Dowladda Kenya Oo Lagu Wareejiyay Saraakiil Looga Hayay Degmada Balad Xaawo
Ee G/Gedo
Xubno ka tirsan wasaarada tacliinta Kenya ayaa maanta si buuxda loogu wareejiyay
doladda Kenya.
Xubnahan oo magacyadoodu ay kala yihiin Charles Nyakundi, Mosses Mwangi,
Abdullahi Mathey, Abdulkadir Mohamed Iyo Binyanya Onchiri ayaa lagu wareejiyay
xaflad ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen xildhibaan Cabdirahmaan Cali Xasan oo
laga soo doorto magaalada wajeer, Dan Messis oo ah guddoomiye k/xogeenka Gobolka
waqooyi bari ee dalka Kenya , waaxaha socdaalka iyo sirdoonka Kenya , halka
dhinaca soomaaliya ay matalyeen gudoomiye k/xigeenka xarakada Alshabaab Ee Gedo,
Guddoomiyaha deg Baledxawo Axmed Burkuus, Nabadoon Xaadle iyo rag kale oo aad u
farabadan.
Saraakiisha Kenyan ka ah ee katirsan wasaarada waxbarashada
dalkaasi oo maalmo ka hor ay gacanta ku dhigeen ciidamada alshabaab ayaa waxaa
ka hor inta aan la wareejin lagu xiray shuruudo adag.
Kuwaasoo ay kamid ahaayeen
1= In Kenya ay dhibaatada ka dayso dadka soomaaliyeed
1= In si deg deg ah loo furo xuduuda
1=In dhawr shaqsi oo ay horay ciidamada booliska lacago uga dhaceen dib loogu
soo celiyo hantidoodii.
Iyo Kuwo kale waxaana saxaafadda u aqriyay Axmed Burkuus Guddoomiyaha
Deg.Baledxawo. waxaana isla amrkiiba gudi loo saaray si wax looga qabto
dhibaatada la soo bandhigay.
Xil. Dhinaca Kenya ka socday ayaa maamulka , saraakiisha iyo odayaasha ku dhaqan
magaalada Baledxawo uga mahadceliyay dadaalkooda, waxaana uu tilmaamay in
shacabka ku dhaqan xuduudaha ay yihiin kuwo walaalo ah oo isku baahan.
Muddo kabadan 70 saac ka hor ayay ahayd markii saraakiishaasi la arkay iyaga oo
dhexmutaashaya gudaha magaalada Baledxawo , waxaana loo dhaadhiciyay xabsi ku
yaalla degmada baledxaawo halkaasoo lagu hayay.
Si kastaba ha ahaaree sii deynta saraakisha ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili
soomaali badan ay ku xirxiranyihiin magaalada mandheera.
Maxamed Gaarane Aadan
+2525 (0) 996132
+2521 5598706
+254 (0) 722687097
gaarane68@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 29, 2009