Faallo: Hasha
Labada Geel jecel !
( Gari labo kama
wada qosliso !)

Hussein abdikarim Ahmed –gendisch
Raleigh, NC , USA
Gendisch@aol.com
Maarso 2009
Waxaa ugu horeeya dowladii ku meel
gaarka ahayn ku sii dhowdahay todoobaadkii afraad ee muqdisho ku sugan
tahay dowladu waxaa ay ka degtay muqdisho Iyadoo ka joog la leeyhay ay
ku adkeeysatay in ay muqdisho ka shaqeeyso airportka muqdisho ka degtay.
Madaxayadiina iyo PM u hoyden guriga somalida ( Villa Somalia ) arintaas waxaa
ay soo jiidatay indhaha caalamka iyo somalida meel kasta oo ay joogto.
- Waxaa iyadana muuqaal wanaagsan
noqotay in dowladu aanay u jawaabin , madaafiicdii lagu garaacay,
madaxtooyada iyo xarumaha kale ee ciidamada afrikaanku joogaan taasoo
uJeedad alaga lahaa ay ahayd in shicibka laga hor keeno.
- Shiikh axmed daahir aweeys oo
nabadoon soomaliyeed ah ayna walaalo yihiin Sh. Hasaan daahir
oo dagaal ku baaqe ah ayaa hayd arinta ugu hadal heeska badan ee
muqdisho isagoo xasilyey , xagoog dagaal doon ahaa kuna baaqay in nabada
jaanis la siiyo , kadib markii culimo uu ku jiro ku guuleeystay in
shacabka loo cadeeyo in wax lagu dagaalamo aanay jirin oo dowlada la
raaco.
- ku dhawaaqidii dowlada omar
cabdirashid oo ay hurmuud ka yiihiin rag iyo dumar Somali nimo lagu yaqaan
ayaa ahayd arin aad loogu riyaaqay inkasta oo dhaliilo yar iska jireen oo
ku saabsan magacaabida golaha wasiirada . laakiin gari laba kama wada
qosliso ayey soomalidu ku maahmaahda
- Taageeradii shacabka muqdisho
muujiyeen in ay xajistaan amaankooda oo aan qalqal laga galin ayey ahayd
tallaabdii ugu habooneed ay reer muqdisho qaadaan . waxaa soo dadajiyey
talaabooyinka culimda soomaliyeed ee shirka ku yeeshay muqdisho ee
hogaamiyo ahmed salad, kuwa majmaca cumlumada soomaliyeed ee sh. Axmed
dhicisow iyo dagaalkii aan lga fiirsan ee xusbul islaam.
- Wareesigii sh. Yousef indhacadee
uu la yeeshay BBC ayaa iyaduna kentay I ragii dagaalka waday
ay inkiraan in arinta ku leg leeyihiin kadib markii wariyihii wareeysanay
waa Yusuf -Garaad Omar ahmede u cadeeyey inaanuu bunka uga dhimi
doonin Kuwa ummada ku haya Xasuuqa. Sh omar imaan iyo fadwdiisii
markaas ayaa u danbeeysay.
Sidoo kale waxa todobaadkan soo
maray arimo aanay ka maqsuudin shacabka soomaliyeed , Gaar ahaan kala
daadsanaan ka muuqata xafiiska madaxwaynaha iyo kan wasiirka koowaad
iyadoo aanay wali diyaarin raggii iyo dumarkii xafiikooda ka shaqeeyn lahaa
gaar ahaan warbaahinta oo looga hore maray. waxa wax lala yaabo ah in
madaxaxweynaha oo shir jariid qabanaya ay u hadalkiisu u muuqday nin aan
diyaar ahayn oo laba askari oo afrikaan ah oo kaliya dhinac ka taagan tahay
,waxaa ka rabay inuu muujiyo inaanu jabhad ahayn ee yahay madaxwayne qaran
soomaliyed. Waa sidiisi iyo dibad jeceyle waxaa u dhaqaaqay safar
iyadoo wasiirkii koowaad joogo. Miyaanay ahayn in madaxwaynuhu joogo oo
magaaladiisa nabad ka keeno. Wasiirka koowaadna shaqo u baxo. Maxa is daba
marsan.
- Arinta ugu horeeysay waxaa ay
noqotay in shariif xasan oo beryanahan dhaliilo badan loo soo jeediyey ,
talaabadii ugu horeeysay ay noqoto inuu booqasho ku tago dekada oo la
leeyhay waxaa la doonayaa in lacagteeda lala soo wareego . isla markaan
aanu ka jawaabin warbixino laga qoray oo sheegaya inuu doonayo inuu
ku tagri falo canshuurta qaranka , ee dekadaha iyo airpotka , kadib markii
ay iska daaqayeen dhiigmiirato aan dowladnimo aqoon oo sidii
hogaamiyekooxeed u dhaqma. Ma xuma laakiin siyaasad in la dhiso dakedaha
dhan ee somaliya lagu howlgalinaya ayaa muhiim ah. Laga qabanayo shaqooyin
dhaqaale ururin iyo talooyin isku mid ah. Laga bilaabo , tan muqdisho,
bosaaso iyo meelihii kale ee dowladu ka taliso iyo sida daqli looga
heli karo federal ahaan. Waxaa ay ku wanaagsaneed inuu tago
isbitaalada madiino, dayniile , cisaleey marka hore oo soo booqdo shacabka
halkaas ku dhibaateeysan.
- Waalidii siyaasadeed iyo
aflagaadiadii laga soo wariyey Cabdiraxmaan ibbi. Wasiirka
kaluunka iyaa iyaduna noqotay arin walaac ku abuurtay somalida dibada iyo
gudaha si isku mid ah. Waxaase ka daran in dowlada uu ka warbidiyo
dagaal u oomana la yiraahdo sh .Muuse caraale oo idaacad ksta taagan…waa
yaabe aaway wasiirkii warfaafinta ee dowlada, afhayeenkii madaxwaynahe
( Ciise cadoow) . kii raisal wasaaraha ma waxaa ka war badiyey
wadaad aan la aqoon . isaga ayaa la rabaa in howshaas loo dhiibo
hadii anaay hanan karin .
- Booqashadii addis ababa ee
geesigii Omar xaashi ee ku caan baxay inuu yahay kii ka sifeeyey ,
gobolada dhexe cadowga amxaarada ayaa waxaa ay noqotay wax aan caqliga
gali Karin. Maanaa waalan mise cadan ayaa laga heesayaa . itoobiya somaali
oo dowlad noqota ma dooneeyso . sharafna uma heeyso qarankeena soomaliyeed
. Markii uu PM , Sanawi ay kulmeen shariif waxaa uu ugu yeeray qofkaan (
this person) . tasoo ay ka muuqato yasid tii ugu xumeeyd ee madaxweyne
qaran loo geesto kadib markii magaciisa xitaa lagu dhawaaqi waayey. Waa
maxay sababta cumar xaashi ku kaliftay inuu itoobiya aado. qaybdiid
gartaye , xagee loo wadaa copy amxaaro. Waxaan shaki ku jirin meel
kasta oo ay tagaan in loo baahan yahay in loo furo tababar looga
sifeeynayo wixii lagu soo shubay. Socdaal aan laga fiirsan !
- Waxaa maqan in sh . Shariif
Tuso show of force iyo inuu sameeyo dhaqdhaqaaq magaalada
dhexedeeda ah oo booqanayo airport, dekada, masaajidka isbaheeysiga,
isbitaal madiina si uu tusiyo ummada inaanu ahayn nin cabsanaya oo
ku hoos jira ciidamada afrikaanka ah.
- ka maqnaashihii dowalda ragii ugu
caansanaa wasiiradii Nuur cadde ayaa iyaduna dhabar jab ku noqon
doonta dowlada hadii aanay soo afjarin saluuga ka muuqda ragiii wax ka
diyaariyey in dowladaani dhalato oo shacabka ay helaan dowlad Midnimo
qaran. Oo ay hada ka muuqato dowlad midnimo Shariif iyo ragiisii. waxaan
oran lahaa Miro barde duuduub ayaa laa cunaa , waa in dowladu iska dhaafto
nin tooxsiga iyo kani waa saaxiibkeey oo lagu soo daro dowlada
qofkasta oo aan looga maarmin qaranimada soomaliyeed.
- Dowladu waxaa ay ka gaabsatay oo
aanay marna ka hadal dagaalkii ahlu sunna waljameeca ku qaadeen gobolada
dhexe oo itoobiya daba ka riixeeyso( Wabxo to Dacda-Guryasamo) . Golaha
wasiiradu marna kama hadal waa yaabe dowladu miyaanay masuul ka ahayn
shacabka dagaalamaya oo xitaa oran weeysay dagaalka hala joojiyo raalina
kama nihin. In ay u hadasho sidii dowlad. Sidoo kale waxaa la burburiyey
biyooleey, kama hadal , waxaa la dilay laba nabadoon oo balcad ka soo
jeeday, kama hadal. PM waxaa uu ku socdaa jid mugdi ah oo aan iftiin la
raaco oo looga baxo aan ummada tusinin. Hadii ay sidaas ku wadaana waxaan
shaki ku jirin in ay noqon doonaan kuwo ka liita tii cabdiqaasim salad iyo
tii Cabdilaahi yousef ahmed.
- Arinta Ugu qaabka daran ee dowladu
la kulantay bishaan waxaa ay tahay markii dowladu noqotay mid kale
hadasha oo aan xiirrsaneeyn. Kadib markii ay cadaatay in wasiirada dowlada
aanay si toos sh u wargelin ulana xirirrin wasiirka kowaad. Kadib
markii ay isku dayday ind dowladu qariso hankeeda siyaasadeed oo dowlada .
dowladu kama qada qoslin karto Wakiilka qaramada midoowbay oo isagu ah (
de facto PM) iyo shacabka soomaliyedd , gaara ahaan reer muqdisho oo
lagu marin habaabiyey in ciidan afrikaan oo kale aan dalka la keenin,
sideedaba yaa diidan in ciidan shisheeye la keeno muqdisho, labo qolo ayaa
diidan mid waa dadkii xooga ku heeystay shacabka somaliyeed 20 sano ee la
soo dhaafay, kan labaadna waa urur diimeed doonaya in ay meesha xoog ku
qabsadaan. Hadii ciidamada dowlada afrikaanka ah aanay xamar joogin,
dowladu kama taliseen, airport, dekeda iyo madaxtooyada oo dadkaas diidan
ayaa mar hore qabsan lahaa. Sidaas darteed dowladu waxaa u baahan
tahay in ay shacabkeeda u cadeyso in ciidanka afrikaanku ah ay u baahan
yihiin inta dib u heshiisiinta alshaaab laga dhameeystirayo. Inta ciidan
somaliyeed s dhismihiisa lagu jiro la soo dhameeynayo. Hadii aanay dowladu
arintaas xalin waqtiga dhow waxaa iman doonta in ay lumiso taageeradii
shacabka oo loo arko in tahay mid laba canleeyn ku jirta. Somalidu waxaa
ay ku maahmaahdaa “ Hasha labada geel jecel meel dhexe
ayaa dhurwaagu ku cunaa “
Hussein Abdikarim ahmed-Gendish
Raleigh, NC, USA
Gendisch@aol.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
MAQAALLADA
KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI.... Faafin: SomaliTalk.com | March 28, 2009 |