SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xildhibaan Sh. Axmed Cabdullaahi  Oo Si Weyn Uga Hor Yimid Hadalkii Wasiirka Arimaha Dibada Oomaar Ee Uu Ciidamada Shisheeye Ku Dalbanyey

Mudanayaasha baarlamaanka dowlada midnimada qaran ee soomaaliya ayaa durba ka hor yimid hadalkii wasiirka arimaha dibada ee dowlada midnimada ee soomaaliya maxamed c/laahi oomaar ee ahaa in ciidamada AMISOM lasoo kordhiyo islamrkaana dhowr batalyan lagu soo daro si ay amaanka u xoojiyaan .

Sh, Axmed Cabdullaahi oo loo yaqaan (Sheekh Fanax) oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka ee dowlada midnimada qaran ee soomaaliya gaar ahaan kuwii kusoo galay dhinaca mucaaridka dib u xoraynta ayaa shaaca ka qaaday dalbashada ciidamada shisheeye inay gaar u tahay wasiirka islamarkaana aan xiligan loo baahnayn ciidamo kale oo shisheeye oo dalka soomaaliya yimaada iyadoo kuwii hore laysku haysto .

Sidoo kale xildhibaanka oo ku hadlayey qaarka tirsan mudnayaasha baarlamaanka inta diidan in ciidamo kale la keeno dalka ayaa ka dhawaajiyey in dowlada soomaaliya aysan xiligan u baahnayn ciidamo shisheeye islamrkaana ay hadii ay la heshiiso inta iminka mucaaridka ah ay isku filaan karto

"Ma jirto codsi ka yimid Dowladda Midnimada qaran oo lagu dalbanayay Ciidamo Shisheeye oo hor leh, marka dalabka Wasiirka Arrimaha Dibeda Mr Oomaar waa mid isaga u gaar ah"ayuu yiri Sh,Fanax oo ka mid ahaan masuuliyiintii sar sare ee midowga maxaakiimta islaamka soomaaliyeed

Sheekha ayaa carabka ku adkeeyey in dhowaan ay Golaha Wasiirada dowladu ay meel mariyeen sidii loo hir gelin lahaa in shareecada islaamka in dalka lagu maamulo taasina ayuu yiri waxay ka hor imkaanaysaa sidii loo xoojin lahaa in shareecada la qaato oo meel wada galaan in ciidamo shisheeye la keeno iyo sharciga islaamka laysku maamulo

Hadalka xildhibaanka ayaa kusoo beegmaya xili uu wasiirka arimaha dibada dowlada soomaaliyeed uu golaha amaanka ka codsaday in ciidamo Deeraad ah la keeno dalka soomaaliya si loo helo ayuu yiri amaan iyo kala dambayn balse ay arintaasi ka hor yimaadeen qaar ka tirsan mudnayaasha baarlamaanka dowlada midnimada


yaasiin maxamed faytin
Yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 22, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS