SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

XAFIISKA QARAMADA MIDOWAY U QAABILSAN ARRIMAHA SIYAASADA SOOMAALIYA.

WARSAXAAFADEED 011/2009

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midooway oo cambaareeyey weerarka lagu qaaday Wasiirka Arrimaha Gudaha. 

Nairobi, 27 March 2009: 

Ergayga Gaarka ee Qaramadda Midooway u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, AXMEDOU OULD-ABDALLA ayaa si xoog leh u cambaareeyey kuwii mas’uulka ka ahaa qaraxii wadada hareeraheeda ka dhacay, qaraxaasoo lagu dhaawacay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Sheekh Cabduqaadir Cali Cumar isla markaasna lagu dilay mid ka mid ah kaaliyeyaashiisa. 

“Waxaan ka naxay weerarkan lagu qaaday Wasiirka Arrimaha gudaha iyo kaaliyeyaashiisa ” ayuu yiri Axmed Ould-Cabdalla. “ Wasiirka wuxuu socday meel dadku ku badan yihiin oo suuqa bakaaraha ka mid ah. Falkani waa fal fulaynimo lagana cambaareeyey dhamaan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba. 

Kuwa geystay weerarkan waxay si cad u ogyihiin inayna haysanin wax haba yaraatee cudurdaar ah oo ku kalifaayo weerarkaasi, sidaasi darteed, ayey isku qaraniyaan. Horey waxay ugu andacoon jireen inay u dagaalamayaan in ciidamada Ethiopianka dalka ka saaraan haddana waxay ku soo jeesteen dadkoodii Soomaaliyeed” 

Ergayga gaarka ah wuxuu yiri maamulka cusub ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed si aad ah ayuu u dadaalayaa si uu wax uga qabto arrimaha nabadgelyada, dhaqaalena u soo helo, dadka Soomaaliyeedna uu ka caawino sidii nolol caadi ah ugu noolaan lahaayeen, sida wadamada kale ee Afrikaanka ah. 

Weeradada noocaan oo kale ah waxaa si cad loola jeedaa oo keliya inay haleeyaan magaca wadanka si kastaba ha ahaaatee dawlada cusub waxay haysataa taageerada dadka Soomaaliyeed intiisa badan iyo tan bulshada caalamkuba.  Wadanka wuxuu ku taagan yahay waddadii nabada, wadadana kama weecin doonaan talaabooyinkan oo kale. 

Wixii war dheeraad ah fadlan la xiriir: Susanah Price or Donna Cusumano,

Public Information Officers, UN Political for Somalia (Nairobi, Kenya) Tel: +254 20 762 1192/1625 or +254 733902020/737400133  Please visit: www.UN-Somalia.org 

Faafin: SomaliTalk.com | March 29, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS