Jidbada Saarka iyo Jihaadka al-Shabaab
Goobtu way camiran tahay. Waxa la tumayaa saar. Rag iyo
dumarba la is daawanayaa. Waa goob la isku barto. Waxa tijaabo
ba’ani ku socotaa kii wiil ahaa—kii geel-jire ahaa. Wiilushuna
waa ceeb-ka-carar. Oo geesinimo muujinayaan. Waa la tumayaa.
Sacabada la tumayaa. Cagta la tumayaa. Calyada la tuurayaa.
Siigada la kicinayaa. Waa saar. Waa jidbo. Ama weyrax.
Wiilashu way dheellayaan. Tooreeyo hawada sare ku dooxayaan.
Tijaabo ayaa ku socota. Way xujaysan yihiin. Gabdho ayaa
meesha tuban. Waa goob lagu ceeboobo. Ama lagu soo caan-baxo.
Gabdhuhu wax bay isla meerinayaan. Waa xujo:
Haddii burur kaa dhab yahay,
Billaabada dhiig u yeel,
Helleey helleey!
Raggu markuu meeriska kore maqlo, way is jarjaraan.
Dhiig iska keenaan. Ama fuley ha ahaado ama geesi. Ama doqon
ama fariid. Wuu xujeysan yahay. Waa waaqaca saarka. Dhiig.
Dhiig. Dhiig. Sidii al-Shabaabka jidbaysan. Waa dhaqan aan
dhammaad laheyn—tan iyo berigii uu dagaalka sokeeye qarxay.
Dhiig.
Sanaddu waa 1991. Dhiiggii dagaalladii sokeeye ayaa
qulqulaya. Aniso waa gabar afar iyo toban jir ah. Waxa ay u
qaxday Kismaayo. Dugsi ayay gashay. Quraanka iyo culuun kale
raacataa. Gabadhu ma oga,e, waxa ay raadaarka ugu dhacday
wadaadkii axaadiista u meerinayay. Magaciisu waa Shiikh
Kakane. Waa shan iyo labaatan jir.
Lix bilood ka dib, waxa ay Aniso xifdisay Quraanka
barkiisa. Waxa ayna billowday in ay dersiga u meeriso ardayda
ku cusub hingaadda iyo kuwo ku jira Juz Cammaha. Waxa ay laheyd
firfircooni maskaxiyan ah iyo faham qoto-dheer. Inkastoo ay ku
jirtay da’dii is-beddelka jirka, haddana Aniso waxa ay noqotay
ardayad ka soocan gabdhaha faceeda ah. Ma sheeko badneyn, mana
aqoon haasaawe iyo shukaansi.
Sanaddu waa 1992. Aniso waxa ay ku sugan tahay Dhoobley. Oo
Kismaayo ka soo qaxday sidii Xamar. Intii ay Kismaayo joogtay
ayaa nolosheeda wax weyn iska beddeleen jir ahaan. Dherer ayaa
u siyaaday, waxa ayna noqotay gabar u bisil guurka iyo
dhalmada. Shiikh Kakane ayaa Aniso ku arkay deegaanka Dhoobley.
“Salaamu calaykum, Aniso,” ayuu yiri Shiikh Kakane,
“goormaad timid?”
“Macallin siddex beriyaan joogaa,” ayay tiri Aniso oo
dhulka xishood la eegaysa.
“Maashaa Allah,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “ani dhowr
isbuuc camalaan joogay. Aawayna reerkaagii? Ma kula soo
qaxeen?”
“Haa, hooyadeeyaa ila socota,” ayay Aniso tiri, “aabbo
Xamar ayaa madfac ku dilay.”
“Allaha u naxariisto,” ayuu Kakane yiri, “hadda maxaad
damacsan tihiin?”
“Ma’aqaan,” ayay tiri Aniso oo xushmad hoos la eegaysa,
“ma’aqaan.”
In yar ayaa la kala aamusnaa. Waxa uu Shiikh Kakane
marba isha ku xadayay Aniso, oo dhulka indhaha ku haysay.
Shiikh Kakane waxa uu xifdiyay Quraanka, cilmiga Axaadiista waxa
uu ka raacday Bukhaari iyo Muslim, kitaab towxiidka ayuu soo
meersaday, naxwaha Carabiyadda ma xiiseeyo. Dhanka maadiga,
Shiikh Kakane waxa uu ka soo qalin-jebiyay dugsi sare ee ku
yaalla Xamar. Wixii intaa ka danbeeyay waxa uu noqday mid ku
dhex-jira diinta iyo dugsiyada Quraanka. Masruufkiisana sidaas
ku soo saartaa.
“Ukhtiiy,” ayuu Shiikh Kakane cod dabacsan ku yiri,
“Uxubbuki fillaahi.”
Aniso way xishootay. Wadnahaa gilgilmay. Afkii baa
juuqda gabay. Naxdin.
“Ilaah wuu banneeyay jaceylka,” ayuu Shiikh Kakane
yiri, “waana sifo ka mid ah sifooyinkiisa sare. Aayadahiisana
waxa ka mid ah in uu jeceyl dhex dhigay zawjka iyo zawjadiisa.”
Aniso hal mar ayay madaxa kor u qaadday, oo Shiikh
Kakane ka il-buuxsatay.
“Ilaah dartii zawjadeyda ma ku noqon laheyd?” ayuu
Shiikh Kakane yiri.
Aniso way muusootay. Oo indhaha gadgadoomisay. Waa
sheeko ku cusub.
“Ilaah dartii ukhtii,” ayuu Shiikh Kakane ku celiyay,
“aan isku guursanno.”
“Aniga ma’aqaan meesha laga bilaabo sheekooyinkan,”
ayay Aniso ku afeefatay, “laakiin soo waalidka la iskama dooni
jirin? Hooyadeey maad la hadashid?”
Shiikh Kakane waxa saaqay neecaw qabow. Wuu
muusooday. Dhiirranaaday.
“Anisooy haddaan sheekadaan hooyadaa u sheegno,” ayuu
Shiikh Kakane yiri, “waxay igu xujeynaysaa xoolo aan awood u
laheyn. Soo ma aragtid xero qaxooti ahaan labadeenu ku
cagaarannay? Maan qarsano meherkeena, hadhowtiina aan hooyadaa
ducadeeda ka dalbano?”
Aniso waa ay aamustay, oo arrinku ka daadegi la’yahay.
Shaki iyo tashwiish ayaa galay.
“Wiilal badan iyo gabdho badan oo wadaado ahba,” ayuu
yiri Shiikh Kakane, “sidaasoo kaleey sameeyaan.”
Aniso waxa ay eegtay Shiikh Kakane. Waxa uu xiran
yahay khamiis anqowga ku jooga, waxa madaxa illaa garbaha u
saaran cimaamad guduudan, kabo janbal ahna gashan yahay. Waxa
ay iyadu xiran tahay jilbaab isku joog ah. Indho-shareer ma
xirato.
“Ukhtiiy,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “gaaba-gaabeeyaa
qaxootigan la isku mehersadaa.”
Sanaddu waa 2006. Waxa wadnihii Soomaaliya ku soo duulay
Amxaaro. Ciidankii Maxkamadaha waa loo xoog-sheegtay.
Soomaaliya waxa buuxiyay askari gaal. Hayeeshee wixii
duullaankii Amxaarada ka danbeeyay waxa is-beddelay waaqicii
dalka iyo dadka. Waxa sahlanaaday dilka. Dhiig. Dhiig.
Dhiig. Sidii goob lagu tumayo saarka. Shacabkii waxa ay
noqdeen shaybaar lagu tijaabiyo cududda ciidan ee Amxaarada iyo
dowladda oo isku dhan ah, iyo wadaaddada oo dhan kale ah.
Waaqaca shacabku waa: Cidi uma maqna, ceelna uma qodna.
Sanaddu waa 2007. Aniso waa soddon jir. Xamar ayay waa hore
ku soo noqotay. Waxa ay dhashay hal wiil keliya. Magaciisu waa
Muxidiin. Waa shan iyo toban jir. Waxa uu lixaadka iyo
dhererka ka raacay hooyadiisa. Waxa ay wiilkeeda ku haysay
faro-adag. Akhlaaqdiisa ayay ku dadaashay. Quraanka ayay
bartay. Axaadiista ayay u meerisay. Gaajadiisa iyo
dheregtiisaba garab-taagnayd. Waxa ay ka dhowraysay in uu noqdo
qori-qaad dadka dhaca. Ama dila. Waxa ay ku mashquulisay
tacliin iyo tacab adduun. Marna meel cilmi laga raacdo ayay u
direysay, marna wuxuu kala shaqeynayay biibito ay shaah iyo
macmacaan ku gaddo. Muxidiin waxa lagu yiqiin af-gaabni—sidii
hooyadiisa. Waa xaafid. Waa muxadas. Waa baari. Waa
xil-kas.
Wiilku ma yaqaanno aabihiisa. Aniso waxay Muxidiin u
sheegtay in aabbihiisa la la’yahay. Aniso markii ay guursatay
Shiikh Kakane, waxa ay isla noolaayeen siddex bil keliya.
Iyadoo uur yar leh ayuu Shiikh Kakane ka tagay horaantii sanadda
1992. Waxa uu ku biiray xoogagga al-Itixaad. Waxa uu safka
hore ka galay dagaalladii u dhexeeyay al-Itixaad iyo Kulmis ee
Boosaaso. Shiikh Kakane dib uguma uusan soo noqon xaaskiisii
joogtay qaxootiga Dhoobley.
Sanaddu waa 2008. Aniso oo biibatadii shaah karinayso, ayaa
waxa isa soo dul-taagay nin gar weyn leh. Waxa ka muuqata
sunnada. Gaari cabdi bile ah ayuu la socday. Waxa gaariga
saarnaa raxan dhallinyaro ah, oo cimaamado guduudan wejiga ku
duubtay. Waa al-Shabaab. Aniso qacdii horeba way garatay
ninka. Afkii ayaa kala tagay. Yaab. Waa Shiikh Kakane. Waa
wiilkii shan iyo labaatan jirka ahaa oo afartan jir noqday.
Dhereg baa ka muuqato. Calool yarna ka soo kuusan tahay.
“Ma nooleydna?” ayay Aniso si dabacsan u tiri.
Inta hoosta ka soo galay, ayuu ag-istaagay.
“Al-xamdulillaahi,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “waan
noolahay.”
“Xaggeed igu ogeyd?” ayay Aniso tiri.
“Allaah,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “Allaaha wax
arsaaqa.”
Aniso qosol bay iska doontay.
“Aniga arsaaqo kuma weydiine,” ayay Aniso tiri,
“xaggeed xaqayga ku ogeyd?”
Intuusan jawaabin, ayaa waxa meel gees ah ka soo baxay
Muxidiin oo bac sokor ah soo gaday. Aniso waxa ay eegtay
Muxidiin. Muxidiinkuna dareen ma qabin.
“Hooyo aabahaa salaan,” ayay Aniso ku tiri Muxidiin oo
bacdii sokorta sida.
“Aabbahey?” ayuu Muxidiin yiri labo jeer, “aabbahey?”
Wiilkii oo weli rumaysan la’ hadalka dhegehiisa ku soo
dhacaya ayaa waxa salaan u soo taagay Shiikh Kakane. Muxidiin
wuxuu salaamay aabbihiisa. Lex-jeclaysi la’aan.
“Magacaa, aabbe?” ayuu Shiikh Kakane weydiiyay
wiilkiisii curadka ahaa.
“Muxidiin,” ayuu ku jawaabay wiilku.
“Anigu aabbahaa ayaan ahay,” ayuu Shiikh Kakane yiri,
“waxaan hadda….”
Intuusan hadalka dhameystirin ayaa waxa looga yeeray
gadaal iyo kooxdii wadatay gaarigii cabdi bilaha ahaa.
“Abuu Muscab,” ayuu darawalkii yiri, “saanta soo
fududee.”
Aniso waxa durbadiiba u caddaatay in uu Shiikh Kakane
leeyahay xaas iyo caruur kale.
“Muscabna yaa waaye?” ayay tiri Aniso.
“Waa Muxidiin walaalkiisa,” ayuu Shiikh Kakane yiri,
“fiiri walaaley, in badan ayaan ku raadinayay, laakiin waan
garan waayay meelaan kuugu soo hagaago.”
“Markii horeba inaad iga tagto ma’aheyn,” ayay Aniso
tiri, “qaxootiga dhib ayaan kala kulmay, hooyadeyna way ku
indho-beeshay. Markaan ku sugi waayayna waan iska kaa fasaqay.”
Shiikh Kakane uma ekeyn ruux diyaar u ah in uu
dhageysto dhibtii xaaskiisa ay kala soo kulantay qaxootiga.
Labo xaas ayuu qabaa, siddex kalena horay ayuu u soo furay.
“Wax walba waa qaddar Alle,” ayuu Shiikh Kakane yiri,
“laakiin maadaama aad wiil ii heysid, weli wax baa isugu kaaya
jira.”
Shiikh Kakane waxa uu eegay Muxidiin. Muxidiinkuna
waxa uu babinayay burjikihii shaahu dul saarnaa. Iskuma uusan
mashquulin in uu dhageysto doodda waalidkiisa.
“Waryaa Muxidiin,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “weligaa
xabbad cadowga ma ku ridday?”
Markuu intaa yiri ayaa Aniso indhaha galka ka soo
baxeen. Muxidiin inta istaagay ayuu babiskii dhulka ku tuuray,
una soo dhowaaday aabbihiisa.
“Maya aabbe,” ayuu Muxidiin ku jawaabay.
“Anisooy wiilka maxaad faciisa uga reebtay?” ayuu
Shiikh Kakane yiri, “ma u jeeddaana wiilashaas gaariga saaran,
kulli waa mujaahidiin dar Alle u dagaalamaya. Maraykankaa ka
baqa.”
Muxidiin waxa uu eegay wiilashii al-Shabaab ee ka
dhakoolnaa gaarigii cabdi bilaha.
“Anisooy ma waxaad rabtaa in cadowga Islaamka uu maalin
iyo habeen na laayo,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “markuu daalana
uu ku nasto shaah uu wiilkaygu kariyay?”
“Abuu Muscabow i maqal,” ayay tiri Aniso oo ka
cabsi-qabta in laga wato wiilkii ay rafaadka ku soo korinaysay,
“lix iyo toban sano ayaad iga maqnayd, sidii aan ku noolaana
aadan ka war-qabin, caruurna waan kuu dhalay oo aadan masruuf
igu siin jirin. Ima furin, ima dhaqan—cidlo iyo qaxootina iiga
tagtay. Miyaadan billaa caleyk ka xishooneyn in aad inta maanta
ii timaaddid aad sidaan oo kale iila hadashid?”
“Anigu adduun iyo dheeldheel kaagama maqneyn,” ayuu
Shiikh Kakane yiri, “waxa aan u shaqeynayay diinta Allaah.
Ogowna wiilkayga lama doonayo in uu noqdo naaga-naageys shaah u
kariyo Amxaaro. Waa in uu difaacaa diintiisa. Waa in uu
jihaadka galaa. Waa in uu geesi noqdaa. Waryaa Muxidiin,
miyaadan dooneyn in uu Allaah kugu arsaaqo shahiidnimo? Inuu
Allaah kuu guuriyo xuurul-ceyn? Waad baaluqday, ee caruur ha is
moodin. Nin rag noqo!”
Aniso inta wiilkeeda gacanta ku dhegtay ayay u jiidday
gudihii biibitada. Waxa ay u naceysay in uu sii dhegeysto
doodda ka dhaxeyso labadiisa waalid. Aniso durbadiiba waxa ay
ku soo noqotay Shiikh Kakane oo sidii u taagan.
“I dhageyso, Abuu Muscabow,” ayay Aniso tiri, “Ilaah
haddaad taqaanid nabadda noogu dadaal. Oo wiilka ammaan sii.
Oo salka ha ka kicin. Oo xaq kuma lihid maadaama aad dayacday
markuu tabarta la’aa, ee haatan markuu tabar yeeshay damac
yuusan kaa gelin. Oo haddii ay diinta run kaa tahay isku
xishood oo ha noo xoog-sheegan.”
Shiikh Kakane inta eegay gaarigii cabdi bilaha ahaa
ayuu ku soo jeestay Aniso.
“I maqal anna,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “Ilaah talada
guriga waxa uu u dhiibay ragga. Marka….”
“Gurigeed ka hadleysaana?” ayay tiri Aniso oo hadalka
ka dafeyso Shiikh Kakane, “ma reer baa noo dhaqan? Sidaad iiga
tagtay anigoo uur leh hadda ayaa kuu socod ah. Taladana waxay
kaa soo wareegtay maalinkii aad cidlo qaxooti ah iiga
dhaqaaqday.”
“Hadalkiyoo kooban,” ayuu Shiikh Kakane yiri,
“wiilkeyga shaah uma karin karo Amxaaro iyo murtad—waa igu ceeb,
diinta Islaamka ayay ceeb ku tahay, raginamadiisa ayay ceeb ku
tahay. Munkarka waxa lagu suuliyaa gacanta—ee gacanta
Shareecada yaysan ku soo gaarin.”
“Abuu Muscabow illeen ruuxii xaqa Alle guta ayaa un
xaqiiqdana arka,” ayay Aniso yaab la tiri, “goormaad wiilkaaga
siin jirtay masruuf uu kaga maarmo in uu shaah gado? Yaase yiri
meesha Amxaaro keliyaa wax ka gadata? Mise inoo heysaa shaqo
dhaanta shaah-karinta? Walaalow kurbo iyo welwel cusub haygu
furin ee ammaan aan kaa helno.”
“Hadalkaaga wuxuu u egyahay hadalada gaala-raaca,” ayuu
Shiikh Kakane yiri, “laakiin wiilkeyga lama doonayo in uu
doqonimo ku weynaado ama munaafiqnimo. Taa ma yeelayo.”
“Oo waayahaye ma nolol baad u haysaa?” ayay Aniso tiri,
“mise nolosha ayaa ah in uu al-Shabaab ka mid noqdo? Yaa Muslim
ahoon garta u dhiibannaa?”
“Anisooy mujaahidiintu way i daahsadeen,” ayuu Shiikh
Kakane hadal ku soo jaray, “ee waan isku soo noqon doonnaa insha
Allah. Wiilkana sida u dhaan! Mujaahid ka soo saar.”
“Horta see ku ogaatay in aan halkaan joogo?” ayay Aniso
weydiisay Shiikh Kakane.
Shiikh Kakane waxa uu u rucrucleeyay gaarigii cabdi
bilaha ahaa. Shirka hore ayuu galay, shaagagii gaariga waxa ay
kiciyeen bus iyo siigo, il-biriqsina ku libdhay.
Aniso waxa ay luxday madaxeeda. Oo cabbaar sii
eegaysay gaarigii.
“Adduunyadaan wareer badanaa,” ayay Aniso is-tiri, “waa
wareer iyo cimri degdeg.”
Muxidiin wuu jiifaa. Aniso way jiiftaa. Waxa soo jeedda
Aniso hooyadeed. Way indho la’dahay. Wardigii Jimcaha ayay
akhrinaysaa—oo Suubanaha ku sallinaysaa. Waxa iyadana
beryahakan saaqay welwel ay ka qabto in xoog ama sasabasho looga
kaxeysto wiilka ay ayeeyada u tahay. Wiilka indhaha u ah.
Wiilka weesada u soo dhaammiya. Suuliga ku haga. Xaafadda
dhex-marsiiya. Suuqa uga soo adeega. Wiilka ay uga sheekeyso
nolosheeda beri-samaadkii iyo waayo waayo. Wiilka ay
jeceshahay. Cad ku yaallana ah.
Diiqii arooryaad markuu yeeray, Aniso way kacday,
Muxidiinna ka daba kacay. Waa irsaaqo-doon. Biibatadii ayay
isu diyaariyeen. Markii ay damceen in ay illinka ka baxaan,
ayaa waxa Muxidiin u yeertay ayeeyadiisa.
“Wiilyahow,” ayay Ayeeyadu tiri, “ha hilmaamin shukriga
Baariga Weyn.”
“Haye Ayeeyo,” ayuu Muxidiin yiri, “al-xamdu wal-shukru
lillaahi.”
“Qalbiga Ilaah ku haay,” ayay Ayeeyadu tiri, “Ilaahna
wuu ku xasuusan doonaaye.”
“Haye Ayeeyo,” ayuu Muxidiin yiri.
“Intaan noolahay kuguma ogi qori in aad qaaddid,” ayay
Ayeeyo tiri, “Ka carar dhiigga Muslimka ah. Ka carar
kitaab-gaablowga diinta ku dhuumanaya. Fitanta ka carar.”
“Haye Ayeeyo,” ayuu Muxidiin yiri.
Saa ayeeyadiisa inta soo haahaabatay, bay madaxa
gacanta ka saartay, dhunkatayna.
Muxidiin wuu baxay, hooyadiisoo bannaanka ku sugaysayna
ka daba tegay.
Sidii caadada aheyd, waxa ay Aniso xaaqday bannaanka hore ee
biibitada shaaha. Ka dibna biyo ayay ku rusheysay. Nashaad iyo
reynreyn ayaa ka muuqday. Waxa qoorta u surnaa tusbax dheer oo
ay isku soo hilmaantay.
“Muxiddiinow waxaan isku soo hilmaamay tusbixii
Ayeeyo,” ayay Aniso oo isla yaaban tiri, “markii aad shaaha
karisid baad u qaadi doontaa.”
“Haye, Hooyo,” ayuu Muxidiin yiri.
Muxidiin waxa uu gacanta ku haystay gaas iyo taraq.
Burjikihii ayuu shiday. Aniso iyo wiilkeedii oo wada shaqaynayo
ayaa waxa meel fog siigada ka soo kicinayay gaari cabdi bile
ah. Aniso way aragtay. Nabar naxdin leh ayaa caloosha ka
qabtay. Si hoosena Alle u weydiisatay magan-gelyo. Waxa
durbadiiba soo ag-istaagay cabdi bilihii oo ay siigadu daba
socoto. Waxa saaran Shiikh Kakane, iyo dhallinyaro hubeysan,
afkana ku duubtay cimaamado guduudan.
“Salaamu caleykum,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “Aniso iyo
wiilkaygow.”
Salaantii ayay ka qaadeen. Shiikh Kakane waxa uu ka
soo degtay gaarigii.
“Inaan wada-hadalno ayaan doonayaa,” ayuu Shiikh Kakane
yiri, “si degdeg ah.”
Aniso waxa ay eegtay wiilkeeda.
“Muxidiin orod oo buugga deynta sii fiiri,” ayay
amartay wiilkeeda, “hoosta ka xariiq ruuxii deyn naga qaba
isbuuc ka badan.”
Waxa ay Aniso u soo jeesatay Shiikh Kakane.
“Waan ku dhageysanayaa,” ayay Aniso tiri, “dantaada ka
hadal.”
“Waxaan kuu wadaa labo farriin,” ayuu Shiikh Kakane
yiri, “mid waa codsi urur, midna waa codsi shaqsiyeed. Labada
fariinna waa kuwo Allaah lagu raalli-gelinayo, Anisooy.”
“Wixii Ilaah raalli-gelinayo maxaan ku diideynaa?” ayay
Aniso tiri.
“Waxa ay mujaahidiintu dhibsadeen,” ayuu Shiikh Kakane
yiri, “in adigoo xijaab qaba oo ruux Muslim ah aad cadowga
Allaah u qidmeyso. Waxayna kaaga digayaan inaad shaah ka gaddo
gaalada iyo gaala-raaca. Farriinta shaqsiga ahna anigay iga
socotaa. Oo wiilkaygaan rabaa.”
Aniso calooshaa is-majiirtay. Si deggan ayay u eegtay
ciidankii saarnaa cabdi bilaha. Waxa ay misana eegtay
burjikihii oo kirli shaah ahi saaran yahay. Waxa ay deetana
eegtay Shiikh Kakane. Talo ayaa ku cad Aniso. Cabsi weyn ayaa
gashay. Gorgortan ayay billowday.
“Xal kale ma jiraana?” ayay Aniso cod dabacsan ku tiri.
“Arsaaqadaada Allaah ayaa haya, oo xalku waa sidaas,”
ayuu Shiikh Kakane yiri, “wiilkana diinta Allaah ayaan rabaa in
uu u qidmeeyo, oo dullinimo lama rabo—iyo jiko-fadhi.”
“Walaalow maad tacaddiga iga deysid,” ayay tiri Aniso
oo niyad-jabsan, “wiilka ma alaab meel iska taallo oo markii aad
doontid aad qaadaneysid baa? Keligey baan soo koriyay.
Akhlaaqdiisii anigaa ku soo dadaalay. Diintiisii anigaa soo
baray. Ciyaal-suuqnimada anigaa ka mashquuliyay. Oohintiisa
iyo qosolkiisaba anigaa garab-taagnaa. Miyaanan xaq ku laheyn
wiilka? Haddii aad rabtid waaba deynayaa shaah-kariska, oo
siyaalo kale ayaan quutul-yoonka u soo saaranayaa—laakiin ha igu
dhibin arrinta Muxidiin yare. Waa indhaheyga. Waa
laab-qabowsigeyga. Waa wehelkayga. Anigaa sagaal bilood
caloosha ku siday. Anigaa lix iyo toban sano soo korinayay.
Kama maarmo, ayeeyadiisana kama maaranto. Mana rabno in uu qori
qaado, oo uu ama wax dilo, ama la dilo. Isaga keliya ayaana
caruur ka haysanaa.”
“Anisooy ma hilmaantay kalaamkii Allaah?” ayuu Shiikh
Kakane yiri, “ma hilmaantay aayaddii uu Allaah ku sheegay in
ilmuhu ay yihiin fitno? Oo ay hawo iyo lex-jeclaysi ku
gelinayaan? Oo ay kaa mashquulinayaan diinta Allaah? Adigu
waxaad ka hadleysaa wax raqiis ah. Anniguna waxa aan ka
hadlayaa in uu u qidmeeyo Allaaha Weyn, Allaaha isaga abuurtay,
Allaaha subax walba na arsaaqa, Allaaha leh mulkiga caalamka
weyn. Waxaan doonayaa in uu mujaahidiinta wax la qeybsado, in
uu shahiidaan u taba-barayaa. Dantiisa ma garaneysid, ee iga
dhaaf xujada oo ha illoowin in aan aniguba wiilka aabihiisa
ahay.”
“Abuu Muscabow,” ayay tiri Aniso oo carootay,
“maan-gaab ayaad tahay. Ma waxaa fitno ah in aan wiilka ka
ilaaliyo in uu qori qaado? Mise waxa fitno ah in aan wiilka
baro in uu xooggiisa ku shaqeysto halkii uu isbaaro dhigan
lahaa? Mise waxa fitno ah in uu ayeeyadiisa camoolaha ah
weysada u shubo halkii uu dagaal-ooge kabaha u qaadi lahaa?
Maxaadse ‘Allaah’ carabka ugu bal-ballaarinaysaa adiga ayaaba
danbi iyo dulmi igu hayee? Mise magaca Abuu Muscab ayaad isu
moodday in aad la mid tahay Cumar bin Khadaab iyo Khaalid bin
Waliid? Mase ka fikirtay, wiilka miyaadan xitaa mustaqbal fiyow
oo fiican la rabin? Miyaadan tacliin sare la rabin? Soo naf
dhan oo nool ma’ahan? Soo horumar iyo waxqabad uma baahno? Soo
xaq kuguma lahan wiilku? Adduunkase ma waxaa loo keenay in uu
al-Shabaab ka mid noqdo? Mise in uu yaraanta ku laqmado? Aaway
noloshii kale? Aaway guurkii sunnada ahaa? Aaway tacabkii
xalaasha ahaa? Aaway Xajkii? Soo siyaabo kale uma noqon karo
Muslim dhab ah oo Ilaah agtiisa qiimo ku leh? Soo jihaad
ma’ahan in uu ayeeyadiisa cammoolaha ah u adeego? Soo jihaad
ma’ahan in uu hooyadiisa u adeego? Soo jihaad ma’ahan in uu
Muslimiinta ammaan siiyo? Soo jihaad ma’ahan in uu tacliin sare
barto? Soo jihaad ma’ahan in uu fitanta socoto ka dhex-baxo?
Mise meel kale ayaad ka buktaa oo waxa ku gubayso in lagu dhaho
wiilkaaga ayaa Amxaaro shaah ka gado? Walaalow awal ayay
noloshu qallafsaneyd, ee siyaado ha noogu darin.”
Waxa carooday Shiikh Kakane. Indhihiisaa guduutay.
Dhidid dhibco waaweyn ayaa ku soo istaagay. In uu Aniso
waxyeelleeyo qarka u taagan yahay. Misana wuu is-celinayaa. Ma
uusan nuuxnuuxsan. Ama dheh cabsi uu wiilkiisa ka cabsanayo.
Ama dheh in uu iska gadayo ragga la socdo. Ama dheh is-moodsiis
uu is-moodsiiyay in uu yahay Nebi Qadar oo kale maadaama
magaciisu yahay Abuu Muscab.
“Horey baan kuugu sheegay,” ayuu Shiikh Kakane yiri,
“hadalkaagu wuxuu u eg yahay hadalladii gala-raaca. Waxaad
badsatay dhageysiga borobagaandada gala-raaca. Iyo culumaa’u
suuw’ah. Haddii aan Abuu Muscab ahayna waxa aan ku dhaaranayaa
Allaaha Weyn ee nagu ciseeyay Jihaadka, Salliibiyiintana
gacanteenna ku dulleeyay, in aadan wiilkeyga borobagaando iyo
qiyaali ku korineynin. Wiilka waan kaa kaxeyn, oo aan
Allaahiisa barayaa, oo aan sidaasina Allaah ugu dhowaanayaa.
Waxaan rabaa inuu Muxidiin qaato shahaado uu ku qoray
dhiiggiisa, oo uu shahiid noqdo. Ma rabo sida aad sheegeysid
waxbarasho adduun oo shahaado been ah lagu qaatay. Waxbarashada
adduun soo ma ahan mid ka timid cadowga Allaah iyo
Salliibiyiinta? Soo Allaah ma oran awliyo ha ka dhiginina
cadowga Allaah? Sidee marka cilmi looga qaataa cadowga Allaah?
Cilmi gaalaad oo aan nafci laheyn? Kallaa wa alfa kallaa!
Waxbarasho uma baahna wiilkeyga—wuxuu u baahan yahay
shahiidnimo. Al-Shabaabna afka ha ku taagin. Waa muqaawamada
keliya ee xaqa ku taagan. Waa geesiyiin. Waa mukhlisiin. Waa
mujaahidiin. Waa muwaxidiin. Waa gaalo-naceyb. Waa
mucaskiriin. Allaah ayaa ku nimceystay in uu u doorto jihaadka
ay kula jiraan gaalada iyo gaala-raaca. Muxidiinna waxaan rabaa
in isagoo ceyrsanaayo Amxaaro iyo gaala-raac uu Allaahiisa
abuurtay la kulmo. Anisooy miyaadan Allaah ugu dhowaaneynin
wiilkaaga oo qori-qaad gaaray?”
“Su’aashu waa,” ayay Aniso tiri, “miyaadan Ilaah ugu
dhowaaneynin wiilkaaga oo qalin-qaad gaaray? Qori, Abuu
Muscabow, ma’ahanee waa qalin waxa uu wiilkeygu u baahan yahay.
Miyaadan maskaxdiisa curdanka ahee soo koreysa ku shubeynin
cilmi? Miyaadan bareynin xirfad uu wax ku tabcado? Xirfad uu
fursad ku sameysto? Xirfad uu xitaa sidii Nabi Daa’uud xalaasha
ku tabcado? Mise Nabi Daa’uudna waxaa Ilaah ka badiya
al-Shabaab? Maxaase Islaamka ay al-Shabaab sheegtaan ka dhigay
mid tacliinta la dagaalama? Mid jahligu ku badan yahay? Mid
nimanka la baxay Abuu Hebel keliya ay waxbarteen, dhallintana
aysan cilmi laheyn? Miyeysan sidaasi ahayn xaq-darro? Abuu
Muscabow jahliga ugu weyn waa markuu ruuxa Muslimka ahi yiraahdo
cilmiga maadiga ah wuxuu ka yimid gaalada. Waa jaahilnimo.
Miyuusan Ilaah Suuradda Iqra ku sheegin inuu ina baray waxaynaan
aqoon? Mise waxaad leedihiin waxa jira cilmi ay gaaladu
keensatay oo uusan Ilaah na barin? Subxaanah!
“Abuu Muscabow haddii aad Ilaah cilmi u leedahay lixiyo
toban sano anigoo xaaskaaga ah igama maqnaateen, wiil aan
keligey soo koriyayna markuu weynaaday damac kaama soo galeen,
Soomaalida kale dab kuma huriseen, hooyooyin agoonley ah oo
ilmahooda u soo xamaalanayo dhulka miino uguma aasteen, Muslim
taraawiix ka soo baxay ma qaarijiseen. Qubuuro culimadii
Soomaaliyeed ma aydaan soo qufi laheyn—culimadii diinka iyo
towxiidka aad ku macaansaneysaan idiin soo gaarsiiyay.
Nasiib-darro, dad meel kale looga gacan-haadinayo ayaad tihiin.
Maslaxo iyo nasteexo labaduba waad ku caarootaan. Mukhlis iyo
Muslimna waad colaadisaan, gaaleysiisaan, gowracdaan,
dhiiggiisana isku fooxisaan.”
Waxa uu Shiikh Kakane indhaha ku gubayaa Aniso, iyaduna
gar-naqsigeedii ayay sii wadatay.
“Abuu Muscabow, maan-gaabnimo waxa kuugu filan magacan
is-tuska ah ee Abuu-abuuga ah oo aadan fir iyo asal u laheyn,
qaasatan adigoo gumeyste Amxaar dhabarka u jeedinaya misana
iskuma aadan dhejiseen magac aadan dhaqan iyo hidde u laheyn.
Cuqubo waxa kuugu filan in markii magaca al-Shabaab la maqlo ay
Soomaalidu isku kaadiso sida Amxaaradaba looga kaadiyo—labo
xasad oo ay shacabku ku dhex-baseenna wada tihiin. Jihaadkiinnu
wuxuu noqday fasahaad. Dhiig Muslim ayaad ku daadisaan.
Cududda iyo midnimada Muslimka ayaad kala dhantaasheen. Wax dan
ah uma haysaan Soomaaliya.”
“Naa aamus,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “sheydaamad
waswaas iyo dood badanaad tahaye. Wadaadnimadii waad ka
tagtay. Allaahu Akbar! Mahad iyo ciso Allaah ayay u sugnaatay
aan iga dhigin kutubo-xoor adigoo kale ah.”
Waxa qososhay Aniso. Shiikh Kakane wuu yaabay. Oo
eegayaa Aniso.
“Kutubo-xoor?” ayay Aniso tiri, “anigaad kutubo-xoor
igu tilmaantay? Adiguna maxaad noqoneysaana? Yaah, Abuu
Muscabow adiguna maxaad noqoneysaa? Awliyo?”
Shiikh Kakane ma uusan jawaabin, oo gowsaha isla
dhacayaa xanaaq awgii.
“Dadku waa afar darajo,” ayay Aniso tiri, “markii laga
hadlayo cabsida Alle Weyne.”
Shiikh Kakane waa uu aamusan yahay. Oo Aniso
haruufayaa. Ciisheysan yahay.
“Dadku mid waa Ilaah-xambaarsane iyo
kutubo-xambaarsane; mid waa Ilaah-xambaarsane keliya; mid waa
kutubo-xambaarsane keliya; midna waa Ilaah-xoor kutubo-xoor ah.”
“Sixirleey aqsun-naas ah,” ayuu Shiikh Kakane ku
qeyliyay, “maxaad sheegaysaana?”
“Abuu Muscabow darajada koowaad waa ruux noqday
Ilaah-xambaare iyo kutubo-xambaare. Waa Muslimka si dhab ah
Ilaah qalbiga ugu haya, aqoonta Shareecadana cilmi u leh oo
kitaabada ka bartay. Ruuxa sifadaasi leh waxa ammaan ka hela
makhluuqa Alle, kalluunka badda ku jiraa u soo duceeya, waa
saalix la wada jecel yahay, Muslimiinta u danqada, u dhibriya,
oo waa Mukhlis, gar-soorkiisaa lagu kalsoon yahay, laqdabo iyo
beenna waa ka fog yahay. Waa lagu faanaa, ee lagama faano. Wax
ma ka taqaannaa taariikhdii Cumar bin Cabdulcaziiz?
“Abuu Muscabow darajada labaad waa ruux noqday
Ilaah-xambaare keliya, laakiin aan aqoon dheeraad ah u leheyn
cilmiga Shareecada. Waa sidii islaantii inta salaad u kacday,
iyadoo gacmaha kor u taagaysana tiri, ‘Sacaan madow Ilaahii
caano cad ka keenayoow Allaahu Akbar.’ Sida muuqata, islaantu
kutubo ma soo akhrisan, laakiin Ilaah ayaa qalbigeeda ku weynaa,
oo jaceylkiisa iyo cabsidiisa bay xambaarsaneyd. Ruuxa noocan
oo kale ah weli wuxuu leeyahay kheyr badan, inkastoo uusan cilmi
badan u laheyn Shareecada oo gef iyo qalad ka dhici karaan.
“Abuu Muscabow darajada siddexaad waa ruux
kutubo-xambaare ah. Ruuxan waxa uu aad u raacdaa cilmiga
diinta, waxa uu aad u yaqaannaa Quraanka iyo Axaadiista.
Laakiin, waxa aad ugu yar macriifada uu Ilaah u hayo, oo Ilaah
qalbiga kuma hayo, haddii uu sama-fal sameynayo wuxuu u sameeyaa
dadka ay isku xulufada yihiin, wixii isaga ka duwanna wuxuu u
arkaa gaalo ama bidco ama gaala-raac. Markuu hadlayo wuxuu u
hadlaa sidii in uu dadkoo dhan ka saxsan yahay. Ka fiican
yahay. Ka caqli badan yahay. Wuxuu xujo iyo daliil u soo
qaataa si qalloocan. Waa maan-gaab. Fikirkiisu wuu hooseeyaa.
Waa sidii kuwii dilay wiilkii uu calayhi salaatu wasalam Nebi
Muxamad awoowaha u ahaa, oo saas ay tahayna culimada weydiiyay,
‘Dhiigga kaneecada ma xalaal baa mise xaaraan?’ Oo ay culimudana
ku jawaabi jirtay, ‘Dhiiggii wiilkii uu Nebigu awoowaha u ahaa
baad xalaashateenne oo aad disheenne muxuu idiinku fadhiyaa
dhiigga kaneecada?’ Abuu Muscabow qolyahan kutubo-xambaarta ah
waa kuwii uu Nebigu yiri diinta uma dhaafto kalxamaha—caleyhi
salaatu wasalaam. Lagaba yaabaa in ay dadka ka cibaado iyo
salaad iyo Quraan akhris badnaadaan. Ogowse, fikirka iyo
fasahaadka al-Shabaab waxa uu ka tarjumayaa qolyahaan
siddexaad. Waaqaca ayaana ka marqaati ah.
“Abuu Muscabow darajada afaraad ee ugu liidata waa ruux
Ilaah-xoor kutubo-xoor ah. Ilaahna ma yaqaanno, cilmina uma
lahan Shareecada Islaamka. Kaasoo kale waa luggooyo socota.
Waa jaajuuska. Waa culimo-iibayaasha. Waa gacan-ku-dhiiglaha
iyo dagaal-oogaha. Abuu Muscabow, bal miisaankaa adigu isa
saar. Midse waan kuu hubaa, hab-dhaqankaagu kuma gaarsiin
darajada ruuxa koowaad, ama darajada ruuxa labaad. Macriifada
Ilaah ruuxa ay ku dheertahay ammaan ayaa laga helaa. Taa iga
qor.”
“Anisooy tusbaxna qoorta wuu kuugu jiraaye,” ayuu
Shiikh Kakane yiri, “ma suufiyadaad ku biirtay oo waxaan kugu
soo akhriyay? Awalba waan kaa shakisanaa.”
“Maskax-yaraanta aan hadda sheegayay bay ka mid tahay,”
ayay Aniso tiri, “inay kaaga dhegto tusbax qoorta iigu jiro,
adiguna aad arki la’adahay denbiga qoorta kuu suran. Denbiga
aad iga gashay—iyo midka aad haddaba iga galeysid ee ah inaad
rabtid inaad iga fara-maroojisid wiilkeyga aan sidii agoonka u
soo koriyay. Weligaase naftaada ‘Uf’ ma ku tiri? Mise ceeb
islama lihid? Oo mujaahid isu aragtaa? Abuu-abuu ah?”
“Macallinkaaga inaan ahaa ogow,” ayuu Shiikh Kakane
yiri, “caasiyad waaxid.”
“Wuu mudan yahay in lagu caasiyo,” ayay Aniso tiri,
“macallinkii ku caasiya macallimiintiisii iyo mashaa’ikhdiisii
diinta soo gaarsiiyay. Maxaa yeelay nin macallinkiisii caasiyay
waa nin Nebi Muxamed ku caasiyay. Nin rasuulka ku caasiyeyna
waa nin Kariimka ku caasiyay. Nin Ilaah ku caasiyayna anigu
waan ku caasiyay.”
“Allow suufi iyo suntooda naga qabo,” ayuu Shiikh
Kakane yiri, “waa kuwan igu diray gabadhii aan diinta soo
baray. Allow bidcada iyo shirkiga gacanta al-Shabaab ku suuli.
Allow!”
“Abuu Muscabow run ma isu sheegnaa?” ayay Aniso tiri,
“guusha jihaadka waxay ku jirtaa ducada suufiyada. Ebed guul
iyo aflax indho ma saareysaan inta aad culimadii suufiyada
fogeeyneysaan, qubuurihii mashaa’ikhda faganeysaan, intii iyaga
ka noolna aad fara-saareysaan. Guusha jihaadka ma ahan qoriga
caaraddiisa keliya, ee waxa ka mid ah ducada ka qoyan carabka
suufiyada. Taa iga qor. Laakiin taa ma garan karo maan-gaab
adigoo kale ahoo isla weyn.”
“Caayda iga dhaaf Anisooy,” ayuu Shiikh Kakane yiri,
“yaadan u dhiman,e.”
“Haddii aan al-Shabaab aqoon u leeyahay,” ayay tiri
Aniso oo quusad ah, “ceeb kuguma ah in aad igu dhufatid shaabad
ah ‘gaala-raac’, deetana aad dhiiggeyga xalaaleysatid iyo
dilkeyga si aad wiilkayga u kaxeysatid. Laakiin mid aan kuu
sheego, anigu kafanteyda waan sii toshay, qabrigeygana waan sii
qotay, dardaaranna waan sii qoray. Ima gaadeysid. Dhimasho
diyaar baan u ahay. Nolol iyo geerina wiilkeyga lama rabo in uu
galo fitnada ka socota Soomaaliya. Abu Muscabow mid kalena aan
kuu sheego: waa inoo Wejiga Ilaahey iyo Xisaabta aakhiro.
Gar-yaqaan waa Ilaah. Jalla wa calaa.”
Qore: C/Laahi Jano
Fadlan wixii talo iyo tusaale ah iimelkan iigu soo hagaaji:
buugiyoqalin@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan