SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

Maraakiibka Hoganaysa Soomaaliya iyo Burcad Badeedu ma isku mid baa? 

Hordhac 

Mudooyinkii u danbeeyey waxaa soo labada lixaad sadday Burcad badeed ka qawlaysata xeebaha wadanka Soomaaliya sidoo kalena waxaa iyaduna soo baxaysay wadamadda reer galbeedka ah ee inta badan isticmaala Badda Soomaaliya in ay maraakiib dagaal u soo direen badeena si ay ula socdaan dhaq dhaqaaqyadda shuftadan una yareeyaan. 

Burcad badeedda ayaa waxa ugu horayn ku bilaabatay Maraakiib si sharci daro ah u xaalufinaysay khayaaraadka Baddadeena kuwaas oo kaluun iyo waliba makhluuqa kale ee ku nool u guranayey si aan kala hadh lahayn ,Maraakiibtani kuma aysan joogin oo kaliya in ay gurtaan waxa badda Soomaaliya hoosteeda ku jira ee Eebahay ku galadaystay Badeena balse waxa ay baacsadeen una diideen in ay kaluumaystaan dhalinyaro ee ka shaqaysan jira badda, kaluulkana ka soo saari jiray nolal maalmeedkooda, waxa ayna dhalinyaradaasi abaabuleen duulaan ay Maraakiintan dhac doonka ah kala hortagayaan Faa’iidadeediina waxa ay noqotay Burcad badeednimo 

Ka dibna waxaa ka dhashay amase la ogaaday in la afduubi karo maraakiibta iyo doonyaha maraya badda Soomaaliya, waxaana falal waxashnimo ah loo geystay maraakiib u rarnayd Hayadaha Q.M, Ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwo dalal kale lee yihiinba, 

Maxaa Sahlay Burcad Badeednimo in la noqdo. 

Dawladda La’aan: dalkeena hooyo malahan dawladd dhexe amase maamulo hoose oo leh awood ay ku sugaan amniga deeganadda ay ka jiraan sida aminga dhulka, badda iyo waliba cirka, waxa ayna sababaysaa in cidi waliba wixii ay doonto samayso waayo ma jiro sharci iyo kala danbayn, waana talaabadda ugu muhiimsan ee bari-taalaysa kooxdan. 

Shaqo La’aan : dhalinyaradii Soomaaliya ma haystaan shaqo ay ka soo saartaan nolal maalmeedkooda sidoo kalena waxa ay caqabado kala kulmeen maraakiib ay madaxdda dawlaha Soomaaliya sidii yeen waraaqado ay ku kaluumaysteen iyaga oo ka qaadaya lacag canshuur ah ayna ku dagaan guryo aad u qurux badan oo ku yaala Nairobi iyo Jabuuti,taasina waxa ay sababtay in kaluumaysatadii ay weerarto Maraakiibta Shisheeye ee xaafulinta badan ku haya Badda Soomaaliya weerarkaasina waxa uu markii danbe isku badaley Burcad badeednimo 

Aqoon La’aan: Aqoontu waa sharafta nolasha qofka bini’aadamka ah, hadii uu qofku lee yahay aqoon diimeed amase mid maadi waxaa jira wax yaalo badan oo aysan naftiisu ku qanacsanayn in uu ku dhaqaaqo amase u arko dhibaatada ka dhalan karta, 
Diinteena wanaaga iyo qiimiga badani waa ay xaaraantimaysay Dhaca iyo Boobka xoolo aadan lahayn sidaas darted Burcad badeednimadu waa xaaraan dadka ahina waa kuwo aan lahayn Cilmi Diimeed iyo mid Maadiba 

Dhibaatooyinka Burcad Badeedda 

Burcad badeedu waxa ay saamayn weyn ku haysaa bulshadda Soomaaliyeed, waxa ayna curyaamisay Ganacsigii iyo isku socodkii Soomaaliya iyo wadamadda dibadda, waxa kale oo joogsadey maraakiibtii iyo doonyihii Soomaaliya keeni jiray Raashiinka, Bagaashka iyo alaabta kala duwan, waxaa ay sababtay taasi Sicir barar aan dawadiisa lahayn ilaa iyo hadeer . 

Bucad badeedu waxa ay dhibaatooyin ka baxsan shareecadda Islaamka iyo dhaqanka Soomaalidaba ku hayaan deegaanadda ay ka qadhaabtaan ,Maandooriyayaasha Khabriga iyo Xashiishadda ayaa xiliyadda ay lacagta madax furashadda ah ka qaataan maraakiibta looga keenaa wadamadda dariska aynu nahay, waxaana iyaduna jirta dulmarka jirkooda ka ganacsadda oo safaro dhaadheer u gala sidii ay lacagta burcad badeedda ugu soo badalan lahaayeen jirkoodda 

Burcad Badeedda iyo Xidhiidhadda Maamuladda 

Kooxahan sida dhakhsiyaha leh u taajira ee Burcad badeed ayaa waxa ay baro la yaqaan isla markaasna ay iska soo abaabulaan ku lee yihiin meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya, sidoo kalena waxa ay saanad u soo martaa dhulka soomaaliya kuwaas oo ka yimaadda dalalka dibadda, waxa kale oo ay xiliyadda ay qaataan lacagta aan caadiga ahayn u baashaal tagaan Magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya sida Hargaysa, Burco, Boosaaso, Garoowe IWM 

Maamuladda Islaamiyiinta oo hadeer inta badan gacanta ku haya K/Soomaaliya ayaa iska fogeeyey eedeyn loo jeediyey oo ahayd in ay xidhiidh la leeyihiin Burcad badeedda,Kooxda Alshabaab oo inta badan lagu eedeeyo in ay gacan siiso Burcad badeeeda si ay dhaqaalo uga helaan ayaa eedaas waxba kama jiraan ku tilmaamay. 

Mukhtaar Abu Maansuur oo ah Afhayeenka Dhaq dhaqaaq Alshabaab ayaa waraysi uu siiyey TV-ga Aljazeera sheegay in aysan wax xidhiidh ah la lahayn Burcad badeedda ayna la dagaalameen xiligii Maxaakiimta, waxana uu Maansuur sheegay in Burcad badeeddo ay Hub iyo Dhaqaalaba ka helaan Maraykanka 

Maamulka Puntland oo Madaxdiisa curdinka ah lagu eedeeyo in ay ka mid yihiin Burcad badeedda, xiligii doorashadii Madaxtinimadana ay ka saacideen xaga Dhaqaalaha, ayaa iyagu iska fogeeyey sheegayna in ay la dagaalamayaan oo ay naf iyo maalba la tiigsanayaan Tir tiridda Burcad badeedda 

Deegaanadda Puntland gaar ahaan G.Nugaal oo uu ka soo jeedo Madaxweyana taladda haya ayaa ah Hoyga Burcad badeedda iyada Magaaladda Eyl oo ah laf dhabar Burcad badeed u ah ay Garoowe u jirto 219 km , Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Gen Cadde Muuse Xirsi ayaa sheegay in ay Awood u waayeen Burcad badeedda waxana aysan ka qaban Karin oo ka gacan taagtay, 

Madaxweyne Faroole oo laftiisa lagu tiriyo in uu Burcad badeeda Taageero ayaa dhawaan Socdaal ku tagay Deegaano ka tirsan Gobalka Bari sheegay in uu soo qabqabanayey Burcad badeed soo sahaminayey deegaanka Mareer oo degen yihiin hase-yeeshe Eyl oo 219KM u jirta Faroole Miyuu u soo sahan Uruursanayaa mise Indhihiisu ma qabtaan Nawaaxiga Nugaal? 

Maamulka Somaliland oo dhulka uu ka taliyo aysan Burcad badeedu baro la yaqaan ku lahayn hadana kama madhana joogitaankeeda, waxa ayna u isticmaalaan socdaaladda iyo waliba dhigashadda lacagtoodda, Burcad Badeedu wax ay u dalxiis iyo damash leh tagaan Magaaladda Hargaysa, waana laga dareema marka ay soo galaan iyo marka ay ka baxayaan balse maamulka Somaliland ayaa dhawr jeer qaar ka mid ah Burcad badeedd ka qabqabtay deegaanadda uu ka taliyo kuna riday xukun xadhigeed 

Maamuladan ka jira Soomaaliyaa ayaa iska fogeeya in ay wax xidhidh ah la leeyihiin burcad badeeda, sheegana in ay la dagaalamayaan oo aysan nabadi dhex ool balse ma jirto wali maamul si hagaagsan isku xil qaamay,mana jiro maamul ficil ahaan ku beeniyey in ay saamiyo ku yeelihiin lacagta madax furashadda ah ee laga soo qaado Badd maaxayaasha 

Ujeedka Maraakiibta hoganaysa xeebaha Soomaaliya 

Waxaa ku sugan Biyaha Soomaaliya iyo waliba Meelo u dhawow Maraakiib fara badan oo ka kale socota wadamadda caalamka ugu awoodda iyo dhaqaalaha badan ah, waxa ayna Maraakiibtani u yimaadeen ogolaansho ay ka heleen Q.M kaas oo qeexayey in Burcad badeeda la la dagaalami karo muddo lixda bilood ah 

Hadaba runto waxa ay tahay Maraakiibtani waxa ay u yimaadeen iyo waxa ay u joogaan ma ahan isku mid, mararka ay Burcad Badeedo ay weerarayaan Maraakiibta/doonyaha oo ay qafaalanayaan waa ay arkaan kamana dhicinyaan, mana jiro wali weeraro ay ku soo qaadeena waama ujeedkii ay u yimaadeen 

Tan iyo markii ay la waayey Dawladii Soomaaliya waxaa jiray wadamo sida ay doonaan u adeegsanayey Baddeena, dhulkeedana ( Ciideena) iyo Hawaneedna kuwaas oo aan cidna wax ka weydiinayn, Maraakiibtani waxa ay u yimadeen ayaan shaki ku jirin oo ah sidii ay sunta ka soo hadhay Warshadahooda ay ugu daadin lahaayeen Badeena, sidoo kalena ay u guran lahaayeen Kaluunka, Libaax Badeedka iyo dhamaanba khayraadka Eebaheen ku manaystay Baddeena, intii ay Soomaalidu isku maqnayd Badeedda lagu maqnaa 

Sida kaliya ee lagu maarayn karo Mooryaanta Burcad-badeeda ayaa ah in la helo maamul Somaaliya oo ka dhan ka jira kaas oo Bariga kala dagaalama weeranana ku qaada kana suuliya Magaalooyinka ay degen yihiin balse Maraakiib Badda taagani waxa ay ilaalinaysaa waa Kaluunka Soomaaliya oo ay ka ilaalinayso Kaluumaysatadda Soomaalida 

Hadaba Maraakiibta shisheeya ee jooga biyaheena ayaa waxa ay ujeedkeedu noqday sidii ay u xaalufin lahaayeen sidoo kalena Burcad badeedu ayaa iyaduna ujeedadeedu tahay in ay dhacaan Maraakiibta Ganacsiga,Damashlaynta,kuwa sida Caawimadda sida, markaa saw ma ahan labo kooxood oo is gaashanaya iskuna dano gaadhayaa, danahooda gaarka ahana wada ilaashanaya . 

Ilaahay Dawlad Islaam ah oo Caadil ah oo Soomaali u dhantahay baanu kaa barinay 
Amiin Amiin Amiin 

Cabdiqani Makhtal Maxamed 
Cabdiqanimakhtal@hotmail.com 
cmakhtal@yahoo.com 
0025290637448 
Laascaanood Sool 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS