SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxweynaha maamulka goboleedka puntland C/raxmaan Maxed Faroole ayaa Khamiistii ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee magaalada bosaso isagoo ka soo ki Citamay wadanka jabuuti.

Halkan ka dhagayso Warbixintii Dr. Faroole siiyay saxaafada ama soo rogo

Garoonka diyaaradada ee magaalada bosaso madaxweynaha waxaa ku soo dhoweeyey maamulka gobolka wasiirada amniga iyo arimaha gudaha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha markuu gaaray madaxtooyada ayuu warbaahinta uga waramay safaradii uu ku soo maray wadamada jabuuti iyo ethopia,ugu horayna wuxuu kawarbixiyey madaxweynuhu waxyaabaha ay kawada hadleen masuuliyiinta ethopia wuxuuna sheegay in labada dhinac ay si weyn uga soo wada hadleen amaanka gobolka geeska afrika iyo sidii puntland iyo ethopia isaga kaashan lahaayeen dhinaca amaanka sidoo kalena wuxuu sheegay madaxweyne faroole inay ethopia ka soo wada hadleen in ciidamada puntland ay ethopia tababar siiso iyo in sidoo kale labada dhinac ay samaystaan duulimaad dhanka diyaaradaha ah oo u kala goosha labada dhinac .

Sidoo madaxweynuhu wuxuu ka xogwaramay kulamadii uu jabuuti kula soo qaatay masuuliyiinta wadankaas iyo dhinacyadii kale ee jabuuti uu kula kulmay wuxuuna sheegay in ay madaxda jabuuti kawada hadleen sidii soomaaliya ay u heli lahayd nabad laysku halayn karo wuxuuna intaas kudaray in ay ka codsadeen dawlada jabuuti dhismaha dekeda magaalada bosaso dhinaca farsamada iyo isku xirnaansho dhinaca ganacsiga ah,sidoo kale madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu ka qaybgalay kulan ay isugu yimaadeen ganacsatada soomaalidu magaalada jabuuti kulankaas oo qaramada midoobay soo agaasintay.

Madaxweyne C/raxmaan Maxed Faroole wuxuu ugu dambayntii ka hadlay rabshadihii dad ay ku dhinteen kuwana ku dhaawacmeen ee ka dhacay magaalada bosaso ee ka dhashay qabashadii sheekh cismaan ee ciidamada PIS wuxuu sheegay inuu aad uga xunyahay rabshadihii bosaso ka dhacay loona xilsaaray gudi soo baara cidii khaldanayd dhowaana warbixino laga sugayo.
Madaxweyne faroole ayaa gabagabadii xogwarankiisa ku sheegay in dhamaan heshiisyadii ay soo kala saxiixdeen wadamada jabuuti iyo ethopia ay si wanaagsan u dhaceen.

cabdirisaaq xasan cabdi
cabdirisaaqjuba@hotmail.com
bosaso-somalia

Faafin: SomaliTalk.com | March 27, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS