SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Bulshada Deg. Baardheere Oo Soo Dhaweeyay Tillaabada Ururka Al shabab Ee dhanka Amaanka

Qaybaha Bulshada ee ku dhaqan Degmada Baardhaare ee gobolka Gedo gaar ahaan ganacsatada ayaa soo dhaweeyay amarada Ururka Al shabab ay dadka u sheegeen in ay diiwaangaliyaan hubka sida sharci darada gacmahooda ugu jira si loogu sharciyeeyo.

Tallaabadan ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka caadiga ah waxaana ay ku tilmaameen mid wax wayn ka tareysa ammaanka Magaalada Baardheere Maadama ay jiraan dad si sharci daro hub guryaha ugu haysta.

Horaan Go’aankan oo ay ku baaqeen xili ay dadweynaha kula hadlayeen Fagaare ku yaala gudaha Degmada Baardheere ayaa waxaa saraakiisha alshabaab ay sheegeen in cidii lagu arko iyadoo heysata hubsharci daro ah ay kala waregayaan una aqoonsanayaan sida ay sheegeen Hubka cadowga.

Sarkaal u hadlay xoogaga alshabaab ayaa waxaa uu uga digay dadka deegaanka in ay hubkooda ku heystaan Guryaha taasi oo uu sheegay in ay ka dhigan tahay in hubkaasi uu noqonayo mid ahaan sharciyeeysneyn oo aan sharciga waafaqsaneyn.

Maamulka Islaamiga Ah Ee Deg. Baardheeere Oo Mamnuucay Gawaarida Xawaaraysa

ALSHABAAB ayaa waxaa ay go'aano la xiriira dhinaca gaadiidka ka soo saaray magaalada baardheere .waxaana ay dhamaanba mamnuuceen in gawaarida lagu kaxeeyo xawaare gudaha magaalada.

Maamulka Islaamiga ah ee degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa u digay dadka leh gaadiidka u sheegay in aan xowli lagu kaxeenin gawaarida, taasi oo cidii lagu qabtaa ay maamulku xuseen in tillaabo laga qaadi doono.


Wareegto ka soo baxday maamulka Islaamiga ah ee magaalada Baardheere ayaa lagu weeraray dadka baburta u wata sida xad dhaafka ah gaar ahaan baaburta cabdi bilayaasha loo yaqaano.

Taliyaha Saldhiga Deg.Baardheere Ee Alshabaab Sh Abuu Shureyn ayaa tibaaxay in ammuurtaasi ay la xiriirto sidii wax looga qaban lahaa shilalka gaadiidka aafeeyay dadka rayidka ah , iyadoo gaar ahaan gawaarida qaadka eedayn gaar ah loo jeediyay.


Horay ayaa maamulka magaalada Baardheere waxaa ay soo dejiyeen go'aano iyo amaro la xiriira inaan gaadiidka aysan isla raaci karaynin raga iyo dumarka iyo weliba hubka oo gabi ahaanba la mamnuucay in magaalada lagu qaato.



Maxamed Gaarane Aadan
+2525 (0) 996132
+2521 5598706
+254 (0) 722687097
gaarane68@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 23, 2009
 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS