SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

 XIL U QABASHADA SOOMAALIYA EE MAANTA WAA KIRLI MADAXA LA GAL!

Waxay socotaba, Soomaaliya 2009 siyaasadeedii waxay noqotay mucjiso ubadkeeda dubata, hadaad xil qabato waxaad u sii tahay bartilmaameed, xilka ha u malayn in aan ula jeedo madaxweyne, wasiir, iyo guddoomiye Gobol, xil waa isku xil ee ha ka badsan kan gurigaaga ama ugu yaraan ha doon doonin haddii kale waxaad noqon doontaa qof madaxa gashaday kirli.(jalamad) Waad fahmi kartaa hadaad kirli madaxa gashato waxa kaaga imaan kara, waxaad aduunka ugu jeclaan doontaa in aad mar kaliya madaxaaga ifka u soo bixido.

Baqdintaa badan, mar waxaa laga baqayaa oo ugu fool xun in aad murtad noqoto oo Ilaahay si adag kuu cinqaabo, marna waxaa laga baqayaa in madaxa lagaa daldalooliyo adigoon waxaba galabsan tuhun dartiis, marna waxaa laga baqayaa in fidno ka dhalato hadal aad sheegtay ka dibna la isku dilo.

Dadka qaar kale waxayba ka baqayaan in ay lacag waayaan oo hadaysan guduudane u ekaan dugaaga kale ka dido, dadka qaar kalena waxay ka baqayaa in loogu yeero mitid oo raaxo ayey rajo ka qabaan. Dadkii waa shigshigayaan oo qofku wuxuu beeninyaa wuxuu hada sheegay micnaha kalsoonida ayaa dhamad ah, wuxuu yiri abwaankii “ka cabsaday god naareed janada ma gali karo, goodigooda ku abbaday”.

Bal u fiirso labadii sano ee la soo dhaafay inta xil ka qaadis iyo xil magacow la sameeyey qofka waa la amaanayaa hadana waa la caayayaa, waa la dhaliilayaa loogana yarayn maayo inuu diinta dabada ka yahay.

Isbuucyadan Soomaaliya waxaa ka dhex yeeraysay “Ilaahay kitaabkiisa ha la qaato” oo waxaa dhawaan shaaciyey golaha wasiirada ee uu madaxda u yahay Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, hadalkaas waxaa loo baahan yahay in uu si ficil ah u dhaco, inta ka horaysa sheeg sheegiisu waxaba tarimaa, sidoo kale raga kasoo horjeeda dowladda uu madaxda u yahay Shiikh Shariif waxaa looga baahan yahay in ay xaqiiqsadaan waxa ka run ah iyo waxa ka been ah ku dhaqanka shareecada islaamka ee ay sheegeen ragaasi .

Imtixaanka taagan labo shir oo caalami ah ayey ka qeyb galeen rag Soomaaliyeed mid wuxuu ka dhacay Adis Ababa kan kalena wuxuu ka dhacay Newyork. Markii shirarkaasi dhamaadeen warbaahintu waxay baahisay oo ay Soomaalidii shirka ka qeyb gashay sida ay sheegeen ay ka soo xigteen hadalo dadka Soomaalida ka nixiyey oo isku mid ah mar waxay yiraahdeen “Wafdigii Shiikh Shariif hoggaaminayey ee ka qeyb galay shirkii Adis’ababa waxay dalbadeen ciidamo shisheeye, waxayna intaas ku dareen in ay doonayaan in Soomaaliya kula diriraan wax loogu yeeray xag jirayaasha.

Intaasi ka dib wafdigii Shiikh Shariif hoggaaminayey warkaas waxay ku tilmaameen been aan sal iyo raad lahayn oo warbaahintu iyaga ku majaxaabinayso. Hadana shirkii Newyork ayaa intiiyoo kale waxaa laga soo xigtay wasiirka arrimaha dibada Maxamed C/laahi Oomaar, qaar ka mid ah wasiiradii iyo ra’isul wasaarihii ayaa hadana shacabkii ka raali geliyey warkaas la dhibsaday.

Wuxuu marka qof kasta oo wax gartaa marka hore is waydiinayaa waa maxay waxan ma warbaahinta warka soo tabisay oo reer galbeedku leeyihiinaa miinadaas siyaasadeed u dhigtay masuuliyiinta mise iyagaa waxaa ku jirta lafta jecli luda jecli oo doonaya in ay isla qanciyaan shacabka Soomaaliyeed iyo cadawgooda runta ah?

Jawaabta kuu soo bixi karta waxay noqonaysaa in markii horeba ay madaxa la galeen kirligii aan soo sheegay, fasiraadeeduna waxay tahay reer galbeedka iyo dalalka Afrika qaarkood waxay doonayaan Soomaaliya in la keeno ciidan shisheeye, laguna qasbo wax aysan doonayn, dadka Soomaaliyeedna waxay doonayaan in qof shisheeye ah ee dambe Soomaaliya hadduu imaanayo uu ku soo galo fiise, tusaale ahaan dowladda Ingiriisku waxay ugu yaboohday ciidanka Amisom $14 milyan oo Doolar, Maraykankuna wuxuu ku bixiyey boqolaal milyan oo Doolar shisheeye Soomaaliya la keenay, kun Doolarna uma ogola in ay ku bixiyaan dhismaha ciidanka qaranka Soomaaliyeed.

Markaas waxaa jirta in qofku marka uu tago shirka golaha amaanka kuwa sheegta ay dhici karto inuu iloobo danihii Soomaaliya laakiin uu u riyaaqo rabitaanka dhoolacadayntu ku jirto ee kuwa uu la shirayo waxaan laakiin xusuusin lahaa madaxda Soomaaliya in dalalka hada ka hor xorta noqday ee caalamka aysan xoriyadooda ku helin ka raali ahaansho umadaha kale gaar ahaan kuwa aan kala diinta nahay.

Hadaba si mushkiladan Soomaaliyeed runteeda loo ogaado waxaa wanaagsan in wax kastaahu ha ka yimaadeene raga qabtay xilka ay fuliyaan rabitaanka dadka Soomaaliyeed ee runta ah, waa in Soomaaliya laga saaraa shisheeyaha isla markaasna la joojiyaa shirarka badan ee laga qeyb galayo, wada xaajoodkana loo badiyo dadka Soomaaliyeed, waa in geesinimo loo yeesho in ninka Soomaaliga ah ee meel u taliya loo tago lagana dalbado tanaasul la isna hordhigo manhajka runta ah ee dadka Soomaaliyeed ka turjumaya xilkana loo dhiibo cidii ka bixi karta. Gacan ka hadalkana la sharciyeeyo micnaha qof xukun ku dhacay kaliya la mariyo waajibkiisa.

W/Qoray: Cilmi Nuure Weheliye
Email: cilmi_nuure@hotmail.com 

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 25, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS