SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warbixin kooban:

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh SHariif Sheekh Axmed iyo Wafdi uu hogaaminaya ayaa ka soo degay Shalay 5:45 daqiiqo Xiliga Doha – Qatar. Waxaana Wafdiga Madaxweynaha ka mid ahaa 3 wasiir oo kala ah:-

1- Wasiirka Arimaha Gudaha Sheekh C.qaadir Cali Cumar.
2- Wasiirka Waxbarashada Axmed C/laahi.
3- Wasiirka Gadiidka Cirka iyo Dhulka Cali Jaamac Jingeli..
Waxaa Madaxweynaha uga sii horeeyay Dooxa oo ka qeyb galay shirarkii Horudhaca:-
Wasiirka Arimaha Dibada .. Maxamed C.laahi Oomaar..
Wasiirka Maaliyada Shariif Xasan Sheekh Aadam.
Wafdiga waxaa ka mid ah Dhowr xildhibaan..
Waxaaa kaloo wehliya Safiirka Soomaaliya ee Masar ahna Ergaga Soomaaliye ee Jaamacada Carabta.. C.laahi Xasan..

C/qaadir Maxamed Cusmaan (Barnamij)
Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Madaxtooyada
Dooxa . Qadar..
Mobile: + 974 3185369

Warsaxaafadeedka :-
Warsaxaafadeed
Doha- Qadar..
29-03-2009

Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha Qaramada Midoobay

Waxaa kulan magaalada Doha- ee dalka Qatar, ku yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xoghayaha Qaramada Midoobay Ban Ki Moon. kaasoo fiidnimadii caawa ka dhacay Intercontinental Hotel ayaa dhanka Soomaaliya Madaxweynaha waxaa ku wehliyay, Wasiirka arimaha dibada Maxamed C.laahi Oomaar, Wasiirka Maaliyada Shariif Xasan Sheekh Adam, halka Wafdiga qaramada Midoobayna ay ka mid ahaayeen, Ergayga gaarka ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Axmed Wald Cabdala, Madaxa Siyaasada Qaramada Midoobay B. Lynn Pascoe, Madaxa (Chef the Cabinet) Qaramada midoobay Vijay Nambiar

Ugu horeyntii Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu Qaramada Midoobay ku amaanay dowrka ay ka qaadatay dib u heshiisiinta Soomaaliya isagoo ku tilamaamay in “ Qaramada Midoobay ay soomaaliya ka soo saartay xaalad adag” waxaana si gaara uu u tilmaamay dowrkii wax ku oolka aha ee Axmed Wald Cabdla.

Madaxweynuhu waxaa uu ka codsaday Qarmada Midoobay ineey si labanlaabaan dadaalka gargaar iyo horumarineed ee ku aadan soomaaliya, isagoo ku booriyay in Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Nairobi- Kenya ineey u soo guuraan gudaha Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu Ban Ki Moon iyo Wafdigiisa warbixin ka siiyay Xaalada soomaaliya iminka marayso iyo guulaha horudhaca ah ee la gaaray mudadii yareeyd ee uu Madaxweynaha ahaa oo ay ka mid tahay in dhamaan laamihii dowlada sida xukuumada, baarlamaanka ay gebi ahaanba ka howl galayaan Muqdisho, sidoo kalana Magaaladu guud ahaan ay degantahay.

Mar uu ka hadlayay Madaxweynuhu Qorshaha dowlada ayaa waxaa uu yiri “Waxaan Qorshaheena ugu muhiimsan in amaanka la sugo, gargaar deg deg ahna lala gaaro dadka barakacsan iyo kuwa abaaruhu ay haleeleen, iyo dib u dhiska soomaaliya”

Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay si loo fuliyo qorshaha amniga in loo baahan yahay in si deg deg ah loo habeeyo loona tababaro ciidamo qaran oo hanta amaanka, soona celiya kala danbeyntii, iyadoo ay iminka dowladu talaabo mideeyn ah qaaday si loo helo hal ciidan. Dhanka Ciidmada AMISOM ayaa madaxweynuhu sheegay in loo baahan yahay weli, balse ay dowladu xoogga saari doonto sidii looga maarmi lahaa sida ugu dhaqsida badan, loona waqtiyeen lahaa xiliga ay baxayaaan.

Madaxweynuhu wuxuu carabka ku adkeeyay in ay ka go’antahay in dowladiisu ku shaqeyso Maamul Wanaag, furcadnimo, Cadaalad, sinaan, iyo in si hufnaan lagu maamuli doono Ilaha dhaqaale ee dalka iyo kaalmada naga soo gaarta dibada, isagoo daaha ka qaaday in uu jiro Gudi qaran oo hanti dhowr ah, kaasoo dhawaan ka howl bilaabay Dakada, si ilaha dhaqaale ee dalka waxa ka soo baxa loo ogaado, meesha ku haboona loo mariyo. waxaana uu Madaxweynuhu ka digay inaan loo qaban shacabka soomaaliyeed qaladaad iyo musuqmaasuq horay loo galay, isagoo ugu baaqay aduun weynuhu in kaalmeynta soomaaliya ay soo dedejiyaan.

Dhankiisa Xoghayaha Qarmada Midoobay Ban Ki Moon ayaa ku amaanay uguna hanbalyeeyay dowlada Soomaaliya in ay ku shaqeynayso Caasimada Muqdisho, isagoo sheegay shirkii ugu danbeeyay ee Golaha Amaankana in ay ka soo baxday in la taageero dowlada soomaaliya, waxaana uu muujiyay in ay Qaramada midoobay iyo dowladaha waaweyn ay ka go’antahay in Soomaaliya hesho nabad, horumar iyo dib u dhis.

Ban ki Moon ayaa yiri “Waxaa farxad ii ah in bisha April dalka Biljam lagu qaban doono shir lagu caawin doono soomaaliya, waxaanan rajeynayaa in aad ka soo qeyb gashid”

Waxaa Xogahayaha Qarmada Midoobay Ban ki Moon intaa ku daray “Waan taageersanahay sidaan kulankii Adis Ababa aan ku yeelanay kuugu sheegay in Ciidamo soomaali oo ah oo amaanka hanta si dhaqsi ah loo dhiso, waxaanan kulan aan la yeeshay Madaxweynaha Brundi iyo Madaxweynaha Uganda ay ii balan qaadeen in taageero balaaran ay idin siin doonaan oo dhankaas ah”.

Gabagabadii Kulankaa ayaa Xogahayaha Qarmada Midoobay Ban Ki Moon waxaa uu walaac Bulshada Caalamku ka qabto burcad badeedka u gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya iyadoo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed kaga jawaabay y in faraha lagu hayo qorshihii Dowladu ay kula dagaalami lahayd Burcad badeedka, taasoo faahfaahinteedu uu u balan qaaday ineey dhawaan soo gaari doonto Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon.

Dhamaad

Faafin: SomaliTalk.com | March 31, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS