SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

SHEEKH IXSAAN HENDRICKS OO BOOQASHADII KU YIMID MASAAJIDKA IMAAMU SHAAFICI EE JOHANNESBURG 

Sawirada Halkan ka daawo.....

Taariikhdu markay ahayd 15/03/2009 ee maalinimadii Axadda, ayaa waxaa booqasho gaaban ku yimid masaajidka Imaamu shaafici ee ku yaala xaafada Mayfair, magaalada Johannesburg, wadanka Koonfur Afrika, Sheekh ka mid ah ducaadda wadanka Koonfur Afrika ugu caansan, isla markaana ah Gudoomiyaha Majlisul Qadaa ee Koonfur Afrika xaruntiisuna tahay magaalada Cape Town.


Sh. Ixsaan iyo Axmed Dheere

Booqashadaas uu ku yimid sheekhu masaajidka imaamu shaafici oo ka danbaysay casuumad uu ka helay Maamulka Majlis Al-Bayaan Al-Islaami oo isagu ah hay’adda ka mas’uulka ah masaajidda, madaarista, iyo dacwada inteeda badan ka dhex socota Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ku dhaqan.

Sheekha ayaa Salaadii duhur ka dib ee maalintii Axadda hadal kooban oo muhiimad gaar ah u lahaa Jaaliyadda ka soo jeediyay masaajidka, kaasoo nuxurka weedhiisu ay ahayd walaalnimada islaamka iyo wanaageeda.

Sheekha oo kalimadiisa ku gudbinayay luqada Carabiga ayaa waxyaabuhuu yidhi ay ka mid ahaayen mar uu ka hadlaayay sida uu ugu faraxsan yahay inuu soo hor fariisto jaaliyadda. “ Ka Muslimiinta reer Koonfur Afrika ahaan, anagu waxtarkiina waxaanu ogayn ka hor inta aydin wadankan imaanin, inaad tihiin dad Ahlul Qur’aan ah, walibana diintooda ku dhaqma haddeey baahan yihiin iyo haddii ay dheregsan yihiinba, waxaanan aad ugu faraxsanahay joogitaankiina dhexdeena, waayo wax baanu idinka baranaynaa, waxaanan rajaynayaa inaad noqotaan dadkii iyagu bdbaadin lahaa wadankooda dhaibaatada ay ka dhexwadaan gaaladu”.

Sheekha oo hadaladiisu aad u xamaasaysnaayeen una kululaayeen mar uu ka hadlaayay ereyga ‘’Refugee’’ ayaa waxaa ka mid ahaa weedhahiisii, “Anigu erey bixinta la isticmaalayo ee la leeyahay Qaxootiga “Refugee”, markii aan maqlo waan xanuunsadaa waxaanan aad u jeclahay inaan isticmaalo erayga ah Walaalkayga Muslimka ahaw, sabatoo ah waxa isku kaaya xidhaya waxaa weeye guntin adag oo iimaani ah, taasoo aan xuduud lahayn, sidaa daradeed waxaan idiin sheegayaa in aad tihiin walaalahano meel kastood ka timaadeen.”

Sheekhu waxa uu hayaa mas’uuliyado badan oo kala duwan marka lagu daro tii hore ee aanu kor ku soo sheegnay waxaa u raacaya inuu yahay Gudoomiyaha Guddiga Maamula Xajka iyo Cumrada ee wadanka Koonfur Afrika.

Sheekhu wuxuu u balan qaaday Jaaliyadda Soomaaliyeed in uu ka cawinayo hawlaha Xajka oo iyagu inta badan bulshada Somaaliyeed ay dhibaato kala kulanto dhinaca waraaqaha lagu socdaalo, sida (Baasaboorada iyo Laasha-baasaarahaba), maadaama ay tahay bulsho qaxooti ku ah wadanka.

Si kastaba, wuxuu u sheegay bulshadii dhagaysanaysay oo tiradoodu sadex boqol kor u dhaafaysay, Sheekha arintaas inay ka wada shaqayn doonaan majlis Al-bayaan Al-islaami inshaa Allaahu.

Sheekhu wuxuu hadalkiisii ku soo gunaanaday in ilaaheey laga baqo la isku naxariisto, la iskaalmeeyo, walaalo Ilaaheey la noqdo isagoo waliba ka mahad celiyay soo dhawayntii diiranayd ee uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u dhaqan gobolka Gauteng gaar ahaan magaalada Johannesburg.

Wuxuu Majlisku u mahad celinayaa aqbalaadii casuumadii ay u fidiyeen uu ka aqbalay Mawlaanuhu (sheekhu) iyo sidii wanaagsanayd ee uu uga jawaabay arintaas, waxayna Illaaheey uga baryayayaan inuu miisaankiisa aakhiro ugu daro xasanaadkan uu la yimid aamiin. 

Al-Bayaan Media Desk

majlisalbayaan@hotmail.com

Koonfur Afrika, Johannesburg

Faafin: SomaliTalk.com | March 24, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS