SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xisbiga Dimoqoraadiga dadka Banaadir oo baaq ka soo saaray dagaallo ka kala dhacay Muqdisho iyo Sh/dhexe

Xisbiga Dimoqoraadiga dadka Banaadir ayaa qoraal uu maanta soo saaray waxa uu ugu hadlay arrimo dhowr ah, gaar ahaan dagaalada ka dhacaya magaalada Muqdisho iyo degaanka Qalimow oo u dhaxeysa Degmada Balad iyo Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Qoraalkan ka soo baxay Xisbiga Dimoqoraadiga dadka Banaadir oo ahaa mid aad u dheer, waxaa ku caddeeyay in dagaalada Muqdisho ay ka dambeeyaan kooxo aan marnaba dooneynin in nabadgelyo taam ah ay ka dhalato Muqdisho oo ah caasimada wadanka.

Xisbiga ayaa sheegay in labada dhinac ee shalay ku dagaalamay ay markoodii hore ka wada tirsanaayeen Maxkamadaha Islaamiga ah, waxaana qoraalka Xisbiga Dimoqoraadiga dadka Banaadir oo uu ku saxiixnaa Afhayeenka Xisbigaasi Maxamuud Xuseen Gudbaaye lagu muujiyay in dalka aanay marnaba dowlad ka hirgeli karin inta uu joogo askari Dowlad sheeganaya ee afka soo duubtay.

“Inta Askari Dowladeed afka u duuban yahay miinadu way soconee” ayaa lagu yiri qoraalka xisbiga oo qaraxii shalay lala beegsaday Wasiirka arrimaha gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar lala beegsaday ku tilmaamay in dalka ay markoodii hore keeneen Maxkamadihii Islaamiga ah.

Xisbiga Dimoqoaadiga Banaadir ayaa sidoo kale ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya degaanka Qalimow ee gobolka Sh/dhexe inay joojiyaan dagaalada, isla markaasina ay u turaan dadka rayidka ah ee degaanadaasi oo xisbigu uu sheegay inay haatan heystaan xaalado aad u daran.

Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed oo magacaabay guddi ka shaqeeya xuska maalin loo asteeyay mujaahidiintii dalka

Qoraal ka soo baxay Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed ayaa waxa uu ku magacaabay guddi ka shaqeeya xuska maalin uu u asteeyay inay noqoto maalinta lagu xusuusto Mujaahidiintii ku geeriyootay dagaaladii dalka ka dhacay' waxaana qoraalka xisbiga oo sidiisa u qoran aan idiin gudbinaynaa:-



Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
0025250-995088

Faafin: SomaliTalk.com | March 27, 2009
 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS