SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dood cilmiyeed hal maalin ah loogana hadlayey sidii dadka guryahoodii ka barakacay dib logo soo celinlahaa oo Sabtidii ka dhacay Magaalada Muqdisho .


Ka soo qeybgalayaasha ayaa ahaa kuwo laga soo dhexsaaray bulshada qeybaheeda laga duwan waxayna doodu u dhacaysay si sareexad lah oo aan runta lag aganbaneyn

Qodbka ugu doorka roonaa ayaa ahaa tixgaliyayasha haweenka somaliyeed

Work shop kaan ayaa waxaa loogu talagalay sidii dadka guryahodii ka barakcay dib logu soo celin lahaa waxaana qabanqaabada lahaa hey.adda Somali women concern organization SWC iyada oo laga dodayey sidii dib logu celin lahaa dadka barakacayaasha ah maxay u baahan yihiin dadka bakaracaayaasha ah maxay u badan yihiin dadkii ku jiray gurhaya ijaarka ah .guryaha lahaa ,iyo kuwii daganaa xarumaha dowlada IWM daraasaad la sameeyey ayaa lagu ogaday %60 in ay ahaayeen kuwo guryooda iyagu lahaa halka %20 ay ahaayeen ijaar sidoo kalna %20 ay ahayeen kuwo degaan xarumo ay dowladu leedahay taasna waxay ka danbeysay baritaan iyo xog uruurin la sameeyey .

Dooddaan aya lagu ogaaday in dadka baracayaasha ah ay bilaabmeen wixii ka danbeeyey 1991kii baracakuna wuxuu soo maray xaalado kala duwan iyada oo dadka qaarkii ay tiigsanayeen dibadaha iyo dhaqaalo horumar leh halka dadka intiisa kalana ay tiigsanayey sidii ay naftoodu u badbadi laheyd iyo kuwo ku xisaabtamaya caar iyo qamadi ay iibsadaan .

Dalka somaliya ayaa waxaa hareeyey dagaalo .abaaro ,colaado , iyo kala duwanaansho xaga fakirka ah

Waxaa dhanka kale baaq loo jeediyey hay.addaha deeqda bixiya iyo kuwa dolwliga ahba in ay taakuleeyan howlaha dib u dejinta dadka gurhayodii ka barkacay ee dadsan gedaha hostooda

Dooda manta ayaa lagu shegay in ay jiraan arday badan oo loo adeegsaday dagaalada ka dib markii ay daba dheeraadeen dagaalada dalka ka holcayey waxaana jiray sida warbixinta lagu shegay arday tahriibtay halka kuwa klana dibjiro ay noqdeen iyada oo ay waxbarashdiina ay ka kala go.day waxaaana ay hada u baahanyihiin in la siiyo fursad lagu dhaqan celiyo

Somaliya waxaa la sheegay in ay ka dhaceen danbiyo dagaal ,kuwo waaweyn oo ay geysteen rag hubeysan xadgudubyo isugu jiray dil ,dhac, kufsi ,iyo caruurta loo adeegsado ciidamda laguna shaqeysto .

nolosha qaxootinimada ayaa waxaa laga dhexlaa cafimaad daro ,hurdo la.aan ,waxbarasho xumo, guri la.aan ,iayada oo ay dheer tahay farxumayenta dumarka iyo dhaca hantidooda ,

ugu danbeyntii dod cilmiyeedka ayaa waxaa qoraal dheer oo laga soo saarey dooda saxafada u aqriyey gudomiyaha ururka Somali women concern organization Marwo Jawaahir Axmed Cilmi oo ay ku saxiixneyd qoraalkii ayaa sidaan u qoraa

Somali women concern organization

Ujeedo baaq

Ka dib markii daraasad cilmiyeysan lagu sameeyay sida dib loogu celin karo dadka barakacayaasha ah isla markaan su’aalo laga weydiiyay meelihii ay markii hore ka soo barakaceen iyo sida xaaladooda noloshu ahayd hadii ay degganaayeen guri ay leeyihiin , guri kiro ama dhismo dowladeed I WM . iyo sida ugu haboon ee dib loogu celin iyo tasiilaadka ay u baahan yihiin ,, mase laga yaabaa in ay mar kale soo barakacaan hadi xaalad la mid ah tii hore ay soo noqoto ,’iyo inay ku qanacsan yihiin noloshooda waqtigaan xaadirka ah iyo in kale.

Dood iyo falanqeyn ay ka yeesheen Somali women concern, hay’adaha gargaarka qaar ka mid ah goloyaasha dowladda iyo qubaro aqoonyahanno ah oo ku xeel dheer aafooyinka maareeyo dhibaatada had iyo jeer soo wajahda, waxaa uga dambeyntii laga soo saaray baaqan soo socda

1) In Nabadda wada jir looga wada shaqeeyo si loo abuuro jawi daggan oo lagu noolaan karo.

2) Inay culima’udiinka odayaasha iyo aqoonyahanada soomaaliyeed ay qeyb libaax ka qaataan isku keenida ummadda soomaaliyeed .

3) Inay wadahadal ku xaliyaan khilaafka ka jira dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda si loo gaaro nabad waarta .

4) In dib loo soo nooleeyo adeegyadii bulshada si dib loogu celiyo barakacayaasha .

5) In shaqo loo abuuro dadaka loo dajinayo maadaama dhaqaalahoodii burburay , shaqo la’aan ay lirto .

6) In dadka dib ugu noqonaya meelihii ay ka soo barakaceen loo sii wado gargaarka bani’aadanimo inta ay ka gaarayaan isku filnaasho buuxda .

7) In si buuxda loo wada gaarsiiyo dadka barakacay gargaarka bini’aadanimo .


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS