SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

 Gender: Dhagartii loo maleegay haweenka.

Dabayaaqadii iyo kadib burburkii dawladii khilaafada muslimiinta ee cusmaaniyiinta waxaa ku bilaabmay umada muslimiinta ah fawdo iyo jahawareer, hadii ay ahaan lahayd boobkii guumaysiga ee khayraadka muslimiinta, hadii ay ahaan lahayd duulaano maskaxeed oo bulshadii dayacnayd looga faa'iidaysto in lagu habo ama lagu qulaamiyo maskaxdooda, si aysan fursad ugu helin in ay dib isugu abaabulaan oo markale lasoo noqdaan madaxbanaanidii iyo sharaftii ay lahaayeen.

Duulanadaas maskaxeed oo runtii ka xun kana dhibaato badan kuwa jidhka intiisa kale lagu qaado ayaad moodaa in ay reer galbeedku xooga saareen, sidaa aawadeed ayaa waxay aad isugu taxaluujiyeen in ay maskax ahaan uga fogeeyaan wixii fikir ah ee ay is yidhaahdaan, waxay muslimiinta u horseedi kartaa in ay dib ugu soo ceshadaan madaxbanaanidoodii.

Waqtigu inooma saamaxayo in aan taxno qaybaha kala duwan ee uu ka koobanyahay dagaal maskaxeedka ay reer galbeedku ku hayaan umada muslimiinta. waxaanse isku dayi doonaa hadii rabi ogolaado in aan wax ka nidhaahno mid ka mid ah daagaladaas khaas ahaan gabadha muslimka ah.

Maxaan u dooranay gabadha

Qiimaha gabadhu u leedahay bulshadu ma ahan wax ka dahsoon, hadiiba ay raga qaarkiis ka qarsoontahay xaqeedu kama qarsoona qiimaheedu, ruuxii dafira in ay gabadhu laf dhabar u tahay bulshadana waa ruux is indha tiraya ama aan garanahayn qiimaha ay lafdhabartu ugu fadhido qaabdhiseedka jidhka. Rasuulkeena muxamed SCW waxa uu yidhi "Janadu waxa ay hoostaalaa gomadaha hooyooyinka", waxaa iyana dadka sida fiican u dareensan qiimaha gabadha fahmayna muhimada ay u leedahay bulshada ay kusoo gudbiyeen dareenkooda habsuugaaneed si ay isaga dhaxlaan jiilasha is daba socda ee bulshadu, waxaa kamida ragaas abwaanka wayn ee max'ed ibrahim warsame hadraawi, kaas oo qiso dheer oo isaga shakhsi ahaan ula kulantay ka bacdi ka tiriyay heestan dhaxal galka ah.

Wuxu yidhi abwaanku:-
Hooyoy la'aantaa
Adduunyadu hubaashii
Habeen kama baxdeenoo
Iftiin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen
Xiddig hawd ka lulatiyo
Sida haad ma fuuleen
Dayax heego joogo
Hubka laguma tureen
Hawo laguma gaadheen
Cirka hirar ka muuqdoo
Hooyoy addoomuhu 
Halkay maanta joogaan
Adigow horseedoo
Intaad hanad xambaartee
Haaneedka siisee
Horaaddada jaqsiisee
Habtay baan xisaab iyo
Tiro lagu helayn.
ilaa dhamaadka heesta . . . . . . 

Masoo koobi karno hadalada mahadhooyinka ah ee laga yidhi dumarka iyo ahmiyada ay u leeyihiin nolosha aadanaha oo dhan. Intaas hadaan kaga baxno iftiimintaas waxaa aan si toos ah u guda gali doonaa mawduuca uu sida tooska ah uga hadlayo maqaalkani oo ah aragti ka timid reer galbeedka, hadana la doonayo in loo soo gudbiyo bulshada muslimiinta ah, kaas oo ah waxa ay ugu yeedhaan GENDER. hadaba waa maxay GENDER? 

Maxayse tahay ujeedada laga leeyahay hirgalinta falsafadaas?

Gender waa falsafad casrigan soo baxday oo ay reer galbeedku aad u faafiyaan, waxaana ay xooga saaraan sidii dunida muslimka looga dhaadhicin lahaa, ujeedadeeduna waxay tahay in fawdo laga dhigo qaabbdhismeedka qoyska islaamiga ah iyo bulshadiisaba. in la badalo fidrada fiican ee aadanaha ee ku aadan farqiga u dhexeeya labka iyo dhediga. falsafadani waxay ku dhisantahay aragti ah in ruuxa Lab (nin) Iyo kan Dhedig(gabadh) aan wax farqi ahi u dhaxayn, kala sarista lakala saarayna ay tahay caado aadanuhu iskii isaga aaminay balse ay tahay caado la badali karo, ay tahayna in la badalo si ninka iyo naagta aanay wax farqi ahi ugu dhaxayn.

Waa aragti meesha ka saaraysa in uu jiro wax aabe la yidhaahdo amaba hooyo, waa aragti meesha ka saaraysa jiritaanka qoyska, waa aragti banaynaysa in ay gabadhu jidhkeeda xor u tahay oo aanuu khaas u ahayn saygeeda oo kali ah sidaas oo kalena ninku yahay oo uu nina noqon karo naagna noqon karro. mana aha sida dadka qaar aaminsanyihiin genderku wax khaas ku ah xoriyadaha gabadha oo kali ah hase-ahaatee raguna waa sidaas oo kale, laakiin waxaa ku caan ah oo adeegsada badanaa waa haweenka maadaama oo ay iyagu badanka ku andacoodaan in ay xuquuqi ka maqantahay. Waxay qormadani hordhac u tahay silsilad qoraalo ah oo inoo bilaabmi doonta hadii weynuhu ogolaado, taas oo gorfayn doonta Gender-ka, hadii ay ahaan lahayd ujeedooyinkiisa, Dhibaatada uu u leeyahay bulshada, iwm.

lasoco qaybta 2aad.

Khalid Sheikh
itianman@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 24, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS