SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Siminaar Argagixiso la Dagaalan oo Lagu Soo Gebagebeeyey Guriga Ummada ee Caasimada Dalka Jabuuti

Aqoon is-weydaari soconayey 26 maalmood oo uu soo qaban qaabiyey Xafiiska Argagixiso la dagaalka Urur Goboleedka IGAD oo ay ka faa'iideysanayeen 30 xubnood oo ka kala socda Xafiisyada Madaxtooyada Dowlada Jabuuti, Wasaaradda Arimaha Gudaha, Wasaaradda Garsoorka, Bankiga dhexe ee dalka Jabuuti iyo Qaybaha Ciidamada kala duwan ee dalka Jabuuti oo isugu jira Ciidamada Jendermaarii, Ciidamada Booliiska, Ciidamada Badda ayaa lagu soo gebagebeeyey Guriga Ummadda ee Caasimada dalka Jabuuti 26/03/2009-ka.



Madaxa Rugaha Ciidamada Jender Maariiga Magaalo Madaxda dalka Jabuuti, islamrkaana ah madaxa la dagaalanka Argagixisada Caasimada dalka Jabuuti Kabtan Xuseen Nuur Daaliye oo ii waramayey gunaanadkii siminaarka kadib ayaa waxaa uu yiri "siminaarka wuxuu bilowdey 01/03/2009-ka, waxaa looga hadlayey sidii looga hortegi lahaa halista Argagixisada Gobolka oo laysaga kaashan lahaa ka hor taga Argagixisada kale ee ka timaada Aduunka, oo laysula fahmo waxa loo yaqaan Argagixiso, arimaha Xuquuqul insaanka,loona yareyn lahaa dhibaatooyinka xuduudaha, laysagana kaashan lahaa hadii Ruux Argagixiso ah uu ka soo tago wadan ka mid ah wadamadan Gobolka oo ay u wada xiriiri lahaayeen, loona ogaan laha cida maalgelisa Argagixisada iyo sidii loogu wacyi gelin lahaa shacabka halista Argagixisada" ayuu yiri Kabtan Xuseen Nuur Daaliye


Kabtan Xuseen Nuur Daaliye

Md, Kabtan Xuseen Nuur Daaliye wuxuu keloo ii sheegey “Aqoon is-weydaarsiga waxaa wax ka dhigayey Khubaro ka socotey Ciidamada Booliiska dalka Ingiriiska iyo xubno ka socdey Xafiiska Agagixiso la dagaalanka Urur Goboleedka IGAD, siminaarkan oo kalena hore ayaa loogu soo qabtey dalallka Ugandha, Itoobiya, Soomaaliya oo iyaduna loogu qabtey magaalada Adis Ababa dhowaan, Kiiniya ayaa iyaduna loogu qaban doonaa bilaha soo socda, waxaana isla meel dhigney Mas’uuliyiinta Urur Goboleedka IGAD mar aan ka qayb galey shir looga hadlayey arintan, marka uu u soo gebageboobo qaybihiisa hore aqoon is-weydaarsigan, waxaa inoo qorsheysan in la bilaabo siminaaro kale oo gaa gaaban oo looga hadlidoono kolba mowqifka taagan ee dhinac Argagixisada waxa ka dambeeya bisha Juun ee soo socta, si ay uga faa’iideystaan qaybaha kale ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Ciidamada Jender maariiga noocooda, Wariyeyaasha iyo Ururada Bulshada, maadaama aanu isla garaney in shacabka qayb weyn ka qaadankaro la dagaalanka Argagixisada, islamarkaana dowladu aysan ahayn Mas’uuliyiinta sar sare oo keliya, balse dowladu ay tahay shacabka oo soo gudbiya hadba Ruuxa aysan garaneyn ee kusoo kordha deegaankooda”.
 


mid ka mid ah IGAD oo abaal marin bixinaya

Mar uu ka hadlayey sababta Bangiyada loogu soo darey aqoon is-weydaarsiga ayaa wuxuu yiri “ waa in la ogaadaa cida maal gelisa Argagixisada, lana ogaadaa baananka lacagaha ay soo dhigtaan, si loo joojiyo dhaqaalahaas faraha badan ee ay ku fuliyaan hawlaha Qarxinta, hadii la helo lacag weyn oo ay soo dhigtaan Bangiyada, islamarkaana ay ka shekiyaan ruuxa soo dhigtey lacagta si ay u soo gudbiyaan, sida Bank Jabuuti xad baa loo yeeley, wax ka badan Hal Milyan Dj Faran ah, hadii aad dhigato waa lagu weydiinayaa halka aad ka keentey lacagtaas”


Lataliyaha Wasiirka Cadaalada oo gudoonsiinaya mid ka mid ah Ciidamada Booliiska abaal marin

Xiritaankii Siminaarka ayaa waxaa ka Hadley Wasiirka Cadaalada dalka Jabuuti Md, Maxamed Cabdullaahi Barkhad iyo Madaxa Xafiiska la dagaalanka Argagixisada, waxaana gunaanadkii lagu gudoonsiiyey abaal marino qaybaha kala duwan ee ka faa’iideysanayey siminaarka.


Kabtan Xuseen Nuur oo la gudoonsiinayo Abaal marin

Laakiin mash-ruucaan la dagaalanka Argagixisada ee ku caan baxay Qarnigan 21-aad ee ka bilowdey dalallka dunida oo siyaabo kala duwan uga faa’iideysta ayaa dowladaha ku bahoobey IGAD wuxuu u muuqdaa mash-ruuca ugu weyn oo ay ku mideysan yihiin, inkastoo dalka Soomaaliya uu ku yahay mid sii hurinaya dhibaatada ka jirtey mudada dheer, iyadoo ay ugu wacan tahay mideyn la’aanta aragtida siyaasadeed ee Kooxaha isku haysta talada dalka Soomaaliya, kuwaasoo aan u muuqanba halka aduunku uu u sii guurayo, inkastoo aan wali waxa lagu sheego Argagixisada aan loo helin micno dhab ah, hadana qaar ka mid ah dalallka caalamka waxay kala aaminsan yihiin qaarkood in loola jeedo dadka Islaamka, halka kuwo kale ay qabaan kuwo ka soo horjeeda fikradaha fur furan ee micnooyinka kala duwan xambaarsan ee horumarka Dimoqoraadiyada iyo nolosha bani’aadamka, taasoo ay dan ugu jirto dad gaar ah.


Wasiirka Cadaalada oo soo xiraya aqoon is-weydaarsiga


Wasiirka Cadaalada jabuuti Md, Maxamed Cabdullaahi Barkhad


sawirka Guud ahaan

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 27, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS