Cabdiwaaxid Xaggee noo wadaa??
Eng.
Ali A. Mohamud
binisxaaq@yahoo.co.uk
Scotland
-
UK
Cali Bin Abii-daalib (RA) ayaa laga
wariyaa inuu yiri dadku waxay u qaybsamo saddex qaybood: 1) Caalim rabbaani ah 2)
Mutacallim (Daalibul cilmi ah) oo haya wadada saxda ah. 3) Hawtul-hamag (waxma garato oo sida cayayaanka ah), kuwaasoo iska
raaca midkastoo dhawaaqa oo la weecda dabaylkasta, kuwanikuma meelmaraan nuurka
cilmiga, tiir adagna ma haystaan1.
1.
Qolada hore waa culimada islaamka ee Ahlusunna
wal Jamaaca ama Salafka loo yaqaan ee haya wadadii rasuulka (SAW) ee Ilaahay uu
inagu amray inaan waydiino waxii aan diinta ka garanwayno. Waana kuwa uu
rasuukku (SAW) inoo sheegay inuu ilaahay ummadiisa usoo saaro qarni walba kuwa
diinta boorka uga jafa.
2.
Kooxda labaad waa qolo ku baraarugsan makaanada
cilmiga iyo culimada sidaa darteedna waddada saxda ah haya, waa qolo wixii ay
garan-waayaan Qur’aanka iyo Sunnada ula noqda ayagoo raacaya sidii Salafkii
iyo jiilashii hore ay u fahmeen sidaa awgeedna waa kuwo badbaadsan.
3.
Qolada ugu dambaysa waa xaabo, waa qolo dhib
badan waana qolada dadku u badan yahay. Waa qolada uu
cali
bin abii daalib ku mathaalay sida baalalayda yaryar ee dabyshu bitiso, waa qolo
si sahlan la isaga duufsan karo. Culimadii hore aad aya uga hadleen. Imaam ibn
Qayim al jawziayyah wuxuu yiri asagoo ka hadlaya kooxdan (waa kuwo la hoojiyay
oo jeestay, Caalimna ma aha Mutacallim (waxbartana) ma ‘aha ee waa baalallay
wax raac-raac badan)2
Dhallinyaradii yaryaryd ee aan helin
waligeed fursal ay culimada ku horfariistaan si ay xaaraanta iyo xalaasha u kala
gartaan in jihaad looga dhigo muslimiinta layntooda waa wax aan banaanayn.
Ilaahay wuxuu yiri aayad macneheedu
yahay “…Ciddii
disha naf aan (dilin) naf ama fasaadin arlada waxay la mid tahay ayadoo dishay
dadka dhamaan” (Al Maaida 32)
Qofkii akhriya qoraallada Cabdiwaaxid
waxaa usoo baxaya in dulucda qoraalladiisu ay xambaarsan yihiin saddex qodob oo
lugooyo ah. Saddexdaas qodobna waxay kala yihiin kuwan soo socda:
I.
In Dawladdii timaadaba laga hor yimaado,
waligeed dagaal lagu jiro, ayadoon xattaa loo fiirin wanaagga iyo xumaanta
garwadeenkeeda amaba inay dastuur dad-samee ah wadato ama dhaq-gangalin shareeco
Islaam ku hawlan tahay.
II.
In culimadda la liido, dadkana la nacsiiyo
iyadoo laga sheegayo waxyaabo been-abuur ah, si loo cinqilaabo oo martabadii
ilaahay siiyay looga qaado islamarkaana loogu fariisiyo dad aan sharci ahaan
mutaysan.
III.
In la buunbuuniyo garwadeenada Firqada
Takfiirka, dadka indhahoodana lagu wayneeyo si dabadeed loogu caleemo saaro
looguna fariisiyo makaanadii Culimada looqa qaaday sida aan kor kusoo xusnay.
Sadexdaan arrimoodba waa halaag, waana
arrimo khilaafsan maqaasidda shareecada islaaamka waana astaamaha lagu yaqaan
firqada khawaarijta (waxa hadda loo yaqaan takfiirka). Waxaan isku dayayaa in
aan arrimahaas mid walba maqaal gaar ah ka diyaariyo dhawaan Insha Allaahu.
Waxaan xasuustaa xilligii aan soomaaliya
joognay ayadoo lagu sheego dadka takfiirka ah (muslimiinta gaaleeya) fara ku
tiris waliba la magacaabi karay meelaha ay joogaan iyo tiradooda. Markii
dagaalkii dhacay ee culimadii qaarna qaxeen qaarna dacwadii si joogto ah u wadi
kari waayeen ayaa waxaa dhacday inay firqooyinkii bidcada sida kuwa takfiirka ay
bateen oo bulaaleen, laba sababod ayaa ugu waawayn waxyaabaha ay shacabku u kala
saari wayday Manhajkii Salafka ee ahlu-sunnah wal-jamaaca iyo
kan
Takfiirka:
Jawigii oo u banaanaaday maadaama
dacwadii uu hakad galay. Waana shay dabiici ah in bidcadu ku bulaasho meesha
culimada iyo dacwadu ay ku yartahay. Salafkii
hore ayaa waxay dhihi jireen Ahlu-bidacu waa sida dabaqalooca oo kale
markuu sharqanta maqlana carraduu ku dhuuntaa markii sharqantu yaraatana waa soo
baxaa.
Waxaa arrinkaas tusaale u ah markii
dhawaan ay xamar ku shireen culimadii soomaaliyeed qaarkood oo ay ka
dhexmuuqdeen culimadii dacwadan caanka ku ahayd, dhawr usbuuc ayaa Xisbiyada
takfiirka sida Al-shabaab iyo xisbul-Islaam hoobiyahaoodii iyo shirarkoodii
jaraa’id laga nastay oo ay dhuumasho galeen, fiicnaan lahaydaa inaysan ku
noqon lahayn meelihii ay awalba ku maqnaayeen ee ay afarta dacal ee magaalada
kutubtii tawxiidka ee ibn taymiyah, ibn qayyim iyo Sh.Maxammad Cabdulhhaab ka
bilaabi lahaayeen si magaalada looga xoreeyo ahlu-bidaca (takfiirka ) sida qofka
jinka qababa quraanka afarta gees loogala fariisto ilaa shaydaanku ka baxayo.
Sababta labaad ee caamadu ugu kadsoontay
FirqadaTakfiirka oo ay ugu maleeyeen inay hayaan wadadii ahlu-sunnah wal-jamaaca
ama Salafu Saalix waxaa weeye ayadoo firqadani ay la wadaagto Salafka astaamaha
diinta qaar badan oo kamida sida in laga hadlo Tawxiidka qaybihiisa, lagu
adkaado bidcada ashacariyada IWM.
Laakiin waxyaabaha ay lasoo baxeen ee
aan dadwaynuhu ku baraarugin ee ay Manhajkii Salafka ku khilaafeen waxaa weeye
in Musliintii danbi ay galeen iyo mid lagu tuhmayaba lagu gaalaysiiyo. Mar
haddii la gaalaysiiyayna dhiiggoodii la banaysto illayn waa murtadiin e siday la
tahay. Tusaale ahaan madaxda musliimiinta oo dhan xaggooda waa gaalo murtadiin
ah, sidoo kale shaqaalihiisa iyo wasiiradiisa iyo askartiisuna waa la xukun.
Taas ayaana keenaysa inay iclaansadaan in lala dagaalamo madaxwayne kasta oo
xukuma wadan muslima iyo dawladdiisa dabcan Madaxwayneheenna Sh. Shariif asaguna
qaacidadaas ayuu soo galayaa taas ayaana keentay inaan laga akhrisan kitaabka
iyo Shareecada uu ku dhawaaqay inuu dhaqan galinayo, illayn waxay aaminsan
yihiin inuu ridoobaye. Waxaad la socotaan in Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ay
laayaan Shaqaalaha Dawladda sida Bolooskii miskiinka ahaa ee tukanayay ee
burcadda iyo tuugada ku hawlanaa, macaliintii iskoolka, Saraakiishii ciimada IWM.
Ayagoo aaminsan any ridoobeen maadaama ay la shaqaysteen madaxwayne ridoobay.
Firqada takfiirka ee caalamka Islaamka
ku firisan waa sii kala xag jiraan oo qaarbaa gaalaysiintooda u gudbiya shacabka.
Ayagoo ku aanaynaya “ hadday musliin dhab ah yihiin maxay noogu garab sitaagi
waayeen hawlaha aan ku jirno?” taasina waxay keentaa in ayagana dhiigooda loo
banaysto sidii kuwii hore, waana sababta keenta in hoobyaha iyo miinada looga
turin, waxay leehiin qaacido la yiraahdo (yubcathu Calaa niyaatihim) oo ay ka
qaateen haddis saxiix ah oo ay si khaldan u fasirtaan, waxay uga jeedaan kii ku
dhinta hoobiyaha iyo bumbada aan gaalada ula niyoonay niyaddiisii ayaa lagu soo
saarayaa qiyaamaha, Tusaale ahaan BM ka Villa Somaliya loola niyooday illayn
gaalaa ku xeraysane waasay la tahaye qofkii uu sii galaafto oo shacab ah
muslinna ah niyadiisa ayuu la iman aakhiro haddii kalena waaba agaal bakhtiyay.
Allahu mustacaan. Ilaahay waxaan ka
baryaynaa inuu xaqana xaq noo tuso baadilkana baadil noo tuso.
Eng.
Ali A. Mohamud
binisxaaq@yahoo.co.uk
Scotland
-
UK
----------------------------------------------
1Khaddiib
ayaa kuyiri alfaqiih Walmutafaqqih
2Mutfaax
Daarus Sacaadah.
Eng
Ali A. Mohamud is a Petroleum Engineer. he holds BEng Pertoleum Engineering with
First Class Honours and doing MSc Petroleum Engineering at Heriot Watt
University in Edingburgh, Scotland and works at North Sea, Scotland. He can be
reached at binisxaaq@yahoo.co.uk
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
MAQAALLADA
KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI.... Faafin: SomaliTalk.com | March 24, 2009 |