SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Bahda Sport-iga Soomaalida Waqooyiga magaalada London oo xaflad taageero iyo soo dhawayn ugu samaysay Duran Farah magaalada London.

London 30/03/2009. Bahda Isboortiga Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga magaalada London ayaa waxay habeen hore ku qabteen maqaayad ku taal jidka dheer ee Seven Sisters Road xaflad, xafladaas oo ay ku soo dhawaynayeen isla markaana ku taageerayeen Mudane Duraan Faarax oo dhawaan magaalada Jabuuti loogu soo doortey inuu noqdo Ku xigeenka kowaad ee GOS.

Xafladaasi waxaa soo agaasimay isla markaana gacan weyna ka gaystey dhalinyarada ama ciyaalka xaafada Waqooyiga London sida uu i sheegay ciyaaryahan hore Daysane oo ka mid ahaa dadkii igu marti qaaday inay ka soo qayb galo xafladatan.

Xaflada ayaa waxaa goob joog ka ahaa isla markaana ka hadlay marti sharaf lagu casumay cashada iyo dhalinyaradii soo qaban qaabisay, kuwaas oo ka koobnaa ciyaartooydii hore Soomaaliya, Garsoorayaal, taageerayaal iyo dhalinyarada xaafada Bruce Grove sida :

Mohamed Daysane, Zakariye Mohamed Baliile, Mohamed Ciise Digeeye, Muriidi Abanur Abati, Mohamed Faaqid Cali, Dr. Cabdiraxmaan Cunaaye, Abaliisha, Garsoore Abdi Kaysane, Yassin Ali Qoryoolay, Axmed Mohamed Baliile, Mohamud Qaliif, Libaan Muse Shareeco, Cali Xabad, '' Cali Shabeel'', Abdulahi Amir, Xusen Mohamed Abuna, Ilyas Macalin Muse, Xaaji Ciise, C/qaadir Salad Hassan Yusuf Yusuf iyo Duran Farah.

Ugu horeyntii waxaa halkaas ka hadlay mudane Mohamed Ciise Digeeye oo ka mid ahaa taageerayaashii waawaynaa ee kooxda Jeenyo LLPP, isagoo warbixin ka siiyay marti sharafka kulanka cashada caawa isla markaana ka sheekeyay wax qabadkii mudane Duran Farah uu ka qabtey Soomaalida Waqooyiga magaalada London iyo kaalinta muuqda ee ururka Alhijra uu ka gaysto wax u qabashada jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafada, isagoo si gaar ah u xusay in xaafada North London dhalinyaradii ku noolayd in kuwa badan ka mid ahi ay ka badbaadeen inay suuqa galaan oo noqdaan kuwa xabsiyada maanta ka buuxa, sidaa daraadeedna Kooxda Alhijra waa ku amaanaynaa wax qabadka xaga dhalinyarada iyo saacidida dadka Soomaaliyeed ee howlaha ay kaga baahdaan hay'adaha magaalada, isagoo si gaar ah u xusay Macalin Mohamud iyo Mudane Cumar oo ka tirsan ururka Al-Hijra Somali Community, kana codsaday inay kaalintooda shaqo ee urureed inay sii labo laabaan, waxaana halkaan ka cadaynaynaa inaa garab taagan nahay isla markaana siin doono taageero hiil iyo hoo mudane Duran Faarax ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Digeeye.

Waxaa iyana meesha ka hadlay mudanayaashan hoos ku qoran waxayna ka yiraahdeen xaflada:

Dr C/raxmaan Cunaaye ''Waxaan ka mahadcelinayaa xafladan cashada ah dadkii soo qaban qaabiyay isla markaana ugu hambalyaynayaa mudane Duran Farax, Wiish iyo Tarabi.

Jir caafimaad qabaa ayaa maskax caafimaad qabta ku jirtaa, marka waxaa muhiim ah inaan xooga saarno in dhalinyarada Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool in loo diyaariyo inay dalkooda matalaan kana qayb galaan tartamada caalamiga madaama ay haystaan ama ka fursad wanaagsan yihiin kuwa dalka ku nool ee aanan heli karin nafaqada jirkooda u baahan yahay, madaama 3d-dii waqtiba aysan awoodin inay helaan loogana baahan yahay in jirkooda helo nafaqooyin kale duwan si ay garoomada caalamka wax kula qaybsadaan ciyaartooyda kale ee haysta dal iyo dowlad shaqaynaysa isla markaana nabadgalyo ku nool, marka waxaan aniga dhihi lahaa ha laga shaqeeyo sidii dalka iyo gudaha la iskugu xiri lahaa ayuu yiri mudane DR.Cunaaye oo ka mid ahaa taqaatiirta Isboortiga dalka Soomaliya ama kooxaha Qaranka Soomaaliya.

Mudane Cabdi Kaysane oo ka mid ahaa garsoorayaashii kubada kolayga dalka Soomaaliya todobaataneeyadii isla markaana ahaa garsoorihii qabtey ciyaartii ugu horeysay ay ciyaarayaan kooxaha Horseed iyo Kooxda Orfane ayaa ku bilaabay hadalkiisa run ahaantii muda ayaan ka maqnaa goobaha Isboortiga caawana farxad weyn bay itahay waana ka mahad celinayaa dadkii soo agaasimay isla markaana u hambalyaynayaa Duran Faarax, balse waxaan kula dardarmayaa inuu ka soo baxo howsha Qaran isla markaana ka fogaado waxyaabaha xun xun ee dhaawici kara magaciisa,sida lacag iyo musuqmaasuq meel ay ku gaarsinayso ma jirto, marka magac ka samayso Sports inta aad xilka hayso iskana ilaali magac xumo adoo dib u eegaya kuwii ka horeeyay ee lacagta iyo magac xumada kala harey Sports, run ahaantiina waxaan la yaaban nahay in dad Soomaaliyeed oo caawa halkaan isugu yimid inay nin Soomaaliyeed dhahaan hambalyo waana ku taageeraynaa ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay mudane Cabdi oo aad moodaysay inuusanba la soconin Sports Soomaaliya meesha uu ka deganaayo''.

Mudane Daysane '' ayaa isna hambalyo iyo tageero weyn ka muujiyay goobta iyo sida ula dhacsan yahay mudane Duran Faarax howsha u hayo, halka Mudane Zakariye Baliile uu taa kaga aragti duwanaa, isagoo yiri aniga waxaan qabaa inaan dalka waxba laga qaban karin inta Dowlad rasmi oo sugta amaanka guud soona celisa nidaamka iyo kala dambaynta la helin, waxana u tusaale u soo qaatay in garoomada Qaranka ay gacanta ku hayaan dad awood ku haysta isla markaana u isticmaala danahooda qaaska ah, aniga waxaan ka imid dalkii run ahaantiina waana la socdaa waxyaabo badan oo aanan dhamaanteen waxba ka qaban karin Duraana waxba ka badali karin ilaa Dowlad la helana waxbadan ma qabo in laga badali karo xaalada dalka marayo, ninkii xataa waxbarasho dibadeed loo helo xataa kuma noqonaayo dalka iska daa fursada waxbarasho u qaato inuu dib ugu celiyo halkii uu ka yimid madaama qof nolol raba uusan dalka ku noolaan karin dalka Soomaliya ayuu yiri Zakariye oo aad moodaysay nin xog ogagaal ah oo aan dhib ku haynin arimaha murugsan iyo lolanka Sports Soomaaliya ee maanta, waxaan sii su'aalay mar aan ka wada hadlaynay qilaafyada ka socda Sports dalka iyo dibadaba waxana u i yiri '' Aniga qofna kama soo horjeedo qofna lama jiro waayo waxaan tusaale ku siinayaa kuwii shalay Duran ka soo horjeeday ee caayay maanta kuli waxay hoosta ka galeen GOS, iyagoo xilal cusub sheeganaya kuwii shalay taageersanaa caawa halkaan ma joogaan oo waa mucaarad marka aniga ma i waali karaan nin xil raadis ah oo wax ku doonaya waxa u sheegayo oo hadhoowna kaga dheeraynayo meeshii uu mucaaradayay shalay ayuu si cad u yiri Zakariye Baliile oo ka mid ahaa ciyaartooydii kooxda Muqdisho iyo xulka Qaranka Soomaaliya, mana doonaya inaan kaligay is wareeriyo ilaa la helo dowlad shaqaynaysa waayo qof xaalada wax ka badali karta ma jirto walaa GOS iyo kuwa kaleba''.

Mudane Muriidi Abanur Abati laacibkii kooxda Madbacada iyo xulka Qarankii Soomaaliya ayaa isna ka mahadceliyay xafladatan isla markaana u hambalyeeyay mudane Duran, waxaan halkaan ka sheegaya inaan gacan weyn ka helay walaalkay Duran markii aan dalka imid isla markaana uu ii direy SCHOOL-ka si aan shahaado macalinimo kubada cagta u soo qaato, Allah mahadiis waan soo qaatey waana ku shaqaystaa waxaana macalin u ahay kooxo gaaraya ilaa 4 qaybood oo caruur Soomaaliyeeed, waxaana taageerayaa walaalkeen Duraan waxaana jeclahay inuu uga soo baxo xilka ama shaqada si wanaagsan ayuu yiri Maradoonihii Soomaaliya laacibka MBC Muriidi.

Intaas kadib waxaa xaflada ka hadlay mudane Duran Farah ku xigeenka kowaad ee GOS, waxana u yiri caawa ma hadli karo qiirada iyo farxada munaasabadaan ay i qabteen saaxiibada qaaliga ah ee ku nool Waqooyiga magaalada London, waana ka mahadcelinayaa run ahaantiina wax weyn bay i tahay inaan caawa meel la fariisto ragii Sports Soomaaliyeed gudaha iyo dibadaba laga yaqiinay.

Magaca iyo xilkaba waxaan ku helay shaqadii aan reer North London isla qabanay, waana waajib inaan dadkeena wax u qabano iyo inaan dhalinyaradeena ka badbaadino xabsiyada iyo dagaalada , marka waxaan doonayaa inaan idinka rabo inaa i saxdaan hadii aan qaldanahay oo aad dhahdaan qaladkaas ka joog, taasna raac hadii aan saxanahay i taageertaan isagoo soo qaatay xadiiska Rasuulka SCW ee qeexaya waajib ahaanta qofka lagu waajib yeelay inuu u hiliyo qofka walaalkiis sax iyo qaladkaba.

Calanka Soomaaliya meelo badan waa la geeyay, 20 sanadood kadib waxaan filayaa inaan anagana degnay dalalkaan waxaa loo baahan yahay in hada iyo wixii ka dambeeyo calanka la daafaco wax tayo lehna aan qabano, waxaana waajib weyn naga saaran hadii aan nahay reer London inaa u diyaar garoowno sanadka 2012 cayaaraha Olympics ee lagu qaban doono magaaladan oo aan si weyn ugu nool nahay, hadii aan nahay jaaliyadii Soomaaliyeed, waa inaan iskaashana gudaha iyo dibadaba, wixii qalad ahna diyaar baan u nahay inaan saxno qalad badan waa jiraa marxaalada dalka ku sugan yahay awaadeed, laakinse waxaan isku dayi doonaa inaa wax qabto isla markaana isbadal samayno ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay mudane Du Farah.

Waxaan xusid mudan in Duran Farax uu ka warbixiyay qaabka doorashada Jabuuti loo qabtey iyo qaabka loo codeeyay, taasoo saxaafada Soomaalida iyo bahda Sports dalka iyo dibadaba ka keenen su'aalo aan weli jawaabtooda loo helin markii doorashada ka socotey dalka Jabuuti, hasa yeshee waxa uu Duran yiri qofkii in wax laga sheego aan rabin ama diyaar u ahayn shaqada u maanta xilkeeda u dhaartey oo uu gurigiisa iska joogi lahaa, wax lagama sheegeen balse isaga diyaar u yahay dhaliil iyo sixid dhiirigalin leh, kadib markii Daysane uu u qaatey wararkii aan ka qorey qaabka doorashada GOS ee Jabuuti u dhacday iyo mowqifka aan ka taagan nahay, Aniga iyo Duran xurguf naga dhaxayso, taas oo aad moodo in dadka Soomaaliyeed aysan fahamsanayn in qofkii xilka u qabta dad iyo dal in lagula xisaabtami karo isla markaana la sheegi karo sax iyo qalad waxa u sameeyo qof ama urur u ka tirsan yahay.

Dhamaan dadkii ka soo qayb galay xaflada cashada iyo soo dhawaynta xambaarsan taageerada Gudoomiye ku xigeenka GOS mudane Duran Faarax oo ku dhamaatey farxad iyo rayrayn iyadoo halkasi lagu dardarmaanay loona sheegay dhaliilaha ururka uu ka tirsan yahay, isna uu balan qaaday wax qabad iyo isbadal deg deg ah.

Dhan kale xafladatan ayaa noqonaysa xafladii ugu horeysay ee lagu soo dhaweeyo maamulka cusub ee GOS garabka Jabuuti ee u hogaamiyo Mudane Aden Xaaji Yabarow '' Wiish''.

Doorashada GOS ee lagu qabtey dalka Jabuuti ayaa dadka Soomaaliyeed intiisa badan ee ku nool gudaha iyo dibada laga soo dhawayn isla markaana cambaaaryn iyo shaki badan laga qabaa qaabka loo maareeyo howlaha GOS ee Soomaaliya.

Waxaana GOS lagu eedeeyaa inay ku fashilantey inay maamulkeeda iyo wax qabadkeeda ku baahiso gobalada dalka Soomaaliya oo dhan halka ay ku koobtey howsheeda xaafada Cabdul Casiis ee Muqdihso iyo shirar laga qayb galo isla markaana wax muuqda ka qabato horumarinta Isboortiga dalka Soomaaliya.

Maamulka GOS ayaa haysta aqoonsi caalami ah halka uusan taageero iyo kalsooni ka haysan dadka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan, waxaana lagu eedeeyaa inay maamulaan rag isku xiran oo meesha ugu afduuban tahay qaab ka baxsan nidaamka Isboortiga iyo Soomaalinimada,isla markaana aanan tixgalin siinaynin dadka wax badan Isboortiga Soomaaliya ka qaban kara ee ku nool gudaha iyo dibadaba.

Todobaadkaan aaqirkiisa waxaa magaalada London lagu qaban doono Galbeedka magaalada London shirkii ugu horeeyay ay yeeshaan ururka Dib u xoreynta iyo dib u sixida Isboortiga dalka Soomaaliya, shirkaas oo ay ka soo qayb gali doonaan dad magac ku leh Sport dalka Soomaliya iyo saxaafada xorta ah, wixii ka soo baxabana qoraaladayda dambe ayaan ku soo qori doonaa hadii Eebe idmo.

W/D: Yusuf Yusuf

Sports Editor of SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

London

Faafin: SomaliTalk.com | March 31, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS