuxuu
Bulshada Caalamaka u cadaynayaa inaan waxba kajirin oo
ay tahay been la dhoobdhoobay oo aan sal iyo raad lahayn
Bayaanka ay 19/03/2009 Wasaarada Gaashaandhiga ee
Itoobiya ku sheegatay inay burburisay ONLF iyo OLF kadib
markay dishay hogaamiyihii Golaha Sare ee JWXO Mujaahid
Dr. Maxamed Siraad Doolaal, islamarkaana ay gacanta
kudhigtay Taliyaha Ciidanka OLF ee Koonfurbari
Itoobiya,oo ahaa xubin Golaha Dhexe ee OLF Mr.Furgasa.
Waxaanan usheegaynaa xukuumada tabarta daran ee
Tigreega TPLF/EPRDF in dilka hogaamiyahanagii ayna
marnaba soo afjaraynin Halgankanaga hubaysan iyo midka
siyaasadeed midnaba, oo ay noo nool yihiin kumanyaal
xambaarsan fikirkii Mujaahid Dr M. S. Doolaal, ku waa
soo uu macalin oogu ahaa Hadafka Xoraynta Soomaalida
Ogaadeenya, diyaarna u ah geerida ilaa ay kaa xoreeyaan
Dalkooda iyo dadkoodaba.
Waxaa kaloo GS-JWXO uu cayanayaa in iyadana aan waxba
ka jirin Dacaayada iyo Beenhawaasnimada Wasiirka
Warisgaadhsiinta Bereket Simon ee ku aadan inay ONLF ku
sugantahay xaalad qalafsan, aadna u qeybsan tahay, una
kala googoday qeybo yar yar iyo inay aad u diciiftay
awoodeedii. GS-JWXO wuxuu marlabaad bulshada caalamka u
xaqiijinayaa in khilaafka kadhexjira ururka ONLF uu
yahay sixitaan maamulka oo kaliya. Taasina ayna marnaba
wax udhimin Halgan hubaysan iyo midka Siyaasadeed ee
ururka, balse ay dardargalisay oo ay sii labanlaabantay
Niyada iyo Tirada Naftoodhurayaasha Ciidanka Wadaniga
Xoraynta Ogaadeenya iyo Taageerada ay u hayaan shacabku
GS-JWXO.
Waxaa kaloonu cadaynayanaa inaan GS-JWXO wax wada
hadal ah la yeelanaynin Xukuumada Gumaysiga Itoobiya
ilaa ay kudhawaaqdo inay Ogaadeenya u aqoonsanayso
Qaran ka madaxbanaan ayna ciidamadeeda ka daldalanayso.
Golaha Sare ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya
wuxuu gacmo furan ku soo dhaweynayaa codsiga
madaxweynaha ururka Genocide Watch Dr. Greg Stanson uu
udira United Nations High Commissioner for Human
Rights 26 march 2009 ee uu kaga codsaday UNtu inay
baadhitaan madax banaan ku samayso xasuuqii ay ciidamada
Gumaysiga Itoobiya ka geysteen Ogaadeenya, Soomaaliya
(Muqdisho) iyo Gambeela, lana sootaago Maxkamada
Dambiyada Dagaalka ee Hugue Meles Zenawi iyo
saraakiishiisa iyo masuuliyiinta Killalada ee lugta
kuleh xasuuqaas.
Golaha Sare ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya