SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

 ILKO NIN FADHAY QURUN DALBAY AMA DOON.

EEBE AYAA MAHAD LEH.

Horseed Media haka waantowda kalmadaha kala gaynaya shacabka. Ama lagu eedaynayo madaxda hada talada haya kuwii horena lagu difaacayo. Taas oo iyada ruuxeedu caadifad ku salaysan. Doraad ayeey ahayd markii Abwaan Shube la eedaynayey maantana Wasiirku-xigeenka saxafada C/shakuur mire aadan ayaa la eedaynayaa. Waxan idin leeyahay Dowladu maba boqol habeensan ee waa maxay eedayntan deg dega ah??

EEDAYNTII ABWAAN SHUBE http://horseedmedia.net/13736/
EEDAYNTII C/SHAKUUR MIRE http://horseedmedia.net/16700/

Waxan idin kula talinayaa dhamaan bah waynta halkan (horseedMedia) isugu timi iyo inta taaba galisay xaruntan kulanka in loo noqdo runta iyo xaqiiqdu waxay tahay. Waxa loo baahan yahay Cadaalad, Dulqaad, Sharaf iyo waxqabad anfaca danta iyo magaca Umadeena. Dad badan ayaa waxay aamin san yihiin saxafadu inay tahay wax aan jirin balse anigu saxafada waxan ka aaminsanahay in ay tahay hoyga Xakuumada waayo waagii hore Dadka si toos ah ayaa mamulku u war galin jiray hadase saxafada ayaa wax maamusha in badan ayaana dhagaha Radio ku haya wixii loo sheegona qaadanaya.

Marka waxan idin ka codsanayaa Shacabka dhagahooda inaad u sheegtaan wax qanciya waxtar-na u leh, ee ma aha in la kala geeyo umada, waayo Kalmada Madaxdii hore difaacaysa kuwa hadana eedaynaysa iyaduba waa isku dir hadana C/shakuur ayaad taas ku eedaynaysaan in uu horay taas u sameeyey. Hadana qiil ma noqonayso C/shakuur Madaxwaynihii hore C/lahi Yusuf Axmed ayuu taageeray waagii JBP. Oo taas jawaabteedu waxaa kuugu filan idinku maxaad Madaxwaynihii hore Cade Muuse ku taageerteen? 

Aduunka waxaa ugu xun Hebalba waxbuu kharibay ana waxbaan kharibayaa waa in la kala roonaa-daa wax na la isula haraa, wixii horay u dhacayna aan lagu dayan ee horay looga sii talaabsado iyadoo la eegayo maslaxada, horumarka, isku xir-naan shaha guud iyo dabacsanaanta siyaasadeed ee taaba galinaysa intaas oo dhan.

Waxaa Sharaf inoo leh in qaanuun sadex geesood ah la sameeyo kaas oo u dhexeeya dawlada, shacabka iyo saxaafada, si aan midnaba loo dulmiyin. Inaga gaar ahaan shacabku waa inaan dhex dhexaad ka ahaanaa siyaasada dowlada iyo saxafiyiinta ka dhexeysa, waayo qof caalooshu ka soo jeedo ha garsiin ilaa aad aragto ruuxii kale.

Waxaad moodaa in Saxafiyiintu iyaga ruuxoodu uu ka dhexeeyo baratan siyaasadeed iyo mid dano gaar ahaaneed, balse taasi iyagay ceeb u tahay waayo waxaa la ogaanayaa waxay caloosha ku hayeen iyo siday u fakaraan. Marka saxafiyiinta waxan kula talinayaa inaan cid kale idin ogaan, midkii idinka mid ah oo aad dhaleecaysaan ka fiirsataan sirta idinka fakanaysa oo idinka khaaska idiin ah. Mideeda kale qofkaad rabto inaad barato saaxiibkiis ayaa la eegaa anagana saxaafada oo dhami waxay nala tahay inay yihiin saxiibo. Hade C/shakuur hadaad sidaas u eedaysaan eega idinkana sawirka umadu idinka qaadanayso.

GUBAABO

Ilko nin kii qora qurun buu ka qaataaye, 
Qabiil kii dugaashadaa kasii qaawan.
Qayb qayb siguna waa qahar qaantiis kudaba taale.

Qudradi ninkii beeray bay u qoton taaye,
Idinkuna qabraad qodeen hoobadkiis qardhanaan kusii jeedo.
Qiiq iyo ceeryaamo ley ninkii qaanso kor u tuura, isagay qalajisaa qalafsanaantiisu.

Khayr ninkii ka cararow qundi baa qalin laguu mariyey,
Qaxan qaxa iyo qaylada waxa ka daran quud darada taala,
Qab ninkii qabow qaadir kaan kula qabin warkaaga, ee qoomamada horteed qabo naftaadan sii qul qula haysa.


Eebe ayaa mahadleh, Isaga ayaa xaqa og, Isagaana ina abuuray ee haloo noqdo 

MAHAD SANIDIN

Qalinkan waxa iska leh qoraaga ku saxiixan, isagaana ka masuul ah wixii ka yimaada.

Engg: Mohamed Bashi Abdullahi (TalaabaCade)
Email: mbaashimbc@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 24, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS