Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer "…Dhalin yaradii Timidna, Meel Banaana
Bey Heleen oo Wey Joogaan, Waxayna Sugeen Nabadgelada Deegaanka Baydhabo … "
Wareysi Dhinacyo Taabanaya Kala Duwan
Xildhibaan
Sh. Aadan Madeer oo ka mid ah Xildhibaanadii hore ee TFG-da, islamarkaana kasoo
ahaa Xukuumadii TFG-da mar Wasiir, ugu dambeyna ahaa Wasiiru dowlo oo aan
wareysi dhinacyo kal duwan taabanaya kula yeeshey Hoteel Banaadir ee caasimada
dalka Jabuuti 29/03/2009-ka ayaa ka hadley sida uu u arko dowlada cusub iyo
dowladii ka horeysey, dagaaladii mudooyinkan ka dhacayey Gobolada Baay iyo
Bakool iyo Mowqifka Culimada Soomaaliyeen, isagoo arimahaasi ka hadlaya
Wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabey "waa markii labaad oo aad wareysi
iga qaado, laga soo bilaabo markii aan ahaa Wasiirka Dibu-heshiisiinta iyo
Jaaliyadaha Dibadda, hadana anigoo ah Xildhibaan ayaad ila kulantey, waana kaaga
mahad celinayaa, hadii aan usoo noqdo jawaabta su’aashaada, Rajadeydu aad bey u
sareysaa, waxaana aaminsanahay in wixii hore laga bixidoono, Nabadgelyadana wax
badan ka bedelidoonto Dowlada cusub iyo xaga isu soo dhawaanshaha, rajadaasna
ilaahay ha inoo xaqiijiyo.
S;- hore waxaad u ahayd Wasiirka Dibu-heshiisiinta iyo Jaaliyadaha Dibadda,
marna waxaad ahayd Wasiiru dowlaha Qorsheynta, marka aad eegto caqabadihii kala
duwanaa ee idiinla soo dersey ee aad ku jirtey xukuumada iyo caqabadaha hor
yaala xukuumadan cusub is barbar dhig ku samee?.
J;-Dowladii lagu soo dhisey Kiiniya sidaad sheegtey Wasiir baan ahaa, waxaana ku
guuleystey inaan dhiso Gudiga dibu-heshiisiinta Qaranka hada dhisan iyo xeer
hoosaadka uu ku shaqeeyo, waxaana ka soo ansixiyey Golaha Wasiirada iyo
Baarlamaanka, waxaana is-leeyahay waxyaabihii aad qabatey waaye ayaan is
leeyahay, Jaaliyaduhuna waxaan ku guuleystey inaan dhiso Jaaliyada Soomaalida ee
Sucuudi Carabiya oo aan si KMG ahaan usoo dhisey, maadaama aan tegin dalall kale
oo ay ka jiraan Jaaliyadaha kale dibada, Xukuumadii Geedi markii uu batey is qab
qabsigii oo uu meesha ka tegidoonana waxaan ahaa Wasiirudowlaha Qorsheynta,
anigoo wax badan aan qaban ayuu xilkii ka tegey, waxaana bedeley Nuur Cadde,
Isbedelkaas wax weyn ayuu inoo dhimey, maamul hadii uusan degenayn marba mid
imaanayo oo qorshihii ay dejisey Xukuumada ma leh is ay wax u qabato,
dhibaatadaas is-bedelka badneyn iyo is qab qabsigaas oo mararka qaar lagu soo
heshiisiinayey dowladaha deriska ah iyo waxyaabo kale oo badan ayaa ugu wacnaa
wax qabad la’aanta dowlada, marka hadii aan eego dowladan cusub, dadkii
walaalaheena ahaa ee naga soo horjeeday ayaa hogaanka inoo haya waxaan
rajeynayaa tii aan soo marney inay marin, inkastoo wali aysan waxba qaban, waxay
kaalmeysaneysaa aqoonsigii tii hore, haba fashilantee hadana raad bey ka tagtey.
S;-Xildhibaane dowladii hore dalka waxay keentey Ciidamo shisheeye, sida hada la
sheego ciidamadaasi wey bexeen, waxaase harey kuwii Afrika ka socdey keenistaas
hore iyo kuwo cusub ee la doonayo, waxaa laga horkeeney diidmo adag, marka adiga
fikirkaas maxaad ka aaminsan tahay?.
J;-Ciidamadii hore markii la keenayey si wanaagsan loogama baaraan degin,
Baarlamaankuna si wanaagsan uguma doodin, si deg deg ah ayaa lagu gaarey
go’aankii, jiritaankii dowladuna wax weyn bey ku sameysey, Baarlamaankii ayaa ku
kala qaybsamey, khilaaf badana wuu keeney, Ciidamadan Afrikaanka la leeyahay waa
la keenaa iyo lama keenayo xasaasiyad baa ka jirta sidaan la socono, hase
ahaatee hogaankii waxaan u dhiibney Sheekh Shariif, balan baanu la galney, marka
ruux aad balan la gashey, shareecada Islaamku waxaa weeye, ilaa Kufrinimo lagu
arko, wax alle wixii uu ku taliyo ayaan ku ogolnahay sida aan warkiisa ka
maqleyna wuxuu sheegey ciidamo ayaa naloo tababarayaa, Ciidamada Afrikaankuna ma
ahan kuwo dadka duulimaad ku ah, nabada ayey nala sugayaan, ciidamada ayey inoo
tababarayaan, marka sidaas uu u arkey in lagu mucaarado uma arko, laakiin wixii
dhibaato keenaya waanu kala talineynaa, dowladaha uu booqdey ee ciidamadooda
jooga dalka, koley wax bey isla soo gaareen, marka in laga hor dhaco ma ahan,
arintaasna siyaasad degan ha lagu xaliyo ee iska daba hadal iyo cunfi la sameeyo
tii hore wixii baabi’iyey waaye, waxaana ka xumahay Wasiirka arimaha dibadda
markii uu hadley, Wasiir kale ayaa ka daba Hadley, iska daba hadalkaas
dowladnimada ayuu dhaawacayaa, Wasiirka ha laga sugo, sababtoo ah wadanka maamul
ayaa ka jira, Madaxweyne, Ra’iisul Wasaare, Gole Wasiir iyo Gole Baarlamaan ayaa
jira, marka ma ahan ruux intuu Saxaafada isugu yeero oo fikirkiisa ka hadlo,
taasina waayo aragnimo weyn ayaan ku qabnaa iska daba hadalka.
S;- Qaabkee laysu waafajinayaa hadalka Culimada ee ka bixitaanka ciidamada jooga
iyo kuwa kale ee la doonayo?.
J;- Culimada masaalixda ayey ku dadaalayaan, aragtidooda ayey cabirayaan,
go’aankooda waa Towsiyaad ama Tusaaleyn ee ma ahan go’aankooda mid dowladeed ee
waa dar daaran, dardaarankooduna hada qaar baa la fuliyey, wixii kale si tartiib
tar tiib ah ayaa loo fulinayaa, taas ayaan ayidsanahay, hadii Alle idmo.
S;- Gobolada Koofureed ee Soomaaliya waxaa ka dhacay mar dhow dagaalo ay isaga
soo horjeedaan ciidamo taabacsan maamuladii Baay, Bakool iyo Gedo waxayna
sheegeen in dib ay ugu noqonayaan goobahoodii iyo kuwa Al-shabaab oo gacanta ku
haya deegaanadaas inta badan, dowladuna hore waxay ugu dhawaaqdey iney wadahadal
la geleyso kooxaha mucaarad ah ee ka soo horjeeda marka dagaalkaas iyo
wadahadalkaas side lasyu waafajinayaa?.
J;- Dagaal kama socdo Baydhabo sidaan uga soo baxney, dhalin yaradii timidna,
meel banaana bey heleeen oo wey joogaan, waxayna sugeen nabadgelada deegaanka
Baydhabo, wax dhibaato ah kama jiraan, Gobolka Bakool duleedkiisa ayaa waxoogaa
ay ka dhaceen, sida naloo soo sheegey, dhalin yaro badan ayaa ku dhimatey, dadka
meesha ku dhintey waxay ahaayeen dhalin yaro gaari saaran, miino ayaa la kacdey,
lamana oga waxay doonayeen, dagaalkuna hada ma socdo sida muqdisho oo kale ma
ahan, dadkii deegaanka ahaa ee walaalaha ahaa, inay isugu faanaan kuwii baan
leyney waa laga fiican yahay, wixii laysku Af-garan waayo, si walaallnimo ah in
loo wada hadlo ayaa wanaagsan, labad dhinac Ajnabi wadanka qabsadey ma ahan oo
waa walaallaheena, waa dadkeenii, kuwii hore u joogey waxaa loo baahnaa ineysan
meesha ka cararin, waxaana fiicneyd inay si degan u wadahadlaan, dhalinyarada
Shabaab waxaan ka codsanayaa iney dadka u nasteexeeyaan, dadkana dejiyaan,
Shareecada Islaamka waa wada dooneynaa hore ayaan ugu dhaqmi jirney, waxaan la
fulin jirin cuquubaadka keliya, dadkuna muslimiin waaye ee yaan la eryin, ruuxii
nidaamkiina ka soo horjeeda, waxaa haboon inaad u caqli celisaan oo dulqaad aad
muujisaan ee ma ahan in la gowraco ama xoolihiisa la baneysto.
S;- Sheekh Aadan maamuladii hore Baay iyo Bakool dagaalka ay wadaan ma
dowlada ayaa la og mise, dowlad kale gooni ah ayey ka tirsan yihiin, sababtoo ah
dowlada hore waxay u sheegtey in kooxaha mucaaradka ay wadahadal la galeyso?.
J;- aniga Baarlamaanka ayaan ku jiraa, hawsha waxay kazoo bilaabataa Golaha
Wasiirada, iyaguna wax u qorsheysan ma ogi xiligaan, sidaan hubo oo aan ogahay
Dowladaan dagaal kuma jirto, dadkaas waa dad careysan oo magaaladii ay joogeen
ka cararey oo banaanka jooga, dagaalkii Rabdhuure kadib ma maqlin wax kale,
iyaguna waxaan kula talinayaa ineysan dagaal soo qaadin, wixii dhibaato ah ee
jira dowlada ha looga dambeeyo, dowladuna anagu ka Baaralamaan ahaan magac ayaan
soo siiney, wixii ay ugu talo gashey dadka ka soo horjeeda iney la sugaan ayaan
kula tali lahaa, tii hore u dhacdey waa dhacdey, waana ka xunahay, dadka ku nool
Gobolada Baay iyo Bakool dagaal wey ka soo daaleen oo wey og-yihiin dhalinyarad
waa iney xasuustaan tii hore u dhacdey ee loogu bixiyey magaaladii Geerida
Baydhabo, dadka careysana waa iney ka fiirsadaan.
S;- Xildhibaane Gudoomiye Gobol ciidamada ilaaliya iyo Taliye ciidan Gobol, inay
magacii dowlada dagaal aan dowlada qorsheyn magaceeda ku galaan ma haboon tahay,
iyadoo aysan jirin wax go’aan ah oo ka soo baxay Golihii Wasiirada,
Baarlamaankii iyo Madaxweynaha oo ay ku dhawaaqeen, islamarkaana lagu amrayo in
ay dib ugu noqdaan goobahooda maamul?.
J;- Taas aniga lama socdo, laakiin Gudoomiye Gobol la doortey buu ahaa, Gobolka
Baay maamulkiisa markii ugu horeysey anigaa dhisey, waana waxa aan ku faanayey,
marka wey wanaagsaneyd dadka in rabitaankooda lagu xukumo, Gudoomiyahaas wuxuu
damacsan yahay war uma hayo, mar hadii meesha laga qabsadey meesha dowlada
joogto inuu usoo wareego wey wanaagsanaan lahayd, hadii uu Af-dowladeed ku
hadlayo oo dowladii amar ka qaato ee keligiis inuu iska hadlo ma aha, sababtoo
ah dowladu Af-hayeen bey leedahay, Golo wasiiro ayey leedahay, Golo Baarlamaan
ayey leedahay iyo Madaxweyne, weyna dhicikartaa dowlada iyo iyaga iney xiriir
leeyihiin, inkastoo aan joogin hada dalka, waxaanse labada dhinac kula talinayaa
wixii xiisad kicinya iney ka fogaadaan, nidaamka dowliga ah waxaa weeye hadii
dowlada qalaan qul uu soo wajaho dowladu Af-hayeen bey leedahay isagaana ka
hadli kara.
S;- waxaa la sheegaa in ciidamada Itoobiya dalka ay ka baxeen, hadana waxaa
muuqata hadal hayn fara badan oo isa soo tareysa in ciidamo Soomaali ah ay soo
hubeysey ayna joogaan deegaanada Ceel berde iyo Dooloow, islamarkaana ay u
meeriso rabitaankeeda, marka mowqifkii dowlada miyaa wax iska bedeley ee ka
bixitaanka ciidamada Itoobiya?.
J;- joogitaanka ciidamada Itoobiya arin la hubo ma ahan, Itoobiya wey tagtey
sidaas baanu ognahay, dibna uma soo noqoneyso, hadii ay dowlada cusub keensato
mooyee soo noqod ma jiro, Itoobiya ayaa soo hubeysey waa ku tiri ku teen ee arin
la hubo ma ahan, mana sugna warkaas.
Dhamaad
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 30, 2009