SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

 Ciidan Qaran Cadaw Ma kuu Tabo-barayaa? 

Wasiirka aminga qaranka dawalada cusub Kornayl Cumar Xaashi,oo dhawaan ku tagay socdaal dalka Itoobiya, ayaa shaaca ka qaaday ujeedada safarkaas” sidii itoobiya ciidamo qaran ugu soo tababa bari lahayd Uguna dhisi lahayd Soomaaliya!!”

Markii aan dhagaystey waraysigaas,waxa aan ka qaaday dhako faar.

Your browser may not support display of this image.Dhagayso Wareysiga Cumar Xaashi.

Waxa isu kay qaban waayey dhawr arimood; 

Waa cidda hadalkaasi tidhi ah;oo ah wasiirkii u xilsaarnaa qaabaynta siyaasadaha amaanka iyo la tacaalida ilaha xasilooni darada Soomaaliya. Wasiirkan,oo billo ka hor ahaa madaxa gaashaandhiga Isbahaysiga Xoreynta Soomaaliyeed! 

Iyadoo,oo u xilsaarnaa isbahaysiga(Garabka Jabuuti)dardar galinta hawlgalada iska caabinta,lagala hor jeedo ciidamada guumaysiga Xabashida! 
 
Meesha iyo cida uu ka filayo Taageeradaas: 

Waa cadawga Itoobiya,oo marka aan la tix raacin colaada guunka iyo togaga dhiiga ah ee ina dhexyaal; uu qoyanyahay raadkii ciidamadoodii duulaanka ku ekeeyeen Soomaaliya isla markaasna dhulka dhigeen caasimadii qaranka,barakiciyeena malyan iyo badh rayid ah. 

Waa Itoobiya oo ah,goobta la soo agaasimo colaadihii labaateenayada sanadood saaqay,gayiga iyo dadka Soomaaliyeed. 

Waa Itoobiya,oo u tafa xaydan daminta ilays kasta iyo ifafaale nabadeed oo ka muuqda dagaanada Soomaaliyeed.

Waa Itoobiya,oo ah gujiska dajiyey,walina halista ugu wayn ku haya qaranimadii Soomaaliyeed. 
 
Yaabka iyo dhabanahayska amuurtani,ayaa keenaya in lays waydiiyo,su,aalo dhawr ah? 

Ma Itoobiyaa mucjiso dhanka ilaahay ka timid,bogeeda burcad u marisay Soomaalida,oo wankii iyo waraabihii Carays Ciise sheegi jirey ayaa heshiiyey? 

Ma xukuumada cusub ayaa qaaday hilinkii maamuladii ka horeeye,ee ku wareegi jirey falaga Itoobiya? 

Ma xoogaga kacdoonkaa ka leexday hilinka toosan,oo watey ajandayaal qorsoon iyo ujeedooyin maldahan? 

Mise waxa jira,wax maankeenu aanu suurayn karin,oo Kornayl Xaashi iyo xertiisu ogyihiin? 

Hadaba hadaynu waydiimahaas,jawaabtooda lagu marganayo,halkaas ku dabarno.Bal aan u gonda- degno dulucdii maqaalkani ku aroorayey. 

Taas oo ah, suurta galinimada in Itoobiya dhisto ciidan qaran Soomaaliyeed. 

Waxaan jecelahay,jawaabtaas inaan u daayo,googoosyo ka mid maqaal uu dhawaan qorey sarkaal ka tirsanaan jirey ciidamadii xoogga Soomaaliyeed,oo arinta dib u dhiska ciidamada diirada saaray; 

Qaabka ugu haboon ee Xooggii Dalka Soomaaliya loo dhisi karo,by

Hussein Abdikarim Ahmed

“waxaa marna aan loo baahneyn in ciidamada darisku ay tababaraan ciidanka soomaliyeed , gaar ahaan ciidan itoobiya lagu soo tababaray ciidan laga dhigto. Sida ay ku hadaaqeen saraakiishii hogaamineeysay ciidankii dowladii hore ee dhacday;waxaa loo baahan yahay in laga foojignaado qorshaha cadowga dibada ee xuduudaha nala leh oo marna ciidan ay inoo dhiseen noqon Karin mid soomaaliyeed  ( askari ninkii tababaray ayuu waligiis ku xirnaanayaa”Ka akhri maqaalkaas nuxurka badan, oo dhamaystiran xiriirkan;8 http://www.dalkanews.com/print.php?type=N&item_id=3541 
 Hadaba,xiliga uu Cumar Xaashi waraysigaas bixinayay, Itoobiya waxay ku hawlanayd taalooyin ay u dhisayso, ciidamdadoodii gumaaday maatada Soomaaliyeed,ilaa maanta ku xasuuqaya walaalaha Soomaaaliyeed kililka shanaad( Ogaadeeniya).. 

Dhanka kale,waxay faraha kula jirtey abaabulka maleeshiyo,ka abuura xasiloono daro iyo dagaalo hor leh Soomaaliya! Dawladu cusubina,xiliga ay dabacsanaantan degdega ah u muujinaysay Itoobiya(Xasuuqay gaysatey,ayaa maamuus loogu sii daray!)waxay aad uga sii  durugtey,dhinacyadii hormuudka ka ahaa, iska caabintii beenisey hankii gumaysi ee Itoobiya. 
 
Arintaasi waa mid leh,halis aan la dhayalsan karin,kana dhigi karta dadaalada dib u yagleelka dawlad qaran iyo nabad waarta,hall bacaad lagu lisay.Waayo? Waynu ka dharagsanahay khatarta ay leedahay,dawlad aan taageero badan dalkeeda ku haysan,jiritaankeeduna ku tiirsanyahay cudud shisheeyey,isla markaasna ka caagan la xaajoodka awoodaha Soomaaliyeed ee jira. 

Daafaha dunida waxa ka  muuqda,tusaalayaal cadaynaya inaan miciinsiga  ciidamo shisheeye aanay ahayn xal badali kara,wada hadal iyo waan waan nabadeed. Xamiid Karazai ayaa ka mid ah tusaalayaashaas.

Sida ay tibaaxayaan warar saxaafada caalamka loo soo dusiyey,waxa jira dadaaalo qarsoodi oo loogu kala dab qaadayo isaga iyo kooxaha ka soo horjeeda!  Hadaba maxaa diidan,wadal hadal kall iyo lab oo dhex mara Dawlada Shariifka iyo garabyada kacdoonka? 
 
Sidaas daraadeed,taliska Shariifka waxa la gudboon,inuu ahmiyada koobaad siiyo, wada xaajood run iyo garwaaqsi ku dhisan oo la galo mucaaradka, kana waantoobo, dhayalsiga iyo isku halaytna ciidamo shisheeyey. 

Arintaasi waxa ay sii durkin kartaan nabada Soomaaliya. 

Dhinac kale hadii laga fiiriyana,kooxaha kacdoonku,waxay u noqon karaan dawlada lafteeda kaadh ay ku khuukhiso,dalalka ka caga jiidaya taageerada dawlada ama carqaladaynaya hanaqaadkeeda,isla markaasna waa awood ciidan oo ay Itoobiya kaga habran karto!. 

Xoogaga iska Caabinta: 

Hogaanada iska caabintu waa inay ogaadaan;wanaaga iyo abaalka ugu wayn ee ay dadkooda iyo dalkooda gali karaan;waa iyaga oo ka qayb qaata xasiloonada,nabada,iyo taageerida dawladan,si kastoo oo ay u leedahay dhaliilo tira badan oo laga biyo diido karo. 

Waa xasilooni maanta yoolka ugu wayn ee umaddan daashey higsanayso. 

Waa la ogyahay dawladani,uma dhisna sidii ugu haboonayd,hogaankeeduna ma wada hufna.Balse,waa aasaas (sees) laga dul dhisi karo,hanaan dawladeed tayo dhaama iyada. Waa inay ka waantoobaan,ku faruur xidhashada ururo leh ajandayaal caalami ah,oo aanay Soomaalidu maanta taagteeda lahayn. Isla markaasna,waa inay ka shaqeeyaan sidii aanay dawladani ugu dhici lahayn dambiisha Itoobiya! 

Maaha xabadu jidka kaliya ee furan;wadahadal,gorgortan iyo meel dhexe oo laysugu yimaadaan,waxay tari karaan,waxaan dagaal lagu hanan. Iyadoo taasi jirto,waa inay maanka ku hayaan,in xalka runta ah ee Soomaaliya dhinaca Istraatiijayada, ku jiro sida loo xakameeyo,saamaynta ciidan,sirdoon iyo siyaasadeed,ee Itoobiya ku leedahay dalkeena iyo qaabeynta aayaheena. 

Waa in laga waantoobaa,u kala dhuumashada,gacma hoorsiga iyo qabbaansiga Itoobiya;Nin kun dilay hadh kuuma jiido!Waynu argnay cawaaqib xumada siyaasadaas iyo cidii adeegsataba! 

In waliba laga sugo Itoobiya,ciidan qaran oo ay inoo dhisto ;waa riyo waalan,dhagar iyo khiyaamo qaran oo lagu dhicisaynayo halgankii loo galay(iyo geesiyadii naftooda u hurey) in Itoobiya laga xoroobo,la iskana celiyo! 

Ugu danbayn,waxaan rajaynayaa,in wasiirku ilduufey,oo uu hadalkaasi ka dhacay.Hadiise,uu sidaas qabo;waa hogaan hadimo talis ah iyo himilo gaagaxdey. 

C/raxmaan.M.Muuse

cgurmad@yahoo.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 25, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS