SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

Ma Salaaddii Roobdoontaa Nagu Fillaan Weyday Markaasaan Soon ku Darsannay 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com

 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Muxuu Wasiirka Awqaaftu dadka u leeyahay ha soomeen afar maalmood? Muxuu ugu cayimay inay Talaado, Arbaco, Khamiis, iyo Jimce Soomaan? Ma salaaddii la sunneeyey buu yaraystay oo wuxuu leeyahay bal Soonka halagu dhexdaro? 

Anigu arrintaas arrin bidco ah baan u arkaa. Nabi Muxamed (SCW) wuxuu na baray sunadaas ah in Salaaddaas la yaqaan la tukado markii Roobdoon la rabo. Qofkii la yimaada bidco waa lagu celinayaa sida Xaddiiskan soo socda sheegayo. 

Waxaa labada Sheekh ka wariyeen saxaabigii Anas Binu Maalik (RC) in seddex saxaabi ay weydiiyeen haweenkii (RC) nabiga (SCW) camallada nabigu (SCW) sameeyo. Kaddib seddexdii saxaabi waxay is tuseen haddii nabiga (SCW) oo dambigiisii hore iyo kiisii dambaba la dhaafay uu saas u cibaadeysanayo xaggee iyagu joogaan? Mid ka mid ah baa yiri: habeynkii oo dhan salaad baan u taagnaanayaa. Mid kalaa yiri: maalin oo dhan waan soomaayaa. Mid kalayaa yiri: haweenba ma guursanayo. Nabigu (SCW) wuxuu yiri: war ma idinkaa saas yiri? Laakiin anigaa Ilaahay idin ku cabsi badan, waan soomaa waana afuraa, salaadda (leylka) waan tukadaa waana seexdaa, sidoo kale dumarka waan guursadaa; laakiin qofkii sunnadayda ka deeqtooma, iga mid maaha. 

Marka diin Ilaahay uma baahna in wax dheeraad ah lagu daro. Marka Roobdoontu Salaaddaas bey leedahay, qofkii dadka ka dalba iney soomaan wuu khaldan yahay, qofkii ninkaas soonka ku raacana khalad iyo  bidcay ku raaceen. 

Haweenay raadiye u saraan yahay miis waagii Kacaanku cirka marayey baa raadiyihii ka soo dhacay iyadoo wiilashii iyo gabdhihii Heegan ama Horseed ama koox kale ay wadajir u heesayaan. Marka waxay tiri: waan arkayey in raadiyahaasi soo dhacayo marba haddii intaas oo qof ka dhex heyseyso! Waxaan uga danleeyahay: dowladdan lahayd Shareecaa la isku xukumayaa waxay waddankii soo gelisay ciidamo gaalo, haddeerna diinteennii bay bidco intaas le’eg ku soo dareen. Marka dowlad Amisom, Ashahaado-la-dirir iyo niman Maxkamado sheegtay wada hagayaan Ilaahoow dhibteeda na dhinac mari. 

Markii Soomaaliya iigu dambeysay waxaa gobollada Koonfureed ugu kululaayeen maalmahan lagu jiro oo kale. Marka bidcada waxaa sii dheer waa waqti kulul oo dhib ah, dad badanna ma heystaan waxay cunaan. Marka haddii wasiirka uu heysto wuxuu ku afuro waxaa la rabaa inuu dadka u turo. Qofkii awal soon sunno ah soomi jiray ama isagu iskiis u goosta inuu soomo waa arrin fiican. Dadka muslimiint ahi waa isku booriyaan sadaqada, salaada, soonka iyo camalada fiican oo kale laakiin waa khalad in qof u cayimo dadka waqtiga la soomayo. Waqtiga ku fiican in soon sunno ah la soomo diinta Islaamka sheegtay marka qofkii yiraahda afar maalmood oo Talaado u horreyso, Jimcana u dambeeyo hala soomo waa ku kaldan yahay. Ma sixir baa? Afar bilood baa Tigree ku baxayaa! Ka badan bey ku baxeen? Afar bilood baa Amisom lagu saarayaa! Afar berina hala soomo! 

Marka dowlad-ku-sheeggu waa jabiyeen waxay culumada kula heshiiyeen oo ahayd in diinta la isku xukumo, in ciidama shisheeye la saaro iyo inaan ciidan dambe loo yeeran. Marka hadda diinteennii bey usoo dhigteen. Waxaanba ka baqayaa inay dadka ku dhahaan qofkii Amisom ka dhinta halagu tukado! 

Dadka muslinka ah iskuma caawiyaan bidcada. Marka qofkii nimankaas ku raaca inuu soomo afar bari wuxuu la mid yahay qof yaraystay Salaaddii Roobdoonta ahayd ee nabigu (SCW) jideeyey. Marka cisyaanka Ilaahay, laguma baryo. Marka qofkii isagu iskiis u soomi jiray waa gooni laakiin ninkaasi yuusan bidco idiin horseedin. Waxaa wasiirkaas laga rabaa inuu raalligelin siiyo shacabka Soomaaliyeed ee iyagoo soo taagan uu u jideynayo waxaan Islaamku qabin. Marka nimanka joogaa Jowhar iyo Baladweyne raalli ma ku yihiin in iyagoo ciidan Maxkamadeed sheeganaya saas dowlad-ku-sheeggii diinta Islaamka ugu jeesjeesto?

C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Isku-xukunka Shareecada oo Baarlamaanka la Hordhigayo!

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 29, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS