SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Hay’adda CDHR oo u qabatay siminaar qaybaha kala duwan ee Bulshada

Sawirada oo dhan halkan ka daawo

Siminaar mudo saddex maalmood u socday qaybaha kala duwan ee bulshada sida Warbaahinta, Ardayda Jaamacadaha, Odoyaasha Dhaqanka, Dhallinyarada iyo Haweenka ayaa lagu soo gebagabeeyey Hotel Saxafi Two ee Magaalada Muqdisho, waxaana siminaarkaasi lagu baranayay waxyaabaha kiciya colaadaha iyo sida loo xaliyo, waxaana isku soo dubariday Hay’adda CENTER FOR DEMOCRACY AND HUMAN RIGHTS (CDHR) waxaana dhinaca dhaqaalaha ka kaalmeeyey hay’adda NATIONAL ENDOWMENT FOR DEMOCRACY.

Siminaarkaan intii uu socday waxaa cashiro ka bixinayay Ustaad Xirsi Xaaji Culusow, waxa uuna ku dheeraaday mudaddaa saddexda maalmood ah qaabka lagu xalin karo khilaafaadka iyo waxyaabaha keeni kara in colaado abuurmaan, waxa uuna sheegay in dhibaatada Soomaaliya ka taagan ay inteeda badan tahay mid dano gaar ah ay huwan yihiin iyadoo meesha ay ka maqan tahay wixii dhabta ahaa ee loo dagaalamayay.

Intii uu siminaarka socday ayaa waxaa ka qaybgalayaashii dhex-martay dood aad u dheereed, kuwaas oo si aad ah u lafaguray, waxyaaba keena xasaradaha iyo sida loo xalin karo, xubnihii ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa Ustaad Cabdalla Macallin Max’ed oo isna sheegay in dhibtaada Soomaaliya ka taagan haatan ay tahay mid ka maqan waxyaabihii loo dagaalamayay, ha noqo diin ama wax kale, waxa uuna sheegay in dhibaatada looga bixi karo iyadoo meel la iska dhigo danta gaar ahaaneed loona soo jeesto midda guud.

Basro Xuseen Daa’uud oo iyana ka socotey Hayadda ACCESS oo tababartka fududeyneysey ayaa iyana ku dheeraatay falanqeynta sida loo xalin karo dhibaatada Soomaaliya, waxayna sheegtay in shacabka looga baahan yahay in dantooda gartaan.

C/Naasir Macallin Yuusuf oo ka mid ahaa xubnihii mas’uulka ka ahaa siminaarkaan ayaa waxa uu sheegay in Hay’adda CENTER FOR DEMOCRACY AND HUMAN RIGHT ay qabatay siminaaro fara badan, kana uu ka mid ah yahay siminaaradaas, waxa uuna ku sheegay ujeedada siminaaradaan loo qabanayo ay tahay sidii loo heli lahaa dad u bisil habka ka shaqeynta dowlad wanaaga iyo nabadda, waxa uuna sheegay in siminaaro kale loo qaban doono qaybaha kala duwan ee bulshada, waxa uuna siminaarkaasi ku soo gebagaboobay sidii loogu talagalay.
 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | March 31, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS