SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
27 March 2009.


Dagaalo lagu naafeeyey ciidamada cadowga ee gumaysiga Itoobiya.

Waxyeelooyion kala duwan oo gumaysigu u gaystay shacabka rayidka ah.

Qaybaha Taliyayaasha CWXO kulan ay lahaayeen oo guul ku dhamaaday.

Xukuumada gumaysiga Itoobiya oo oo biya xiheen ka samaynaysa
wabiga OMO iyo khilaaf ka dhashay arinkaas.

======================


Dagaalo lagu naafeeyey ciidamada cadowga ee gumaysiga Itoobiya.

Dagaalada u dhaxeeya cwxo iyo kuwa gumaysiga itoobiya ayaa
weli si isdaba joog ah uga socda ogadenya,dagaaladaas oo
isugu jira weeraro,miridiyo isku dhacyo ayay cwxo kaga gacan
sareeyaan ciidanka naflacaariga ah ee gumaysiga
itoobiya,sida uu noogu soo waramay wariyaha RX ee jiida hore
waxay dagaaladaasi u dhaceen sidatan:

13/03/09 Deegaanka Garsad oo ka tirsan Bulaale dagaal ku
dhex maray cwxo iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ayaa ciidanka
cadowga itoobiya lagaga dilay 4 askari waxaana lagaga
dhaawacay 3 kale

7/03/09 Guna-gado oo ka tirsan gobolka Jarar ayay
ciidamada qalabka sida ee jwxo weerar mir ah ku qaadeen
xerada ciidanka gumaysiga Itoobiya waxaana lagu dilay inta
la hubo 12 wayaane iyo 15 kale oo la dhaawacay waxaana
halkaas ka baxsaday 6 Askari .

14/03/09 Gorayga oo ka tirsan Dhagaxmadow dagaal ka
dhacay waxay ciidamada geesiyiinta ah ee jwxo ku dileen 7
askarta wayaanaha ah waxaana lagu dhaawcay tiro kale oo aan
wali helin faahfaahinteeda

13/03/09 Tuulada Simane oo ka tirsan Dagmada Fiiq ee
gobolka Nogob Waxay ciidamada qalabka sida ee jwxo weerar
gaada ah ku dileen 2 askari oo wayaane ah,waxayna halkaas
ku dhaawaceen hal askari oo kale.

Ciidamada wayaanaha ayaa dhexdooda isku laayey saldhiga ay
ku leeyihiin Dun-Duma-Cadka oo Degmada Fiiq ka tirsan
13/03/09,khasaaraha dhabta ah ee ay is gaadhsiiyeena ilaa
hada faafaahintiisu nama soo gaadhin waloow warar hoose ay
sheegayaan in ay iska dileen tiro kor u dhaafaysa
labaatameeyo.

13/03/09 Kabtinaag oo ka tirsan gobolka Qorahay weerar
gaadma ah oo ay fuliyeen cwxo ayay ku dileen 4 Wayaane ah
halka ay ku dhaawaceen 3 kale.

14/03/09 Dhala-cad oo ka tirsan gobolka Jarar Weerar
qorshaysnaa oo ay fuliyeen cwxo ayay kaga dileen ciidanka
gumaysiga Itoobiya 4 askari halka ay kaga dhaawaceen 2 kale.

Waxyeelooyion kala duwan oo gumaysigu u gaystay shacabka rayidka ah.

Dhanica kale waxaa wali Sii Socda Xasuuqii iyo Xadhigii
dad-waynaha aan waxba galabsan,oo inta badan dhaca mararka
ciidamada gumaysiga lagaga itaal roonaado goobaha la iskaga
hor yimaado amase lagu qaado weeraro qorshaysan khasaare
ba,ana loogu gaysto.

19/03/09 Degmada Garbo ee gobolka Nogob waxay ciidamada
nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya si xun ugu jidh-dileen
kowsar C/wahaab ,sidoo kale waxay xabsiyo kala duwan ku
xukumeen dadka kala ah:

1-Cabdi C/llaahi Cusmaan oo ay u sheegeen in ay
ku xukumeen 5 Sano
2-Carab Maxmed Geedi oo isna lagu xukumay 7 sano
3-Mukhtaar Maxamuud Yusuf oo ay ku xukumeen 2 sano

6/03/09 Hadhaawe oo ka tirsan gobolka Shabelle Waxay
ciidamada cabudhiska ku caan baxay ku xidh xidheendad aad u
badan oo ay kamid yihiin:


Xabsa Sheekh Xuseen Cabdi
Sowda Sheekh Xuseen Cabdi
Amina oo aanaan magaceeda oo buuxa helin
iyo Cabdi Naaser oo aanaan magaciisa oo dhamaystiran helin



7/03/09 Bubi oo katirsan gobolka Qorahay waxay ciidamada
gumaysigu ku xidh xidheen


Khadar Mahad Faarax
Yusuf Khadar Cabdi Naser Axmed Nuur
3- iyo Ina Macalin Mariwaaa
Sidoo kale ciidamada wayaanuhu waxay isla taariikhdaas ku
xidh xidheen tuulada Dhuure e gobolka Qoraxay
1-Muxumed Maxamed Weerar

2-Cali Cumar Maxamuud

3-iyo Shafeec Cali Faarax

Waxaa isla Halkaas lagu dhacay oo lagu boobay Dukaan ay
lahayd gabadha la yidhaahdo

Diib Cabdi Aar waxaana yaalay hanti lagu Qiyaasay
3000-Birr



Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo cunaqabatayn ba,an ku hayay
shacabka Ogadenya ayaa baryahan dambe ka hor sitaagay inay
ka cabaan ceelasha ama usoo arooriyaan xoolahooda,meelaha
ugu dambeeyey ee ay ciidamada gumaysigu dadka ka hos
istaageen inay ka cabbaana waxaa kamid ah: Waaf-dhuug,
Yucub, iyo Garloogubay Dhammaan meelahaas waxaa oon ugu
dhintay Dad badan oo ay Caruuri u badantahay ilaa hadda
waxaan hellay magaca Wiil 2 Sano jira oo oon dartii u
dhintay waxaana wiilkaas dhalay Macalin Cabdi.

Cunaqabatayntan dhanka biyaha ah ayay ciidamada gumaysigu
markii ugu horeysay ku bilaabeen inay qaqabtaan arwta iyo
dameeraha dhaanka ah kadibna biyaha ka daadiyaan awrta iyo
dameerahana dhacaan,waxaa kaloo xigtay in bishan bilowgeedii
ay ku wargaliyeen dadweynaha inay bixiyaan lacag haday
doonayaan inay dhaansadaan ama xoolahooda
waraabsadaan,qofkaan lacag heli karina ay xoolaha uusoo
arooriyo qaar ka reebtaan,cadaadiska noocan ah ayaa ah kii
ugu dambeeyey ee ay xukuumada gumaysigu isku dayayso,kadib
markay shacabka geesiyiinta ah ee Ogadenya si walba kala
quusatay ogaatayna inaysan shacabka Ogadenya uliicaynin
cadaadiskeeda xaqdarada ah ilaa ay ka hantaan xoriyadooda.
Qaar ka mid ah qabillada sida xooga leh u hubeysan ee Ithobiya ayaa dowlada uga digay, in qorshaha ay kaga dhiseyso biyo xireen, wabiga Omo oo keenayo colaad dhiig ku daato oo biyaha iyo dhulka ah.

Qaybaha Taliyayaasha cwxo kulan ay lahaayeen oo guul ku dhamaaday

Waxaa kulan lagaga arinsanayay arimaha ciidanka iyo guud ahaan xaaladda uu dalka ku sugan yahay isugu yimid taliyayaasha qaybaha CWXO ee kala ah Danab, Hanqadh, Halgan iyo Gaashaan. Kulankan oo uu shir-gudoominayay Hogaanka Gaashaandhiga JWXO oo bolowday 20kii Bishan ayaa la soo gabagabeeyay 23kii.

Hogaanka gaashaandhiga, isagoo ka wakiil ah hogaanka sare ee jabhadda wuxuu amaan u soo jeediyay dhamaan CWXO qaybihiisa kala duwan isagoo Ilaahay uga baryay xubnihii ka shihiiday ciidanka inuu gaarsiiyo darajada ay mudan yihiin ee ah shihiidnimo. Sidoo kale wuxuu hogaanka gaashaan-dhiga ugu hambalyeeyey shacabkeena geesiga ah guulaha ay gaareen CWXO iyagoo ballan ku qaaday inay u aari doonaan dadweynaha dhibaatada ay ku hayaan ciidanka gumaysiga iyo daba-dhilifyada la socda.

Kulankan oo guul ku dhamaaday ayay saraakiishii ka soo qay-gashay waxay ku qiimeeyeen hawgaladii ugu dambeeyay ee CWXO uu ku naafeeyay ciidamada gumaysiga iyo daba-qoodhigii la socday iyagoo ku tilmaamay inuu u dhecey sidii loo qorsheeyey.

Go’aanada dhaxagalka ahee ay isla meel dhigteen madaxdii ka soo qaybgalay kulankaa waxaa canaawiin u ah kuwan;

1. In La Xoojiyo Fulinta go`aamadii uu hogaanka saree Jabhadda Soo Saaray.
2. In La balaadhiyo hawlgada CWXO ee Ku Wajahan Cadowga.
3. In xididada loo siibo riyada Woyaanaha lana Soo Afjaro Dhabaqoodhiga Cusubee ay Soo Abaabuleen ina Ilay iyo Kooxda Jigjiga.
4. In kor loo qaado wacyiga siyaasiga ee bulshada say ula socdaan xaaladaha soo cusboonaada iyo is-badbadalka shirqoolada gumaysiga.

Baaq:


Hogaanka Gaashaan-dhiga JWXO, saraakiisha iyo taliyayaasha qaybaha Danab, Hanqadh, Halgan iyo Gaashaan, waxaan ugu baaqaayna shacabka geesiga ah ee gumaysi diidka ah, kaadirka JWXO meel uu joogaba iyo dhamaan jaaliyadaha Ogadenya meel ay joogaanba, inay ilaaliyaan midnimadooda oy ogsoonaadaan in hadday isku duubnaadaan ay jabinayaan cadawgooda xeelad kastoo uu soo adeegsado.

Waxaan ugu baaqaynaa walaalaheena uu duufsaday shaydaanka ee cadawga u adeegaya inay Ilaahay u towbad keenaan oy ka waantoobaan falalka fulaynimada ahee ay ugu adeegayaan gumaysiga. Waxaan ugu baaqaynaa dhalinyarada inay ku soo biiraan CWXO oy ka qayb qaataan xoreynta dalka iyo difaaca sharafta diinteena iyo dadkeena.

Xukuumada gumaysiga Itoobiya oo oo biya xiheen nka samaynaysa
wabiga OMO iyo khilaaf ka dhashay arinkaas


Dowlada Ethiopia waxa ay bilowday dhisida biyoxireenka, si ay ku soo afjarto, dhibaatooyin ka heysta dhinaca tamarta wadanka, waxeeyna sheegeysaa in daraasado la sameeyey ay caddeeyeen, in dhismahani ku yeelan doonin wax saameyn ah, bulshada.

Marka dhameysrito dhisitaanka biyo xireenkan wabiga Omo, ayaa waxa lagu wadaa inuu noqdo midka labaad ee ugu weyn afrika.

27 March 2009

Halgan Guuleed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 31 MB iyo 41 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga

Faafin: SomaliTalk.com | March 27, 2009
 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS