SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Roobabkii Gu'ga oo ka curtay Soomaaliya iyo Hogal lagu diirsaday oo heshay Magaaladda Laascaanood

Waxaa galabta (Isniin) ilaa fiidinimadii Caawo Magaaladda Laascaanood Maasheeyey Roob lagu diirsaday iyada oo ay dhawaantan Biyo yaaran laga dareemayey guud ahaan gobalka Sool ayaa waxa muuqata in durba uu bilawday Gu’gii xiligan



Roobkan ayaa si weyn u biyo dhigay magaaladda laascaanood sidoo kalena is socodka dadweynaha ayuu xanimay muddo kooban. Hadan marka roobku da’o waxaan jirin Biyo mareeno biyaha qaada waxayna biyuhu fariistaan Wadooyinka kuwaas xaniba inta badan dhaqdhaqaaq magaaladda.

Roobabka Gu’ga ayaa waxa ay sanadihii u danbeeyey ahaayeen kuwa Da’a bisha shanaad ee sanadka balse xiligan ayaa waxa uu noqonayaa mid ka soo hormara Curashadda, Roobabkan ayaa waxa ay ku soo beegmayan xili gobalo badan oo Soomaaliya ah ay ka taagan yihiin Abaaro iyo waliba Shuban Biyoodyo.

Cabdiqani makhtal Laascaanood Sool
0025290637448
cmakhtal@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 31, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS