SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Midowga afrika oo dowlada soomaaliya ugu deegay 1 million oo dollar.

Wadamada Midowaga Africa ayaa lacag gaareeysa 1-milyon oo dolar ugu deeqay dowlada kmg Soomaaliya taasi oo loogu talagalay dhismaha ciidamo qaran oo ay yeelato dowlada ee Soomaaliya.



Ergayga gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Bwakira oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha dkmg Cumar C/rashiid Sharmaa’arke iyo qaar ka tiran golaha wasiirada dowlada horayna uu ula kulmay madaxweynaha dowlada Soomaaliya Shiikh Shariif sheikh Axmed ayaa waxaa uu sheegay in lacag gareeya 1-milyon oo doolar ay ugu deeqeen dowalada kmg si ay u dhisato ciidamo qaran oo soo celiya ammaanka iyo kala danbeeyntii dalka soomaaliya

Nicholas Bwakira ayaa sidoo kale u sheegay ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadda in shir lagu qaban doono 22-aprile magaalada Brussels dhaqaale loogu aruurin doono Soomaaliya si looga kaalmeeyo arimaha ciidamada iyo nabadeeynta.

“Waxaan labadii maalin ee u danbeeysay kulamo la lahaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dowlada kmg oo aan maanta la kulmay waxaana aan soo gaarsiinay hal Milyan oo doolar si dowlada ay ciidamo ugu dhisato” ayuu yiri Nicholas Bwakira.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha dowlada kmg Cumar C/rashiid Sharmaa’arke ayaa sheegay in lacagtaasi la soo gaarsiiyay ay ku dhisayan ciidamo awood leh si ay u fududaato waqtiga ciidamada AMISOM ay joogi lahaayeen gidaha dalka Soomaaliya.

Lacagtani loogu deeqay in ciidamo ay ku dhisato dowlada kmg ayaa waxaa ay imaaneysaa xili dowlada ay sheegtay in ay u baahan tahay ciidamo awood leh oo ay dhisato isla markaana wasiiro arima dibadeedyada wadamada Carabta shirkii ay ku yeesheen dalka Qadar ay dood kulul ka yeesheen arimaha Soomaaliya iyo qaabka ugu fudud ee dhaqaale loogu deeqi karo

JOINT COMMUNIQUE BETWEEN THE TRANSTIONAL FEDERAL GOVERNMENT OF SOMALIA AND AFRICAN UNION COMMISSION

The Special Representative of the AUC Chairman for Somalia (SRCC), Mr. Nicolas Bwakira paid a visit to Mogadishu from 29 – 30 March 2009.

During the visit, he met the President HE Sheikh Sherrif Sheikh Ahmed, the Prime Minister HE Omar Abdirashid Ali Sharmarke and members of the Council of Ministers of the Transitional Federal Government of Somalia and discussed matters related to the implementation of the peace process in Somalia.

The AU Special Representative was briefed and appreciated the work done by the government towards furthering reconciliation, improvement of security and institutional building especially in Mogadishu.

At the end of the visit, the TFG and AU Commission signed a Memorandum of Understanding aimed at building and funding the national security forces in Somalia. The spirit is to develop integrated and harmonized national forces in pursuit of the Djibouti agreement.

The Special Representative expressed his gratitude to the Transitional Federal Government of Somalia for the warm reception accorded to him and the continued cooperation between two parties.

He pledged full commitment for further cooperation with the government and people of Somalia towards the restoration of peace and stability of the brethren people of the republic of Somalia.

The Transitional Federal Government thanked to the AU Commission for its continued support towards peace, security and stabilization of Somalia.

The Transitional Federal Government looks forward to consolidate its cooperation with the AU Commission in areas identified in the Memorandum of Understanding.

DONE IN MOGADISHU ON 30TH OF MARCH 2009

ON BEHALF OF AU COMMISSION ___________________

ON BEHALF OF

TRANSITIONAL FEDERAL GOVERNMENT__________________



Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666


 

Faafin: SomaliTalk.com | March 31, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS