WAREYSI: MADAX XIGEENKA MASJIDKA ABUBAKAR EE SEATTLE,GOBALKA
WASHINGTON,OO MUDO 10 SANADOOD KU DHAW LA SUGAYAY IN DHISMIHIISA UU
HIRGALO,WAREYSIGAAS OO TAABANAYANA DHINACYO FARABADAN:
Waxaa Magaalada SEATTLE ee Gobalka Washington,Cariga Mareykanka Laga Waday Mudo
Sanado ah Hirgelinta Masjid weyn Masjidkaas oo Lagu magacaabo
ABUBAKAR MOSQUE Ama Masjidka ABUBAKAR,Ayaa Illaah Mahadiis Dadaal Badani Ka Dib
Waxaa Bilaabmay Dhismaha Masjidka
Hadaba Waxaan Wareysi Dheer oo Taabanaya Dhinacya Badan LA yeeshay Madaxweyne Ku
xigeenka ABUBAKAR ISLAMIC CENTER OF WASHINGTON(IAC)
Kana Mid ah Hawlwadeenada Dhismaha MAsjidka Waxaanu U dhacay Sidatan:
S:Marka Hore salaanta islamka ayaan kugu salaamay Jamac ,marka xigtaa intaanan
hawlaha masjidka u gudbin warbixin Kooban iga sii Somalida Goormey Bilaabeen
iney soo Dagaan Gobalkan Washington ?
J:Waad Mahadsantahay ,Somalida Gobalkan Deggan Waxaan Qiyaasayaa In ay Tahay
Marki Ugu Horeysay ee aay Halakan Soo Dagaan in ay Aheyd 1993-dii
waana Gobalada ugu Horeeyay ee ay somalida Degto,Qaxii Sokeeye ee aay somalida
kasoo qaxday wadankoodi Hooyo Ka dib,
S:Waa Tahay ,Markaa Iyada Ah wax Masaajidda Ahi Maku Yaaleen Gobalkan
Washington,Gaar ahaan Magaaladan Seattle?
J:Waa Su'aal Wanaagsan,Waxaan Xasuustaa Masjidka Hadda Ku Yaalo Xaafadda
NorthGate Masjidkaasina Somalida Masjidkaasina Somalida Ma maausho
Balse waa Masjidka Kaliya EE ku yiilay Magaaladan,Guud ahaan Gobalkan Washignton
waxaan anigu xasuustaa Masjidkaas aan soo sheegay
waxaana aan soo marnay Marxalado Aad u kala Gadisan,waxaana La isugu iman Jiray
Guri,Waliba qaybta Hoose ee Guriga ee loo Yaqaa (Bassement-iga) Meeshaas Ayaa
Masjid inoo ahayd iyo Dugsiba waxaana Dhici Jirtay Marka uu Dadka qaadi waayo In
qofba qof xariiriyo Telefan ahaan Sidaana casharada Lagu qaadan jiray maadaama
meeshu cariiri ahayd

Sawirada halkan ka daawo..
S:Intee In La eg ayuu Gurigu Masjid idiin ahaa ,?
J: In Mudda ah Runtii ,Ka Dibna waxaa La kireeyay Guri 3 Qol Ka Kooban waxaana
Kiradiisa Bixin Jiray Dadka somaliyed oo iska soo aruurin Jiray Lacagta Kirada
Halkaas ayaana Dugsi iyo Masjidba ahayd Ka Dib waxaa Ilaah Mahadiis Suurta
Gashay inaan Kireysano Guri Weyn oo Ilaa $2000 (Laba Kun OO Dollar) ahaa
Markaa,waaxana so marnay marxalado aad u kala Gadisan Runtii.
S: Talaabadi Ugu Horeysay ee aad qaadeen Dugsiyada iyo masaajidda Ka dib ,wax
inooga sheeg?
J:Waxaa Ka mid ahaa inaan Sameynay Hay'ad Magaceeda Markaa la Oran Jiray (SOMALI
CULTURE CENTER) oo Odayadanadu Ku xalin Jireen wax kastoo Dhibaata ahi ee inasoo
waajahdo Hadii ay markaa Dhacdo in aay U maaro waayaana waxaa Go'aan Ka qaadan
Jiray Imaamka Masjidka Sidaa ayaana Lagu xalin Jiray wax kasta o dhib ahi ,Waxaa
Ka dib Magacii U Badalnay (SOMALI SERVICE CENTER) 2001-diina waxaan la baxnay
ABUUBAKAR ISLAMIC CENTER
S:Wax Caawimaad ah Oo Dawladda Ama Gobalkan Aad Ka Heli Jirteen Ma jirtaa?
J: MAYA,ABUBAKAR ISLAMIC CENTER wax Caawimaad ahi kama Helo Federalka iyo
State-kaba
S:waxaa igu maqaala ah ,Waxaa Jiray Masjid Ama Boos (GOOB) Hore oo uu Masjidka
Abubakar Lahaa taa maxaa inooga sheegi kartaa?
J:Waa Jidhaa Arintaasi Waxaana Goobtaas ay aheyd Meel Police-ka Xiray Oo Dilal
Badani Ka dhaceyn lagana kala cararay Danbiyadaa awgood ,aanu ku gadanay marki
Canshuurihi iyo wax waliba Lagu Daro Lacag Dhan ilaa $820,000(Sideed Boqol Iyo
Labaatan Kun oo Dollar) lacagtaas oo Dhamaanteed ay Bixiyeen dadka Somaliyed ee
Kheyrka Jecel, Iyadoo Marki Aanu Goobtan Cusub ee uu Hadda Dhismaha Ku Socdo
ahydna Meel (CASINO) ama Goobaha Khamaarka Lagu Dheelo Noqatayna meelaha ugu
caansan ee lagu dheelo Khimaarka ,Police-kana uu xiray Mudo 2 Sano ah marki ay
naqatay (CRIME SCENE) Goob Dad lagu laayay , Qiimaheeduna ahaa $3000,0000
Million Lacag Ka Badan Marki aan Goobta Xaraashka (AUCTION)-ka Joognay ee Aanu
Gacanta Taageynay Account-yaga ku jiray $450,000( Afar Boqol Iyo Kontan Kun oo
Dollar) Balse Ilaah Fadligiis waxaa Booski Hore ee aanu laheyn Naloo gaaray
$2.5Million (Laba Million Iyo Badh)
S:Waad Mahadsantahay Su'aasha Ugu Danbeysa ,Waxaad Warbixin Kooban Naga sii saa
Masjidka Cusub Goorta Uu dhismahiisa Dhamaanayo,Inta ruux ee Ku Tukan Karta,Inta
qaybood ee uu Ka Koobanyahay, Iyo waxa aad ka codsaneysid Ama Usoo Jeedineysid
Shacabka somaliyed ee Kheyrka Jecel?
J:Masjidka Hadii Rabi Idmo waxaan Fileynaa inuu Dhamaado JUNE-Kowdeeda Ama Bisha
6aad bilaawgeeda,waxaanu ka koobnaan Doonaa ,Qayb Ragga Ku Tukado oo Qiyaasti
Qaada Ilaa 860 Ruux,Qaybta Dumarka oo Iyana Ay Ku Tukan Karaan Ilaa 680
Qof,Waxaa kale ee uu yeelan doonaa Masjidka Goob Cafeteriya ah,12 masqulood ama
Suuli oo laba ka mid ah ay noqon doonaan Kuwa loogu tala galay Dadka Waayelka ah
Ama dadka Xubnahooda aanu Fiyoobeyn,School,Xafiisyo,(Community Whole) Goob
Munaasabadaha Lagu Dhigto sida aroosyada IWM,iyo Ugu Danbeyntoo Parking
Lot(Meesha Gawaarida la Dhigto) oo ilaa 116 Parking ayuu Yeelan Doonaa Masjidka
Insha allah,waxaana U sheegayaa Dadka Walaheen ah ee Kheyrka Jecel in Masjidka
Dhismahiisa Kharshka ku baxaya oo ahaa ilaa $311,500 (Sadex Boqol Kow Iyo Taban
Kun Iyo Shan Boqol) aanu heyno $182,000 Wax Ka yar Dhismaha Masjidkuna Bilaabmay
Kharshkana Nalaga Rabo Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan inaanu Ku wareejino Shirkada
Dhiseysa Masjidka,Waxaan Ka codsaneynaa Qof Kasta oo Raba in UU sadaqeysto
ilaahey Daratiina U bixiyo Gacanna ka geesto Gabagabeynta Masjidkan Hawshiisa
,inuu Account-kan Hoos Ku qoran ku shubo ama la xariiro telefanada hoos ku qoran
 
ACCOUNT# 7629422135 WELLS FARGO BANK
AMA WAC
1+206-214-0200 ama 1+206-722-6777
e-mail:
SAADSUUBAN@GMAIL.com
ADDRESS-KA CUSUB EE MASJIDKA WAA
ABU-BAKAR ISLAMIC CENTER
14101 International BLVD .TUKWILA,WA
98168
HASSAN SUNNI:AAD AYAAD U MAHADSANTAHAY JAAMAC
JAAMAC: ADAA MUDAN WALAAL
W,Wareystay
Hassan IsmacilYare (Hassan Sunni)
Seatlle,WA,
xnuur11@hotmail.com
Hoos ka daawo Warbixin kooban iyo muuqalka dhismaha masjidka Abubakar of
Seattle,WA
Operation Manager-ka Masjidka ayaan Ka Wareysanay .
http://www.onetruemedia.com/shared
HALKAN KA DAAWO SAWIRADA MASJIDKA OO WAA WEYN
http://picasaweb.google.com/saadsuuban/
Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2009
|