SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kulan Dhexmaray Wafdigii Puntland iyo Jaaliyadda Puntland ee ku dhaqan Dalka Kenya. 
 

Kulan aad loogu gorfeeyey Isbaddelka Siyaasadeed ee Maamul Goboleedka Puntland iyo sidii Jaaliyadda Dibaddu ay uga qayb qaadan lahaayeen, una taageeri lahaayeen, ayaa waxaa lagu qabtay hotelka “Lenan Mont” oo ku yaal bartamaha magaalada Nairob, Kenya, Galabtii Axadda, March 22, 2009.

Shirkaas oo ay ka soo qaybgaleen Ganacsato, Aqoonyahan iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda degaanada Dawlad Goboleed Puntland, ayaa warbixino iyo xog-waran dhab ah oo ku saabsan Isbeddelka Siyaasadeed iyo kaalinta qurba joogta Puntland kaga Jiraan horumarka iyo dib-u-dhiska dalka, waxaa halkaas ka soo jeediyey wafdigii ka socday Maamul goboleedka Puntland oo maalmahan ku sugnaa caasimadda dalkan Kenya ee Nairobi. 

Agaasimaha Guud ee Bankiga Ganacsiga Puntland, Mudane Hersi Caddaysey, oo tan iyo aasaaskii Puntland, 1998, ku sugnaa dalka gudihiisa, ayaa ka warbixiyey heererkii kala duwanaa ee ay soo martay dawlad Goboleedka Puntland, xag Nabdgelyo, xag dhaqaale, bulsho iyo mid siyaasadeedba.  Mudane Xirsi Caddaysey, waxuu qiray, in wax badani qabsoomeen, wax badan oo la rabay inay qabsoomaanna ay qabsoomi waayeen, daruufo jiray awgood. 

Mudane: Ducaysane, oo si gaar ah ula hadlayey qurba-joogta Puntland meel kastoo ay joogaan, ayaa dulucda hadalakiisa waxuu hal-ku dheg uga dhigay “Puntland First”. Waxuu ku booriyey Aqoonyahan Qurba joogta Puntland inay dalka dib ugu soo laabtaan, kana qayb qaataan dib u dhiska iyo horumarka dalka “Qurba Joogtu waa xubin aad muhiim u ah, waa laf-dhabarka dhaqaalaha dalka. Waxaa la gaaray xilligii aqoontiina loo baahna inaad dalka iyo dadkaba uga faa’iideysaan”. 

Xildhibaan Hirsi A. Oog, oo isaguna hadal qiimo leh halkaa ka soo jeediyey, ayaa kula dardaarmay dadkii shirka ka soo qayb galay iyo guud ahaan Jaaliyadda Puntland ee Qurba joogta ah, Inay cududooda, maskaxdooda, iyo maalkooda mideeyaan una huraan horumarka Dawld goboleedka Puntland. 

Waxaa kaloo goobtaas ka hadlay, Mudane: Abdullahi Ali Farah (Fuudhe), oo ka mid ahaa qaban qaabiyayaashii shirkan, Mudane: Mohamud Osman Aden (Edson), iyo Hareed Hassan Ali oo ah Xildhibaan ka tirsan Federlka, dhammantoodna waxay qireen muhimadda shirkan, iyo inay waajib tahay in qof waliba kaalintiisa kaga aadan horumarinta iyo dib u dhiska Puntland u guto si daacadnimo ah.

Ugu dambayntii, wafdiga ayaa kula dardaarmay Ganacsatada Puntland ee Kenya, inay:

Samaystaan dallad ay ku midaysan yihiin, Wafuud u soo diraan dalka, soona qiimeeyaan xaaladda dhabta ah ee dalka ka jirta, inay Dalka maalgashadaan, shaqona abuuraan, iyo inay kaalintooda buuxiyaan. 
 

Shirkaas ayaa ku dhammaaday jawi wanaagsan iyo is-afgard.

 C/risaaq Maxamed dirir
 jaaliyadaha Puntland ee qurbaha
Nairobi

Faafin: SomaliTalk.com | March 31, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS