SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

 ADOO NABAD U BALAWAAJA BELOOY KAALAY LAMA YARI, HADDII AY TIMAADDONA LAMA BOOYO BOOWOOW

Dad ab iyo isir wadaag ah ayaana ilaahay u hibeeyay Puntland,  kuwaas oo aad moodid dad fahansan qiimaha naftu leedahay, micnaha dowladnimo, wada noolaansho, isku taanaasul iyo xumo iska qabo shaba.   Waana sifooyinkaas kuwa deegaamadaan u saamaxay inay ku noolaadaan nabadgelyo, barwaaqo, ganacsi iyo horumar intaba.

Waxaase nasiib daro ah in sanadadii ina soo dhaafay deegaamadaasi laga soo sheegay amni daro, musuq maasuq, cadaalad daro, iyo waxyaalo kale oo aan nafta farxad gelin.  Arimahaas qaarkood waxaa masuuliyadeeda leh ama dusha looga tuuray maamuladii hore ee deegaankan soo maray.

Hadaba waxaa intii dhowr bilood ah deegaankaan masuuliyadeedii la wareeyay maamul lagu hanwaynaa, kaas oo laga filayay ama looga fadhiyay wax ka qabashada dhibaatooyinka kor ku xusan, waxaa looga fadhiyay oo kale soo celinta deegaamada maqan, sugida amniga, soo celinta kalsoonida shacabka iyo dowlada, kor u qaadista adeegyada bulsho, soo noolayta cadaalada, doonista Soomaaliweyn, iyo turxaan bixinta khilaafyada beelaha wax kala tabanaya.

Maamulkaan intii uu talada qabtay wuxuu ku talaabsaday talaabooyin yididiilo dadka gelisay sidoo kale dhacdooyin dadka qaar ka fajicisay waa laga soo sheegay.  Hadaba Soomaalidu waxay tiraahdaa gaal dil gartiisana sii.  Marka waxaan isku dayi doonaa inaan si cadaaladi ku jirto wax uga taabto talaabooyinka fiican ee uu maamulkani qaaday oo in lagu taageero istaahila iyo falalka in laga horyimaado loogana digo maamulkan mudan.

Talaabooyinka Taageerada Mudan:

Waxaa maamulkani howshiisa ka bilaabay xakamaynta iyo xirista dhaqaalaha maaliyadeed ee soo gala dowlada si loo ogaado dakhliga runta ah ee Puntland ay ka hesho illaha dhaqaalaha sida Dekeda , Airportka iyo cansuuraha.  Taasi waxay ahayd talaabo taageero mudan farxadna gelisay shacabka reer Puntland gudo iyo dibadba.

  • Mushahaarsiinta shaqaalihii dowlada ee aan sanadada badan helin mushahaarkoodii iyaduna waxay ahayd talaabo taageero mudan
  • Mowqifkii dowlada ee ku aadanaa shirkii jabuuti iyo difaaca federaalka ee Soomaaliya iyaduna waxay ahayd mowqif lagu taageeray uuna ku saxsanaa maamulku.
  • Dib u habaynta ciidanka Daraawiishta iyo Booliska iyaduna waa talaabo amaan mudan wallow weli howshaasi lagu guda jiro, maamulkana looga fadhiyo dhamaystir howshaan.
  • Mawaaqifta dowladu ka istaagtay Burcad badeedka iyo Tahriibta iyaduna waa go’aamo istaahila taageero , inkastoo taabo gelinteeda iyo wax ka qabadkeeda weli looga dhafiyo dowlada.
  • Dhismaha iyo dayactirka dhismayaasha wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee maamulku waxay ahayd arin amaan mudan.

Talaabooyinka in maamulku ka dheeraado mudan:

Xiriirka Saxaafada iyo Maamulka Puntland:

Saxaafadu waa muraayada caalanku ka daawado xoriyada, habka maamul iyo maarayn ee dowladda , waa indhaha iyo dhagaha shacabka, waa daah ka qaadayaasha waxa dahsoon, u doodayaasha kuwa dulman, turxaan bixinta kuwa khaldan, sidaa awgeed waxaa haboon in maamulka uu hogaanka u hayo Madaxweyne Faroole ay balan qaado xoriyadda saxaafada, inay saxaafada geesinimo geliso lana shaqayso, kala faa’iidaystona maxaa yeelay hadii aan awoodaasi loo isticmaalin maslaxada horumarka iyo dhismaha Puntland, waxaa iman doona oo adeegsan doona kuwo hadafkoodu yahay burburka iyo fidnada Puntland.

Sidoo kale waxaa haboon in qolyaha saxaafadu ilaaliyaan (ethics) mabaadida, ahdaafta iyo akhlaaqda saxaafada, saxafigu maaha inuu aflagaadeeyo shakhsi, caytamo, been sheego, wax uusan daliil u hayna soo bandhigo.  Saxaafadu waa inay inta aysan sheeko ama war sheegin miisaantaa waxa ka dhalan kara sheekadaasi, hadii sheekada ama warkaasi fidno dhalin karo, meelna uga dhici karo amniga iyo xasiloonida deegaamada Puntland waxaa haboon iyagoo maslaxada guud eegaya inay ka waan toobaan soo bandhiga warkaasi.

Sidaa awgeed calaaqad waa mid labo jidle ah  (two way street), wada shaqayn iyo kalsooni in lagu saleeyona u baahan marka arimaha laga soo sheegayo ama xiriirka sii xumaanaya ee saxaafada Puntand iyo Maamulku waa mid turxaan bixin u baahan.

Puntland Intelligence Services:

Hay’adda sirdoonka Puntland waa unug turxaan bixin u baahan , waa ciidan dadka siyaasada Puntland u dhuun duleela ay farta ku godeen, waa hay’ad tagri fal iyo tacadiyo laga soo sheegay, waa wiilal danaha iyo ahdaafta ay ka turjumayaan dadku ku wareeyay, waa ciidan tuute wata hadana sirdoon sheegtay, calaamadoodu waa gorgor waxayna u dhaqmaan sida haada duusha.

Maaha markii ugu horaysan ee ciidankani qabtaan dadka diinta fidiya balse qaar ay dowlado shisheeye u gudbiyeen ayaa diiwaan gashan.

Sidaa awgeed hadii dowlada maanta jirta ay tahay mid rabitaan shacab ku timid, hadii dowladani tahay mid shicib oo aan milatari iyo kaligiistalinimo ka dheer, hadii sharci iyo cadaaladi jirto waxaa maamulka Madaxweyne Faroole looga fadhiyaa inay haadaan ku diganaysaa shacabka iyo culimada cagaha dhulka u soo dhigaan, xarigana luga taga xidhaan, xakameeyaan, cadeeyaana cida ay ka amar qaataan, cida ay u shaqeeyaan , iyo ahdaaftoodu waxa ay tahay. 

Waxaa amaan mudan madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen. Abdisamad oo si daganaan iyo sharafi ku jirto u demiyay ama u xakameeyay dhacdadii Boosaaso, isagoo muujiyay (leadership), maadaama uu madaxweynaha xilka ku sii simayayna si xilkasnimo leh arintii wax uga qabtay, isagoo si geesinimo ku jirto u cadeeyay inaan amarka wadaadka lagu xiray ka iman maamulka Puntland, kuna amray Ciidamada Gorgor inay wadaanka ku wareejiyaan ciidanka booliska oo ah hay’ada Puntland u qaabilsan amniga iyo barista danbiyada.

Waxaan maqaalkayga ku soo gaba-gabaynayaa maahmaahda aan cinwaanka uga dhigay qormadan , cinwaankaas oo xigmad qota dheer xambaarsan, sidaa awgeed waxaan leeyahay reer Puntlandnoow shacab iyo dowladooy barwaaqada, amniga iyo kala danbaynta aad haysataan ha iska duminina , qof iyo koox kasta oo khatar ku ah amaankaasta meel uga soo wada jeesta. 

Shacab waxba ma aha maalmun iyo hogaan la’aantiis, maamulna ma taabo galayo hadii uusan kalsoonida shacabka iyo taageeradooda haystan, marka wada shaqayn iyo in kalsoonida la dhiso ayaa loo baahan yahay.

Cidkasta ama shacab ha noqoto ama ciidan ha noqotee oo khatar gelin karta Puntland, abuuri karta kalsooni daro iyo kacdoon, kuna xadgudubta xuquuqda muwaadinka waa in la iska qabtaa. 

Farah Aw-Osman
awosman@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 24, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS