SHARECADA INLAQAATO
SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Gabay

PUNTLAND MA KHATAR BAY KU TAHAY SHARECADA INLAQAATO

Said Mahamed Mahamud (Sayidka)
OSLO, NORWAY 
sacciid@hotmail.com

Bismilaahi Raxmaani Raxiim.

Insaanka ( Qofka ) markii uu EEbe abuuray ee uu tarmay sidaas kagamuu tegin ee waxa uu u soo dejiyay tilmaan iyo dastuur uu raaco, oo uu ugu soo dhiibay rusulshii (NNKHA)  si uu qofku uga badbaado halista nolosha aduunyo iyo naarta aakhiro. Marka la soo koobo diinta oo weligeedba mid ah, waxa dadka la faray in ay goor walba wanaag sameeyaan oo keli ah. Wanaagga ka dhaxeeya qofka iyo Illaahiisa iyo wanaagga ka dhaxeeya makhluuqaadka wixii uu Illaahay abuuray dhexdooda kuwa caqliga leh iyo kuwa aan caqliga lahayn sida loola dhaqmayo. Dadkuna waxa ay dad ku yihiin garashada caqliga. Haddii uu caqligu shaqayn waayo dadku xoolaha waxba ma dhaammayo. Weliba marka ay joogto ficilka wanaagga ka dhexeeya iyaga iyo Rabigooga abuurtay in ay caabudaan oo keli ah. walaalayaal waxa ina soo maray labo maamul, mudadii ay jireen waxay qabteen oo la taban karo majiraan, cashuurtii shacabka laga qadayay yaa lasiiyey? dhaqaalihii dalka xagay mariyeen? gobalada maxay kuso kordhiyeen dadku miyeey garashadii ka baabaday? iskadaa wax qabade mise qabilkaa ayaa kaweyn ma ilowdeen waxay dhib iyo sumacad daro diinta iyo dadka iyo dalka usoo kordhiyeen? waxa isweydiin leh in ayaamahakan madaxda ugu sareysa Puntland ka hadlayen dastuurka yaan wax laga bedelin,  ma shareecadiidbaa mise waa federal jacayl?
 
Maamulka hada jira ee ku yimi waa markayagii hagbada halay siiyo maxaad ka filaysaan? su'asha rux kasta waa u ujeedaa, saaxibayaal waxaan filayaa fikrad ahaan teyda in muwaadinka Puntlad ee saxa ah uu ka talin karo gobalada Puntland, laakin walaalayaal waxa maanta jiro waaqici cad aan mar marsiya lahayn habla dhaqanka mamuladii kala danbeeyey ee ku shaqaynayey danaha guracan iyo fulinta danaha itoobiya. Kuwa talada 12 kii sano ku heysto maamulka qabiilka ku dhisan aysan aheyn muwaadin sax ah o aysan jirin cid aamini karta isla markaasna aysan laheen wax shaqsiyad ah ama muwaadin nimo ah ama alakacabsi ah oo aysan uqalmin jagada ay qabteen iney maamulaan.

Taasi waxaa kuuga daliil ah sida fosha xunleh ay u'dhaqmayaan, oo aan laheen maslaxad iyo Allah kacabsi in ay wax isku diraan oo sheydaamada la'shaqeyaan ma'hee, taasna waa wax ay macruuf kuyihiin faderalka mawax ilaahay sooragay oo shareecada kafiican miyaa? waayabe xaqa shareecada islaamka udiiday ee siisay tasturka faderaalka Puntland ma xaq gooni ah ayaa u siiyay aanay lahayn gobalada kale?Waa maxay anaga oh aad sheegaysid?” Somaalinimadii weli ma dhiman? Waxaan moodaysay iney muddo yar ku dhimanayso oo lagu kala faataxeysanayo, laakiin cumrigeedu waa dheeryahay. Waxaaba welli jooga dad nool, Somaalinimadii welli ma dhiman? Walli santaagii iyo hanqal taagii kama dhamaan?Fara kama qodna faanoole.

Said Mahamed Mahamud (Sayidka)
OSLO, NORWAY
sacciid@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 24, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS