SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Carruurta Soomaaliyeed oo waxa farax geliya ay yar yihiin waqti uu adduunku u dabbaal-degayo Maalinta Biyaha 

NAYROOBI, 20 Maarso 2009 – Bulshada Caalamka iyo Soomaalida ayaa looga baahan yahay in ay hubiyaan in nabad iyo deggannaansho ka dhashaan dalka si awood loogu yeesho in biyo la cabbo oo nadiif ah loo helo carruur iyo haween badan, wakiilka UNICEF Somalia, Christian Balsev-Olesen ayaa sheegey maanta oo loo diyaar-garoobayo dabaaldegga Maalinta Biyaha Adduunka oo ku beegan maalinta Axadda ah oo ay bisha Maarso tahay 22ka.

Hadda, dadka Soomaaliyeed qiyaastii 29% oo keliya ayaa heli kara biyo nadiif ah oo la cabbo halka ay 37 boqolkiiba ay heli karaan nidaam fayadhowr iyo mid asturidda qashin-saarka. Burburinta iyo bililiqeysiga kaabayaasha biyaha ee dhaca waqtiyada dagaalladu socdaan, iskahorimaadyada socda iyo dhibaatooyinka kale ee degaanka ayaa iyana caqabad kale ah.

“Arrinta biyo-gaarsiinta dadka Soomaaliyeed waa mid khuseysa in dalka dib loogu soo celiyo waddadii nabadda. Marka degannaansho la helo, guulo badan ayaa laga gaari karaa hubinta in dad badan ay helaan adeegyo ka wanaagsan kuwa hadda jira. In kasta oo kheyraad maaliyadeed iyo mid farsamo la heli karo si biyo loo helo, haddana nabadgelyo-xumada ayaa caqabad ku noqota dadaalka, ayuu yiri Mudane Balslev-Olesen. “Biyuhu waa in aaney riyo ay higsadaan ku ahaan dadka Soomaaliyeed ee waa in ay noqdaan kuwo ay xaqiiqo ahaan u helaan” 

Dhibaatooyinka ka dhalata biyo la’aanta iyo maqnaanshaha adeegyada fayadhowrka waxaa ka mid ah in la arko nisbo sareysa oo ah cudurada la xiriira biyaha sida shubanka, (oo uu ku jiro daacuunka), kaas oo keena qiyaastii 20% geerida carruurta shan jirka ka yar ee dalka.  

Si xaaladda wax looga qabto, UNICEF iyo hay’adaha kale ee gargaarka ayaa ku hawlanaa bixinta taageero ku filan oo la siiyo waaxdan haddii ay tahay miyi iyo magaalaba iyada oo laga shaqeysiinayo lana dayactirayo qalabka; dhisidda iyo dayactirka nidaamyada biyaha iyo fayadhowrka; bulshooyinka oo lagu tababaro ka sii shaqeysiinta nidaamyadan; wanaajinta hab-dhaqanka nadaafadda hadda jira ee dadweynaha iyo dugsiyada; dugsiyada iyo xarumaha caafimaadka oo loo dhiso musqulo iyo taageero karti-dhisid oo la siiyo hay’adaha maareynta biyaha. Inta u dhaxaysa hadda ilaa sanadka soo socda, UNICEF ayaa laga rajeynayaa in ay dhammeystirto dhismaha iyo ballaarinta lix nidaam-biyood oo kuwa magaalada ah oo la rajeynayo in ay biyo nadiif ah gaarsiiyaan 162,000 oo qof.

“Maalmaha Biyaha Adduunku waa in carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed ay siiyaan fursad ay ugu dabaal-degaan guulihii laga gaarey helidda biyaha. Haseyeeshee, arrintu mar walba sidaa ma ahan maadaama ay nabad-geyo xumadu ayan hor-istaagin oo keliya horumarka ee ay weliba dumiso. Dadkii ku noolaan jirey goobihii hore biyaha looga heli jirey ayaa la barokicinayaa,” ayuu yiri Madaxa Waaxda Biyaha, Fayadhowrka iyo Nadaafadda  ee UNICEF Soomaaliya, Zaid Jurji. “Arrintaan waxaa tusaale u noqon kara markii ay 400,000 oo qof ay ka barokaceen Muqdisho ilaa sanadkii 2007 oo ay degeen waddada Afgooye ee koonfurta caasimadda. Dadkiii u soo qaxay Afgooye ma ay helin biyo iyo fayadhowr ilaa UNICEF iyo hay’ado kale oo gargaar ay biyo u soo dhaamiyeen dadka. Si tabtiib tartiib ah ayaa biyo-dhaamintan loogu beddalayaa nidaamyo joogto ah oo biyo oo ay helaan dadka soo barokacay.” 

Wax badan ayaa weli dhimman si loo hubiyo in carruurta iyo haweenku ay si joogto ah u helaan biyo nadiif ah. Arrintan waxa ay yareyneysaa waqtiga iyo tamarta gaar ahaan bixiyaan gabdhaha iyo haweenku inta ay waddada ku jiraan iyaga oo masaafo dheer socdaalaya si ay biyo u raadiyaan. Waxa ay wanaajineysaa tegitaanka ay ardaydu dugsiga tagaan iyo weliba in ay xusuus iyo dareen u lahaadaan waxbarashada waxaana ay hooyooyinku siisaa waqti dheeri ah oo ay la qaataan qoysaskooda. 
 

UNICEF  
 

UNICEF waxa ay ka shaqeysaa in ka badan 150 dalal iyo dhulal ah si ay gacan uga geysato samata-baxa iyo horumarka carruurta, laga soo bilaabo marka ay aadka u yar yihiin ilaa marka ay qaan-gaarayaan. UNICEF oo ah hay’adda siisa tallaalka ugu badan dalalka soo koraya, waxa ay taageertaa caafimaadka iyo quudinta carruurta, helidda biyo iyo fayadhowr wanaagsan, waxbarasho aasaasi ah oo tayo leh oo ay helaan dhammaan wiilasha iyo gabdhaha, iyo ka ilaalinta carruurta rabshadda, dhiig-miirashada, iyo AIDS. UNICEF waxa ay dhammaan maalgelinteeda si iskood ah uga heshaa shakhsiyaad, ganacsiyo, mu’asasado iyo dowlado.  

Xog dheeri ah kala soo xiriir:   

  • Zaid Jurji, Madaxa Waaxda Biyaha, Fayadhowrka iyo Nadaafadda (WASH), UNICEF Somalia, mobile-ka: +254 723 786 975. Email: zjurji@unicef.org
  • Annmarie Swai, Sarkaalka Mashruuca, Waaxda Biyaha, Fayadhowrka iyo Nadaafadda (WASH), UNICEF Somalia. Telefoon:+254 722 729 729/254-20-7623950/59. Email: aswai@unicef.org
  • Iman Morooka. Sarkaalka Warfaafinta, UNICEF Somalia, Telefoon: +254 713 506 076. Email: imorooka@unicef.org
  • Robert Kihara, Sarkaalka Warfaafinta, UNICEF Somalia, Telefoon: +254 722 206 883. Email: rkihara@unicef.org

 

Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2009
 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS