SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Jaaliyada Soomaalida Koonfurta Afrika oo tallo muhiim ah fartay Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Sawirada halkan  ka daawo

Wasiirka qorsheynta iyo xariirka caalamiga ah ee DKMG ah Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maalmahan socdaal oo ku hakaday magaalada Johannesburg isaga oo ka yimid shirkii Tokyo International Conference on Africa's Development (TICAD IV) ee ka dhacay Gabrone dalka Botswana ayaa kullan la yeeshey maamulka iyo madaxda Jaaliyada Soomaalida ee K/Afrika (SASA), kullanka ayaa lagu kala qaatay warbixin Soomaalida dalka ku nool, wax qabadka xafiiska jaaliyada iyado wasiirka lagu siisey tallooyin wax ku ool ah oo ku socda Dawlada guud ahaan gaar ahaana Madaxwayne Sh Shariif Sh Axmed.


Sawirada halkan  ka daawo

Kullanka wuxuu habeenkii xalay ahaa ka dhacay hoyga mid ka mid ah mas’uuliyiinta jaaliyada, waxaana kasoo qeyb galay inta baddan hogaanka jaaliyada, ganacsato, odayaal, qeybaha saxaafada, iyo aqoonyahano, waxaa waliba joogey sarkaal UN-ka tirsan oo ka yimid dalka Zimababwe

Wasiirka oo uu weheliyey ganacsade Xaaji Muuse Ganjab oo marti u yahay wasiirku ayaa waxa uu Gudoomiyaha Jaaliyada Maxamed Cabdi Diiriye (Qooqaani) ka dhagaystey warnixinta ku saabsan Jaaliyada oo marka magaceeda lasoo gaabiyo uu yahay (SASA), waxaa loo sheegey in jaaliyadu la asaasay 1997-dii, muddadii 13 –ka sanno ahaa ee ay dhisneyd ay Soomaalida wax usoo qabatay, waxaa loo sharaxay in xataa Jaaliyadu ay Soomaalida lagu dhacay wadanka u qaybisay lacago $2500 ah oo ay dukaamo dib ugu furtaan kadib markii la dhacay.
Intaasi ka dib waxaa hadalkii qaatay Dr. Yaasiin oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo siweyn looga qadariyo Soomaalida dhexdeeda, wuxuuna ka waramay xaaladaha Soomaalida halkan ku heysta, isagoo bixiyey talooyin ay ka midyihiin in xaalada Soomaaliya ay joogto meel wanaagsan oo wax laga qaban karro.

Haddii aad 4 (W) ku shaqaysaan waad guulaysanaysaan:
Wada Tashi,
Wada Shaqayn
Waxbarasho
Wax iska maqal

Waxaa intaasi kadib hadalkii qaatay Axmed Dawlo agaasimaha guud ee SASA, mudane Dawlo wuxuu sheegey in jaaliyada ay soo qabatay wixii karaankeeda ahaa oo ay soo buuxisey heerkii dowlad looga baahnaa illaa xad, Dawlo wuxuu wasiirka usoo bandhigey dukumeendigii dowladii Cabdiqaasim ay jaaliyada ku wakiilatay in ay Soomaaliya u matasho dalkani Koonfurta Afrika, kaarkii ugu horeeyey ee xubinimada jaaliyada oo loo sameeyey Sheekh Shariif sanooyin ka hor xiligii maxaakiimta iyadoo isaga lagu sharfayay, (M/weyne Shariif ayaa hadiyad ahaan loogu sii dhiibey), dukumeendiyo cadaynaya lacago gargaar ah oo dad Soomaaliyeed ay jaaliyada wax ugu qabatay iyo sidoo kale waraaqo dowli oo ah K/Afrika.


Sawirada halkan  ka daawo

 

Wuxuu Dawlo wasiirka u sheegey in aysan jaaliyada ku farxin qaabkii Isbahaysiga ay ugu biireen wax uu ku tilmaamey dooni sii quuseeysa oo uu ooga jeedey dowladii KMG ee dhacday, laakiin si kastaba wali ay jirraan fursado lagu xaqiijin karro ahdaaf baddan.

“Waxa loogu yeedho Beesha Caalamka waxaa ka muhiimsan Muqaawamada oo lala hadlo oo wakhti lagu bixiyo” ayuu hadalkiisii ku daray Dawlo.
Wasiirka waxaa loo sheegey in jaaliyada ay si buuxda u taageertey maxaakiimtii Islaamiga sanadkii 2006, kadibna si weyn u taageertey isbahaysigii dib u xoreynta, gacan weyna ka geeysatay halgankii loo galay xoreynta dalka taasoo ay jaaliyad ku abuuratay cadaw baddan, gaar ahaan taageerayaasha Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi iyo safaarada Xabashida.

Guud ahaan Talooyinkii ay Jaaliyadu siisay Wasiirka
1. In dowlada ay dadaalkeeda ugu wayn ay ku bixiso muqaawamada oo aysan fogeynin cidna
2. In laga dhawrsado in kaalmo shisheeye la’isku haleeyo
3. In ciidan shisheeye laga dhowrsado
4. In lala yimaado waxqabad muuqda si loo kasbado taageerada shacabka
5. In madaxa lagu hayo in Ethiopia ay tahay cadowga Soomaalida isla mar ahaantaasna ay tahay dariska Soomaalida oo ay inaga inoo taala sidaan ula macaamili lahayn cadow aad garanayso
6. In dowlada ay waftiyo u dirto gobolada dalka, gaar ahaan inta ay muqaawamada gacanta ku hayaan, oo jawi wadahadal ah la abuuro

Waxaa kadib hadlay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si weyn jaaliyada oga mahadceliyey la kulankeeda, wuxuuna yiri “waxaad tihiin dadkii ugu horeeyey ee illa taliya, dadkii kale ee aan lasoo kulmey su’aalo uun I waydiinayeen” , Wasiirku wuxuu ka warbixiyay marxaldihii ay soo mareen Isbahaysiga iyo sidii uu u dhalay xukuumada haatan uu madaxwaynaha Sh Shariif ka yahay.
Wasiirka ayaa yiri “ninka meesha uu joogo sida uu xog-ogaalka ugu yahay uma ahan kan dibada ka jooga, waxyaalo baddan oo dadka banaanka jooga la quruxsan ayaanan kuwa gudaha jooga ee xaalka aanan la quruxsanayn, sababtoo ah waxa jirra ayay ka warhayaan, runtii naftii hurid baddan ayaan sameeyney, wax kastana waxaan ku miisaaney masaaliixda ummada”. Markii uu ka hadlayay dhanka dhexdhexaadinta wuxuu yiri “walaalaheen markasta diyaar ayaan u nahay in aan la hadalno, garabyada qaarkoodna wadahadalka waa uu noo socdaa”

“Walaahay xataa waxaa jira rag aan guryahooda ugu tagnay. Waanu wadaynaa dadaalka nabad raadinta si xataa inta wakhtiganau ku eg yahay aan isugu dayno in wax uun u hirgalo”
Mar uu ka hadlay ciidamada dowlada ee isku dhafka ayuu sheegey in kuwana ay leeyihiin anshax wanaagsan, kuwa kalana ay leeyihiin xirfad ciidan balse anshax daro ay heeyso, wuxuu intaasi ku daray in ay tahay in la tabobaro laddaba, muhiimada koowaadna la siiyo ciidan qaran si looga maarmo ciidamada shisheeye.
“Ciidankii Maxaakimta ee taageeray Dawlada Shariifku madaxa ka yahay wali way diidan yihiin inay dirayska xirtaan ciidankii hore ee TFG. Waa caqabad jirta oo shaki ayaa wali jira” ayuu yiri C/Raxmaan.

Guud ahaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo ay tahay markii koowaad ee uu dalkani yimaado wuxuu halkani kala kulmey shucuur kala duwan, iyadoo dadka ay isku wada raacsanyihiin taageerada dowlada laakiin aqlabkooda ay quuddaraynayaan, kana jeclaan lahaayeen in dowlada ay heshiis la gaarto garabyada muqaawamada oo dadka ay ka warhayaan in ay dalka xoreeyeen. .

Waxaa soo tebiyey: Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo): saxansoxo1@hotmail.com

iyo Mohamed Ismail : Email: mismacil@gamil.com

Johannesburg, South Africa
 

Faafin: SomaliTalk.com | March 26, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS