SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Burcad badeeda Soomaaliya oo Qabsatay Laba Markab

Midowga Yurub oo sheegay laba markab oo yurub laga leeyahay oo ah Booyadaha Kiimikada qaada in lagu afduubay 24 saac ee lasoo dhaafay xeebaha Soomaliya. Warkan wuxuu kasoo baxay bloc's naval headquarters in Northwood, Britain, markab qaada 9000 oo tan oo Giriiga laga leeyahay, sidayna 19 shaqaale ah ayaa la weeraray qiyaastii 720 Kiilo mitir in ka fog dhinaca bari ee xeebta galabnimadii Arbacada. sidaa warkeeda ku bilowday (AP)

Waxay kaloo sheegeen Khamiistii, 23000 oo tan markab qaada oo Norway  laga leeyahay in lagu qabsaday qiyaastii (400 oo Kiilo miter)in u jirta bariga Somaaliya subaxnimadii Khamiista. 

WARSAW, Poland, Sida ay sheegtay wakaala (AP) Wasiirka arimaha dibada ee Poland iyo Ururka Maraakiibta Norway, waxay yiraahdeen burcadbadeed ayaa qabsatay markab booyad ah (500 Kilometer) in ka fog xeebta Soomaaliya.

Ururka  Mulkiilayaasha Maraakiibta Norway ayaa sheegay Khamiistii markabka Bow Asir inay afduubeen 16-18 burcadbadeed ah. Markabka waxaa saaraa 27 shaqaale ah oo Kabtan Norwegian ah ku jiro.

Tarjumid iyo Faafin Somalitalk.com |Isha warkan waxaan kasoo xiganay (AP)

Faafin: SomaliTalk.com | March 25, 2009
 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS