SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gudoomiyaha Ururka S/land Reform Party oo Hambalyo u diray Dawladda iyo shicibka Somaliland.

Gudoomiyaha uruka Somaliland Reform Party, Muudane Cabdi-Aar Cabdi ayaa hambalyo diiran u diray maamulka iyo shicib weynaha S/land, isaga oo ku hambalyaynaya sida dimuqraadiyada ah ee loogu kordhiyay mudada 6da bilood ah maamulka Madaxweyne Daahir Riyaale.

Mudane Cabdi-Aar Cabdi oo madax ka ah ururkan S/land Reform Party oo ay xaruntiisu tahay magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota, isla markaana ah uruka kulmiya aqoonyahanada, waxgaradka iyo siyaasiyiinta qurbo jooga qoomiyadaha kasoo jeeda deegaanada Sool iyo Sanaag bari, ayaa ku sheegay sida ay u shaqso S/land mid mucjiso ah, loona baahan yahay in aduunweynuhu ka faa'iidaysto. Dimuqraadiyadda ka jirta S/land waa mid aan la sharixi karin, isla markaana aan Afrikada kale aan marnaba kasuurtoobi karin ayuu yidhi mudane Cabdi-Aar.

Waxa xusid mudan sida ay mudanayaasha golaha Guurtidu u dhiibteen doodoodii xalaasha ahayd, ugu dambayntiina ay codkoodii u qaadeen si xalaal ah oo aan muran ku jirin, kadibna nin walba ku qancay natiidii meeshaas kasoo baxday, ayuu yidhi Mudane Cabdi-Aar.

Mudane Cabdi-Aar oo booqasho gaaban ku yimid xafiis gudoomiyaha xisbiga Udub-USA, Mudane Yusuf Budle, isaga oo ay weheliyaan saddex xubnood oo ka mid ah gudiga fulinta ee ururka SRP ayaa sheegay in ururkiisu si buuxda uga shaqayndoono ilaalinta nabadda iyo wadanoolaanshaha dadka reer Somaliland, isla markaana ay si buuxda u dhaleecayndoonaan cid kasta oo rabta in ay khalkhal ku keento jiritaanka iyo horumarka S/land.

Ururkan Somaliland Reform Party oo la aasaasay mudo laba sano laga joogo ayaa ah uruka kulmiya aqoonyahanada kasoo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag bari. Ururkan oo ilaa hadda ay xubno buuxa ka yihiin aqoon yahano aad uga caan ah dalkan USA, gaar ahaan gobolka Minnesota. Hogaamiyayaasha ama aasaasayaasha ururkan waxa ka mid ah Professor Maxamed Xasan Maxamuud (Abgaalow), aqoonyahan C/maalik Askar, aqoonyahan Maxamed Xuseen iyo kuwo kale oo badan. Sida uu sheegay Mudane Cabdi-Aar, waxa uu ururkiisu u dirayaa S/land bisha April horaanteeda aqoonyahano ka mid ah hogaanka sare ee ururkan oo uu hogaaminayo aqoon yahan C/maalik Askar.

Kooxdan oo ka kooban aqoonyahano Soomaali ah iyo kuwo ka kala socda jaamacadaha dalkan Maraykanka oo u dhashay dalkan USA ayaa si buuxda usoo wada maridoona dhamaanba gobolada S/land iyaga oo kasoo diyaarindoona qoraalo wax ku ool ah.

Ayan Mohamed

Somali Media Centre

St. Paul, MN USA

Faafin: SomaliTalk.com | March 30, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS