SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shir loogahadliyay saxaafada soomaalida oo ay soo qaba qaabisay hay’ada u dooda xuriyada hadalka ee SOCFEX, shirkaas oo ay maalgelisey safaarada Canada ee magaalada Nairob ayaa lagu qabtey magalada Nairobi Dalka kenya

Waxaa shir looga hadlaayey sharciga saxaafada / anshaxa saxaafada iyo sida qorshaha ku haboon xilagan sida loo hormarin karo saxaafada Soomaliya.

Shirkaas oo ay soo qaban qaabiyeen hay’ada u dooda xuriyada hadalka SOCFEX, shirkaas oo ay maalgelisey safaarada Canada ee magaalada Nairobi waxaa ka soo qayb galey hay’adaha deeqda baxsho, ee doonariska iyo kuwa qaramada midoowe sida UNDP,UNESCO iyo suxufiyiinta caalamiga sida BBCda ROTERS iyo kuwa dalkaba. Soomaaliya ayaa lagu qabtey magalada Nairobi ee dalka kenya hotelka Ban Africa

Shirkaas oo looga doodayey labo qodob kuwaas oo kala ah sharciga saxaafada/ anshaxa saxaafada iyo qorshaha ku haboon ee xilagan lagu hormarin karo saxaafada dalka.

Ugu horeyntii waxaa shirka qudbad soo dhaweyn ah ka soo jeediyey xiriiriyaha hay’ada SOCFEX Osman Mohiadin Shatah isagoo xusey sida ay manta fursad qaali ugu tahay saxufiyiinta soomalida mr haddii shaqsiyaadka halkan fahdiya oo matalayo hay’adaha kala duwan ay kawada hadlayaan dhibaatooyinka hor yaalo saxaafada Soomaliaya.

Sidoo kale waxaa meesha ka Hadley qunsulka safaarada Canada oo xusey muhiimada ay leedahay saxaafada iyo sida laga rabo in aduunku taageero saxaafada Sooomalida

Doodihii dheeraa ee kazoo qayb galayaasha ku doodayeen waxaa ka mid ah in marka hore sharciga saxafada laga hadlin laga hadlo sidii loo tababari lahaa suxufiyiinta oo tayadooda kor loogu qaadi lahaa

Sidoo kale waxey dadku ka hadleen in ay muhiim tahay in hay’adaha saxaafada dalka laga tala geliyo sida loo hormarinaayo saxaafada isla markaana wada shaqey ay yeeshaan kuwa gudaha iyo kuwa dibada

Dadkii ka soo qayb galey waxaa ka mid ahaa afhayeenka wakiilka qaramada midowmey Ahmed Walad Abdalla, Mss susannah price oo halkaas ka soo jedisey qudbaba wakiilka iyadoo ka hadashey sida uu u daneenayo horumarinta saxaafda dalka. Oo shaagtay in mihiim tahay in laga qeeb qato dhisida saxafiyiinta soomaalida oo ayshegtay in ay udub dhaxaad u yihiin geedi socodka nabada ee soomaaliya waxaayna aad ugu boorisay dowladah deeqaha baxsho in kalin ka geestan sidii looogu hali lahaa saxfiyiinta soomaaliyed tabaro caalami ah si ay ugu adeegan dadka soomaaliyed oo mudo 20 sano ah ku soo jiray colaad daashatay

Sidoo kale waxaa isgana halkaasi ka Hadley safiirka wadanka soomaaliya maxamed cali ameeriko iyo safiirka wadanka faran siiska iyo xilibaan moolid macaane maxamuud liibaan oo ka socday barlamaanka dalka soomaaliya iyo qaar ka mid ah haydaha xuqul insanka soomaalida sida hayada DR cumaaciil jimcaale oo ay ka socotey Mss maryan owreeyo iyo sidoo kale Luul Maxamed oo ka soctey hayada Sharmarke Fuondtion iyo qaar ka mid ah saxfiyiinta soomaaliyed oo ka soo shaqeeyay saxaafada soomaaliya mudo dheer iyo Prof Qaadi oo kamid ah qabiirada saxafada soomaalida waxaanu kulankaas oo ay soo qaban qabisay hay’ada u dooda xuriyada hadalka SOCFEX, shirkaas oo ay maalgelisey safaarada Canada ee magaalada Nairobi ayaa Gabagabadii shirka waxaa talooyin lagu soo jeediyey in ay wada shaqeyn yeeshaan hay’adaha saxafada dalka iyo iyo kuwa caalamiga sidoo kale in qorshaha horumarinta saxaafada dalka ay kawada tahstaan Somali donor media working group iyo kuwa wadanaiga

Waxaa kaloo laysku raacey in dib u eegis lagu sameeyo sharciga saaafada.

Arinta kale oo aad xooga loo saarey waxey ahayd sidii tababro gaarayo ilaa lix bilood ugu yaraan loo siin lahaa saxaafada soomalida.

Ugu danbeentii waxaa halkaasi shahaadooyin lagu gudoonsiyay qaar ka mid ah saxfiyiinta soomaalida oo siminaar soconiyay mudo bil ah ugu soo gab gaboobey hoteelka 68 ee magalada Nairobi kaaso ay soo qaban qaabisay hay’ada u dooda xuriyada hadalka SOCFEX ayaa ku soo gab gaboobey jawi heer saro ah

Fuaaad Maxamed Cilmi (FuaadDeeqsi)

Nairobi Kenya

Email fuaaddeeqsi@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 27, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS